Baarlamaanka Hirshabeelle State Somalia

Baarlamaanka Hirshabeelle State Somalia

Share

Waa Bogga Rasmiga ee Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Somalia

The Official page

24/03/2026

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr. Abdulhakim Lukman Haji Mohamed oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Hassan Osman, ayaa kormeeray dhismaha cusub ee Xarunta Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle oo maraya heer gabagabo ah.

Photos from Baarlamaanka Hirshabeelle State Somalia's post 20/03/2026

Jowhar, 20 Maarso 2026: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Dr. Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Maxamed oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Xasan Cismaan xubno ka kala socday labada gole ee Dowladda Hirshabelle, maamulka gobolka iyo kan degmada, ayaa Salaadda Ciidda ku tukaday Masjidka Madaxtooyada Dowladda Hirshabelle.

Guddoomiyaha ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga u diray Dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiye Luqmaan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada reer Hirshabelle, inay is-garabsadaan, isla markaana si wadajir ah uga shaqeeyaan amniga, midnimada iyo wadajirka bulshada, ayna garab istaagaan dadka danyarta ah

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Baarlamanka Dowaladda Hirshabelle
E-mail: [email protected]

19/03/2026

Ciid Wanaagsan.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ahna Guddoomiyaha ee Baarlamaanka Hirshabelle, Mudane Cabdixakiim Luqmaan Xaji Maxamed ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada reer hirshabelle munaasabadda barakaysan ee ciidul fidriga awgeed.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka reer Hirshabelle iyo guud ahaan ummadda soomaaliyeed inay xoojiyaan is-caawinta islamarkaana garab istaagaan dadka danyarta ah ee ay saameeyeen abaaraha.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin dheeri ah, fadlan kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle
Email: [email protected]

17/02/2026

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle Dr. Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Hirshabelle, ugu hambalyeeyay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Guddoomiyaha aya bulshada ugu baaqay inay is-cafiyaan isla markaana garab istaagaan danyarta iyo dadka ay abaaro saameysay.

Ugu dambayn Guddoomiye Luqmaan ayaa Alle ka baryay inuu addoomadiisa waafajiyo kheyrka bisha barakaysan ee Ramadaan, abaartana ugu beddelo roobab iyo Burwaaqo.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin dheeri ah, fadlan kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle
Email: [email protected]

11/02/2026

Innaa Lillaahi waa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle, iyagoo ku hadlaya magacooda iyo kan Golaha Sharci-dejinta Dowladda Hirshabelle, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Xildhibaan Yusuf Maxamed Maxamuud geerida naxdinta leh ee ku timid Hooyadiis Marxuum Xaawo Barrow Xasan, oo galabta ku geeriyootay Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Baarlamaanka waxay Alle uga baryayaan Marxuumadda in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, hoygeedana ka yeelo Jannatul Firdowsa. Sidoo kale, waxay qoyska, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan ehelka ay ka baxday Eebbe uga baryayaan samir iyo iimaan.

‎إنا لله وإنا إليه راجعون

Photos from Baarlamaanka Hirshabeelle State Somalia's post 19/01/2026

Guddiga Amniga iyo Dhiirigelinta Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ee Baarlamanka Dowladda Hirshabelle ayaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Mudane Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Booliiska Dowladda Hirshabelle, Jeneraal Xasan Dhicisow Xasan ku wareejiya 18 neef oo geel ah iyo 18 mooto (Fekoon) oo ah Deeq loogu talagalay Ciidamada Difaaca Deegaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ee ku sugan furimaha h**e ee Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanka Jabad Godane.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka mahadceliyay deeqda la soo gaarsiiyay, isagoo xusay in mar walba ay garab taagan yihiin Ciidamada Deegaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka.

Dhanka kale Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Dhiirigelinta, Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xuseen (Buli), oo ay weheliyaan qaar ka mid ah xubnaha guddiga, ayaa bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ciidamada Deegaanka ka gaareen la-dagaallanka khawaarijta, gaar ahaan weerarkii ay kusoo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo khawaajirta cashir loogu dhigay.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin dheeri ah, fadlan kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle
Email: [email protected]

Photos from Baarlamaanka Hirshabeelle State Somalia's post 17/12/2025

Jowhar: 17,December2025 Baarlamanka Dowladda Hirshabelle ayaa maanta yeeshay kulankoodii 5aad Kalfadhiga 17aad, kulanka uu shir Gudoominayay Guddoomiyaha Baarlamanka Dowladda Hirshabelle Dr-Abdulhakim Luqmaan Xaaji Maxamed oo ay wehlinayay Guddoomiye Kuxigenka 2aad Mudane Mahad Xasan Cusmaan.

Ajendaha Fadhiga Golaha ayaa ahaa.

1. Ansixinta Xeerka Qoondeynta Miisaaniyadda 2026.

2. Ansixinta Xeer-Nidaamiyeyaasha Dakhliga Dowladda Hirshabelle ee 2025.

3. ⁠Ansixinta Warbixinta Xisaab-xerka Sanadka Maaliyeedka 2024.

4. Xeerka Dakhliga Dowladda Hirshabelle.

5. Ansixinta Xeerka Mihnadlayaasha Caafimaadka Dowladda Hirshabelle.

Ugu h**eyn Xildhibaanada Golaha ayaa su'aalo weydiyay Wasiirada Maaliyadda iyo Caafimaadka, Wasiirada ayaa dhankooda si faah-faahsan uga jawaabay su'aalaha laga weydiyay xeerarka ay soo gudbiyeen.

