20/04/2026
Maxkamada Gobolka Shabelaha Dhexe waxa ay xaraash ku iibineysaa Makiinad Cagacagaf nooceedu yahay 7066 oo ay leeyihiin Cabdqaadir Maxamed Dhurow iyo Saalax Maxamed Dhurow.
Haddaba cidii dooneysa oo ka qeybgalaysa xaraashka makiinadan hala xiriirto kaaliyaha maxkamada gobolka Sh/dhexe oo laga helo taleefan namberka ah:770986398.
Mudada xaraashka uu soconayo waa laga bilaabo 19/04/2026- ilaa 19/05/2026.
08/04/2026
Maxkamadda Gobolka Shabelaha Dhexe waxay Baafineysaa islamarkana u yeereysaa:
1-Maariyo Abuukar Wakriye,oo ay
Maxkamadda ka taalo Dacwad madani ah.
Maxkmadda ayaa fareysa in dacweysanaha ay ku hortimaado Maxkamadda muddo 30 cosh ah oo ka bilaabaneysa 08/04/2026. Kuna Eg 07\05/2026-ka.
DHAMMAAD
01/04/2026
Maxkamadda Gobolka Shabelaha Dhexe waxay Baafineysaa islamarkana u yeereysaa dacweysanayasha kala ah :
1-Yuunis Cabaas Abuukar
2-Yuusuf Xasan Ibraahim kuwaa oo ay Maxkamadda ka taalo Dacwad madani ah.
Maxkmadda ayaa fareysa labadan shakhsi ay ku horyimadan muddo 15 maalmod ah oo ka bilaabaneysa 31- 03- 2026. Kuna Eg 14/04/2026-ka.
DHAMMAAD
02/02/2026
Maxkamada gobolka Sh dhexe waxey u yeereysa islamarkan baafinaysaa
1: muqtar maxamud cali
2: Geedi Maalin Xasan, oo Dacwad madani ah ay ka Taalo Maxkamada gobolka Sh dhexe.
DHAMMAAD
10/11/2025
BAAFIN BAAFIN BAAFIN,
Maxkamadda Degmada Balcad Waxay u yeereysaa Dacweysaneyaasha kala ah:
1-Cabdulqadir Maxamed Xuseen (farey) .
2-Jabriil xasan maxamed,
3-Shiikh cumar Maxamed Xuseen.
4-Cabdifatax Macalin Maxamud (garweyne)
oo ay Maxkamadda ka taalo Dacwad Madani ah.
Waxaa leydin Farayaa in mudo 40, maalmood gudahooda ah aad ku hirtimaadan Maxkamadda oo ka bilaabaneysa 10/112025, Haddii aad ku imaan weysan waqtigaa, Maxkamaddu waxay qaadeysaa talaabo sharciga waafaqsan.
30/09/2025
๐๐๐๐๐จ: Maxakmadda Gobolka Shabellaha dhexe waxa ay xaraasheysaa ๐๐๐ ๐๐-๐๐๐ ๐๐ Taargadeedu tahay No.58326,oo hadda Taala saldhigga booliska Magaalada Jowhar fadlan haddii aad daneyneyo Cagaftaas kala xiriir Kaaliyaha maxkamadda Gobolka oo namberkisu yahay: 252-770986398.
Faah_Faahin๐
30/09/2025
Maxkamadda Gobolka Shabelaha dhexe Waxey u yeereysaa islamarmana ay Baafinaysaa ๐๐ก๐๐ง ๐๐ฎ๐ฎ๐ฑ oo kala ah.
1.=๐๐๐๐๐ข ๐ข๐๐ซ๐๐๐ก๐ข๐ฆ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐ข๐ง.
2= ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐ข๐ฒ๐๐๐.
3 =๐๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐ ๐๐ข๐ฅ๐จ๐ฐ๐ฅ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ซ๐,
4=๐๐๐๐๐ข ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง,
5=๐๐๐๐๐ข ๐๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐ ๐๐ข๐ฅ๐จ๐ฐ๐ฅ๐
oo ay Maxkamadda ka Taalo Dacwad Madani ah kuna saabsan ๐๐ก๐ฎ๐ฅ-๐๐๐๐ซ๐๐๐.
Hadaba Waxaa leydin farayaa in aad mudo 15 maalmood gudahood ah aad ku timaadan maxakamdda.
23/07/2025
Maxkmadda Gobolka Shabelaha Dhexe, Waxay Baafineysaa islamarkana u yeereysaa laba eedeysane oo kala ah:
1-๐๐ฑ๐ฆ๐๐ ๐๐๐ง๐๐ฒ ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ oo ku eedeysan Qodobada kala ah , 219,220, 269, 321, 326, 332, XCS, Inuu maxakamadda ku horyimaado muddo 40-cisho gudhood ah, kana bilaabaneysa 23,07,2025= Kuna eg: 03-09-2025.
2-๐๐๐๐๐๐ช ๐๐ฎ๐ค๐ก๐ญ๐๐ซ ๐๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐ oo isagane ku eedeysan Qodobada 220, 219, 269, 321, 326, 332, XCS.
Inuu maxakamadda ku horyimaado muddo 80-cisho gudhood ah kana bilaabaneysa 23,07, 2025
Kuna eg: 13-10-2025.
FG-Haddii aad ku imaan weysan muddada sharcigu idiin xadiday, Maxkamaddu Waxa ay qaadeysa
Tallaabo quseeya Eedaha.