30/11/2025
Jowhar: Axad- 30, November 2025_Warqaad kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Hirshabelle Mudane ๐๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐๐ก๐ข ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ ๐๐๐๐๐ฅ, ayaa Caawa lagu shaaciyay in Bishaan ๐๐๐๐๐ฆ๐๐๐ซ la fasaxay guud ahaan Bahda Garsoorka Dowladda Hirshabelle, islamarkana shaqada lagu soo laaban doono 1da January ee sanadka Cusub 2026.
04/11/2025
๐๐จ๐ฐ๐ก๐๐ซ: 4' ๐๐จ๐ฏ๐๐ฆ๐๐๐ซ, 2025, Guddomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dowladda Hirshabelle Mudane ๐๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐๐ก๐ข ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐๐๐๐ฅ, ayaa Magaalada Jowhar Uga Qeybgakay Shirweyne U dhaxeeyay Culimaa'udiinka iyo bahda Garsoorka Dowladda Hirshabelle .
Shir-weynahaan waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Awqaafta &arimaha diinta Hirshabelle Mudane ๐๐ฅ๐ข ๐๐ฌ๐ฆ๐๐ง ๐๐๐ซ๐๐ก๐ข๐ฆ ,oo ay wehliyaan Xubno kasocday Golaha Wasiirada Hirshabelle, Mamulka Goboka Shabeelaha dhexe, Mas,uliyiin ka kala socotay Maxkamadaha, iyo Bulshada Rayidka Qeybahooda Kala duwan.
Ujeedka Shirkaan ayaa ahaa sidii Wasaaradda Awqaafta &Arrimaha diinta iyo bahda garsoorka iskaga kaashan lahaayen arimaha la xiira Qoyska, maadaama bulshadu la dhibantahay khilafaad xoogan oo ka dhasha Guurka iyo Waliba furriinka Kaas oo ay si gaar ah iskaga kaashan doonan Wasaaradda Diinta iyo bahda Cadaaladda.
Culimada iyo xubnihii kasocday garsoorka hirshabelle ayaa Soo bandhigay waxii ka qabsoomay shirweynihii kan ka horeyay ee lagu falamqeyay Wacyigilinta Arrimaha khilaafaadka la xiriira qoyska.
Gusdoomiyaha Maxkamadda Sare ee Hirshabelle oo ka hadlay shirweynahana ayaa wasaaradda Diinta kaga mahadceliyay qabsoomidda shirkaan muhiim ah waxa uuna Carabka kudhuftay in Garsorku si dhow ula shaqeyn doono Wasaaradda loona baahanyahy in La sameeyo Shahaadooyin Cadeyna Labada qof ee maherku dhex maray sidoo kalane la qoro Waqtiga Dalaaqa.
Guddoomiye Abdullahi Gacal ayaa sheegay in garsoorku kala kaashan doono Wasaradda xalinta Khilaafadka ka dhasha guurka iyo furrinka intuba loo baahanyahy in si wadajir ah loo wajaho dhibaatooyinkas.
๐๐๐๐๐๐๐๐
03/11/2025
Jowhar :-3, November, 2025:-Maxkamadda Sare Ee Dowladda Hirshabelle, iyada oo cuskaneysa qodobada 108, iyo 121,Xeerka Habka Madaniga Soomaliyeed waxa ay ku wargelineysaa:- ๐๐๐๐๐ข๐ซ๐๐ฑ๐ฆ๐๐ง ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ฒ๐ฆ๐๐ง ๐๐๐๐๐ฅ๐ข๐ง, oo markii dad ugu wardanbeysay ku sugnaa Gobolka Banadir, in ay ka taalo Maxkamadda Dacwad Madani ah, oo kala dhaxeyso ๐๐๐๐ฃ๐ข ๐๐๐๐๐ข ๐ฌ๐ก๐๐ซ๐๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ฆ๐๐ซ.
sidaa darteed waxaa la farayaa in uu maxkamadda ku horyimaado muddo 45 cisho ah oo ka bilaabneyso 29- 10 -2025 Ilaa 12, 01, 2026.
๐๐๐๐๐๐๐๐
18/10/2025
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyay 6-Garsoore.
08/10/2025
"WAR SAXAAFADEED"
War saxaafaded ayaa laga soo saaray Shirka Garsoorka Dowladda Hirshabelle oo laba Maalmood ka socday Degmada Balcad Ee Gobolka Shabelaha Dhexe.
08/10/2025
๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐ฌ๐จ๐จ๐ซ๐ค๐ ๐๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐ ๐จ๐จ ๐ฆ๐๐๐ง๐ญ๐ ๐ค๐ ๐ช๐๐๐ฌ๐จ๐จ๐ฆ๐๐ฒ ๐๐๐ ๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ค๐ ๐๐ก๐๐๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐ก๐๐ฑ๐.
๐๐๐ฅ๐๐๐: 8,Oktober, 2025;
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Hirshabelle Mudane Abdullahi Gacal,ayaa maanta shir-guddoomiyay Kulanka Hey,daha Garsoorka oo ka qabsoomay Degmada Balcad ee Gobolka Sh.dhexe.
Waxaana kasoo qeyb-galay Gudoomiyasha Maxkamadaha Racfaankanka labada gobol Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,Garsoorayaal kala socday Degmooyinka Hirshabelle. Shirkaan ayaa warbixino loog dhegestay Gudoomiyasha lbada gobol ee racfaanada iyaga oo ka warbixiyay howlaha garsoorida ee u qabsoomay iyo waxii ay hiigsanayan,
Waxa ayna soo jeediyeen talooyin lagu soo hormarinayo laamaha garsoorka.
Shirkan u qabsoomay heydaha garsoorka ayaa looga hadlay arimo dhowr ah oo lagu tayeynaayo heydaha Garoosorka waxaan ka mid ahaa:
1-Dardargalinta Howlaha Garsoorka waxaa lagu adkeeyay shirka baahida loo qabo in la kordhiyo hofnaanta degdega ah iyo cadaaladda lagu mamulo dacwadaha si shaacbka si shacabka u helaan adeeg garsoor oo wafqasan cadaaladda.
2-teyeynta garsoorka, si garsoorayashu y helaan tababar ku filan kana jawabaya caqabdaha ka yimada howlaha garsoorida loona helo hufnaan loona helo mideesnan garsoor.
3-in la xoojiyo casriyeynta howlaha garsoorka, si loo helo nidaam casriyeysan, ee keydinta iyo Diiwangalinta howlaha garsoorka,iyo helida mareeg rasmi ah oo mideysan.
4-in garsoorku yeesho shir sanadeed mideysan si loo helo warbixinta garsoorka hirshabelle,
Doodo, cilim baarisedyo, iyo aqoon isweydaarsi.
5-in garsoorku ku dadaalo hufnaanta cadaalada si loo adkeeyo kalsoonida bulshada.
6-in gasrooku ka madaxbananyahay siyaasada, sida labada heerood ee fulinta iyo sharci dajinta waxa uuna garoorku leeyahay xaquuq joogta ah mudnaan gooni ah uu ku leeyhay dowlada hirshabelle,
Waxa uuna digniin adag udiray shirku dadka faafiya wararka been abuurka ah ee lagu sumcad dilayo sumcadda garsoorka iyo kalsoonida bulshada.
7-shirka ayaa waxa uu ku booriyay in la dardargeliyo wadashaqeynta dhamaan heerarka kala duwan ee Garoosorka, lana diyaariyo qorsha howleed mideysan.
Gobagabdii Gudoomiyasha Maxkamadda sare Cabdulhi Maxmuud Gacal ayaa soo xiray Shirka asgaoo dardaaran ku aadan shaqada Garsoorka Dowladda Hirshabelle, u jeediyay ka qeybgalayasha waxaan shirka Gabogabadii loogu mahadceliyay Garooska balcad oo shirka maritime galiyay.
DHAMMAAD
25/09/2025
Jowhar: 25, Sebtember' 2025;_Shirka Todobaadlaha ah Ee Bahada Garsoorka Hirshabelle oo Maanta ka qabsoomay Xarunta Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sh/dhexe.
Shirkaan ayaa waxaa Guddoominayay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Hirshabeele Mudane Cabdullhi Maxamuud Gacal ,oo uu whliyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Hirshabelle Md.Garyaqaan Garaad Axmed Caddow,
Ayada Shirkaan qeyb ka ahaayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sh/dhexe,Xasan Sheekh Cabdullahi Yalaxow, Taliyaha Booliska Degmada Jowhar, Cabdifitax Arwaax aadan, Kusimaha Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Jowhar, Mohamed Cabdullahi Zaki, dhammaan garsoorka heerarkiisa kala duwan kaaliyaasha Maxkamadaha iyo xubna kale oo ka tirsan Xafiiska xeer-ilaalinta.
Ajandaha shirkaan ayaa waxa uu ahaa isla xisaabtanka bahda cadaaladda sida Booliska, xafiiska xeer-ilaalinta iyo qeybaha kale ee Garsoorka Dowladda Hirshabelle.
Waxaa sidoo kale looga hadlay shirka islamarkana lagu falanqeeyay, horgeynta mudadhaafka ah ee eedeysanayasha Fulinta police ka ee amarada garsoorka si aan daahid lahayn, adkeynta hufnaanta cadaaladda.
Waxaa lagu lafa guray kulankii ugu dambeeyay qodobadii hoosta laga xariiqay, dhammaan dhinacyadu waxa ay cadeeyeen in ay qaateen doorkoodii sharci ee ku aadanaa dacwadaha.
Kulanka Qamiislaha ee bahda Cadaalada ayaa lagu xusay in lagama maarmaan ay tahay in la ilaaliyo xuquuqda sharcigu siiyay eedeysanayaasha.
Ugu dambeyn waxaa lagu balamay in dhinic walba oo ka tirsan bahda cadaaladda uu kasoo baxo Waajibaadkiisa sharciga si danta guud ee cadaaladda loo xaqiijo.
Gabagabadii Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Abdullahi Gacal ayaa soo xiray Shirkaan.
DHAMMAAD
25/09/2025
๐๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐๐ฑ๐ค๐๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐ ๐จ๐จ ๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐ข๐ข๐ฐ๐๐ง-๐ ๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ช๐จ๐จ๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐๐ (๐๐๐๐).
Jowhar: 25, Sebtember, 2025:__Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Hirshabelle mudane Cabdullhi Maxamud Gacal, oo ay Wehliyaan Xubno ka tirsan laama Garsoorka Dowladda Hirshabelle ayaa maanta iska diiwaan galiyay Xarunta Hey,adda NIRA ay ku leedahy Magaalada Jowhar ee casimadda Hirshabelle.
Shaqaalaha kala duwan ee ka howlgala Hey'adda NIRA ayaa si weyn usoo dhaweyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Xubno kale ee la socday iyagoo ugu shaqeyay si wangsan oo ay kujirto howl- karnimo.
Dhankiisa Guddoomiyaha maxkmadda sare Ee Hirshabelle Mudane Abdullahi Gacal, ayaa u mahadceliyay shaqaalaha Hey,adda aqoonsiga qaranka Ee NIRA isagoo bulshada ku booriyay in ay qaataan kaarka aqoonsiga qaranka maadama uu muhiim u yahay adeegyada dadweynaha Soomaaliyeed.
DHAMMAAD
18/09/2025
Jowhar: 18, September, 2025 โ Shirka todobaadlaha ah ee Bahada Garsoorka Hirshabelle ayaa maanta ka qabsoomay hoolka maxkamadaha ee magaalada Jowhar. Shirkaan waxaa guddoominayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Hirshabelle, Mudane Cabdullhi Maxamuud Gacal, iyadoo ay ka qeyb ahaayeen Xeer-ilaaliyaha Guud ee Hirshabelle, Garyaqaan Garaad Axmed Caddow, iyo Taliyaha cusub ee Saldhiga Degmada Jowhar, Abdi Fitah Arwax Aadan, oo maanta lagu casuumay shirka. Waxaa sidoo kale kulanka ka qeybgalay garsoorayaasha maxkamadaha, Qareenada ka howlgala Maxkmadaha qeybahooda kala duwan, xubno ka tirsan xafiiska xeer-ilaaliyaha guud iyo qaar kamid ah kaaliyaasha maxkamadaha.
Ajandaha shirkan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dacwadaha ciqaabta iyo kuwa madaniga ah, xoojinta wadashaqeynta laamaha garsoorka, xafiiska xeer-ilaalinta iyo booliska DG Hirshabelle. Waxaa sidoo kale xoogga lagu saaray ilaalinta xuquuqda eedeysanaha xiliga horgaynta iyo garsugidda.
Shirka ayaa lagu gorfeeyay xal u helidda caqabadaha heysta garsoorka, iyadoo ahmiyad gaar ah la siiyay kordhinta kalsoonida garsoorka iyo fahamka guud ee bulshada ku aaddan adeegyada garsoorka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Mudane Cabdullhi Gacal, ayaa garsoorayaasha ku amaanay dadaalka iyo shaqada wanaagsan ee ay u hayaan bulshada, waxa uuna suโaalo weydiiyay ka qeybgalayaasha kulanka iyo wixii u qabsoomay todobaadkii tegay.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Gacal ayaa soo xiray shirka maanta.
DHAMMAAD
06/09/2025
Jowhar: 06, September, 2025,
Shirka Todobaadlaha ah Ee Bahada Garsoorka Hirshabelle oo Maanta ka qabsoomay Xarunta Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sh/dhexe.
Shirkaan Deg Dega ah ee ay yeesheen Garsoorka Hirshabeele iyo Xafiiska xeer-ilaaliyaha Guud ayaa ka dhacay Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Shabeelaha dhexe.
Shirkaan ayaa waxaa Guddoominayay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Hirshabeele Mudane Cabdullhi Maxamuud Gacal ,
Ayada oo ay qeyb ka ahaayeen Xeer-ilaaliyaha Guud ee Hirshabeele Garyaqaan Garaad Axmed Caddow, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Garsoore Bilaal Cabdiqaadir Xasan, iyo dhammaan garsoorka heerarkiisa kala duwan iyo xubna kale oo ka tirsan Xafiiska xeer-ilaalinta.
Ajandaha shirkaan ayaa waxa uu daarnaa qodobo dhowr ah oo ay kamidka yihiin: Dardargelinta Dacwadaha Ciqaabta iyo Kuwa madaniga ah, ka-jawaabida cabashada dadweynaha ee dhinaca ujuurada maxkamadaha, adkaynta iyo sharci u helidda Damaanadaha, Xoojinta wadashaqeeneed ee Garsoorka iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta, iyo ilaalinta Xuquuqda Eedeysanaha xiliga horgaynta iyo garsugidda.
Shirkaan ayaa lagu xaliyey caqabado badan ee garsoorka ayada oo ahmiyad lasiiyey kordhinta kalsoonida garsoorka iyo fahanka garsoorka ee kaga aadan bulshada.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Cabdulhi Gacal, ayaa garsoorayasha ku amaanay shaqada ay u haayan Bulshada ku nool deegaanada Hirshabelle,
Waxa uuna sidoo kale ku booriyay in ay sii laba jibaaraan shaqooyinkooda.
ugu danbeyn Gudoomiye gacal ayaa soo xiray Shirka.
DHAMMAAD