Intaa kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa cod galiyay Ansixinta xeerarka, Iyadoo codbixinta u dhacday sida tan.
- 56 Xildhibaan ayaa oggolaaday.
- Qof diiday ma jirin.
- Qof ka aamusay ma jirin.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaana ku dhawaaqay in la ansaxiyay 1. Xeerka Qoondeynta Miisaaniyadda 2026, oo dhan ($40,335,094.12)
2. Xeer-Nidaamiyeyaasha Dakhliga Dowladda Hirshabelle ee 2025. 3. Warbixinta Xisaab-xerka Sanadka Maaliyeedka 2024. 4. Xeerka Dakhliga Dowladda Hirshabelle, 5. Xeerka Mihnadlayaasha Caafimaadka Dowladda Hirshabelle.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiraxiim Ciise Caddow iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Saadaq Maxamed Maxamuud Ayaa Golaha ugu Mahadceliyay sida ay u ansixiyeen ugana guteen waajibkooda Dastuuriga ah Xeerarka ay soo gudbiyeen.

Gabagabadii Gudoomiyaha Baarlamanka Dowladda Hirshabelle Dr-Abdulhakim Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa soo xiray kulanka 5aad ee Kalfadhiga 17aad.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Baarlamanka Dowaladda Hirshabelle
E-mail: [email protected]

Photos from Baarlamaanka Hirshabeelle State Somalia's post 15/12/2025

Jowhar, 15 December 2025- Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle ayaa maanta yeeshay kulankiisii 4-aad ee Kalfadhiga 17-aad, kaas oo ka dhacay xarunta Golaha ee Caasimadda Jowhar.

Kulanka waxaa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka, Dr. Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed oo u wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Mahad Xasan Cusmaan.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen 61 xildhibaan, ayaa ajandihiisu ka koobnaa shan qodob oo muhiim ah:

1. XEERKA QOONDEYNTA MIISAANIYADDA 2026.

2. XEER-NIDAAMIYEYAASHA DAKHLIGA EE 2025

3. XEERKA DAKHLIGA DOWLADDA HIRSHABELLE EE 2025.

4. ⁠WARBIXINTA XISAAB-XERKA SANAD MAALIYEEDKA 2024.

5. ⁠XEERKA MIHNADLAYAASHA CAAFIMAADKA DOWLADDA HIRSHABELLE.

Ugu horreyn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cabdiraxiim Ciise Caddow, ayaa Golaha ka hor akhriyay warbixin ku saabsan soo gudbinta Xeerka qoondeynta miisaaniyadda 2026, Xeerarka dakhliga iyo Xisaab-xirka sannad maaliyadeedka 2024.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale sheegay in miisaaniyadda sannadka 2026 ay dhan tahay $44,355,094.12 (Afar iyo Afartan Milyan, Saddex Boqol Konton iyo Shan Kun, Sagaashan iyo Afar Doollar iyo Laba iyo Toban Senti).

Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Hirshabelle Mudane Saadaq Maxamed Maxamuud ayaa isna Golaha ka hor jeediyay warbixin ku saabsan Xeerka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka, isagoo faahfaahiyay muhiimadda iyo wax-tarka uu u leeyahay bulshada Hirshabelle.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa kulanka soo xiray, isagoo Xildhibaanada faray in ay si qoto dheer u akhriyaan xeerarka ay soo gudbiyeen Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka, si kulanka xiga golaha su’aalo loo weydiyo.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin dheeri ah, fadlan kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle
Email: [email protected]

08/12/2025

Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle Mudane Mahad Xasan Cusman ayaa maanta kormeeray dhismaha Wasaaradaha Maaliyadda iyo Waxbarashada oo maraya heer gabagabo ah.

Kormeerka Gudoomiye Mahad waxaa ku wehliyay Wasiirrada Maaliyadda, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha iyo Hawlaha Guud.

Photos from Baarlamaanka Hirshabeelle State Somalia's post 22/10/2025

Jowhar, 22 October 2025 Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle, Mudane Guhaad Cabdulle Jimcaale ayaa maanta magaalada Jowhar ku qaabilay khubarada diyaarinaysa Qorshaha Labaad ee Horumarinta Dowladda Hirshabelle iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta. Sidoo kale kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Xoghaye Ku-xigeenka Baarlamaanka Hirshabelle.

Intii uu kulanku socday Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Mudane Guhaad Cabdulle ayaa khubarada la wadaagay howlaha u qabsoomay Golaha iyo arrimaha mudnaanta gaar ah u leh Baarlamaanka asigoo khubarada kula taliyay in Baarlamaanka lagu daro Qorshaha Horumarinta Labaad ee Dowladda Hirshabelle.

Waxuuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in qorshahan cusub lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee shacabka iyo qorshayaasha horumarineed ee Baarlamaanka hiigsanayo.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin dheeri ah, fadlan kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle
Email: [email protected]

Photos from Baarlamaanka Hirshabeelle State Somalia's post 14/09/2025

GUDDOOMIYAHA BAARLAMANKA HIRSHABELLE OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

Jowhar, 14 September 2025 – Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle Mudane Dr. Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha kaas oo ka dhacay xarunta guddiyada ee Jowhar.

Ugu horrayn Guddoomiye Cabdixakiim ayaa warbixin ka dhageystay guddoomiyaasha guddiyada kuwaas oo faah-faahin ka bixiyay howlaha gudiga iyo shaqooyinka u qabsoomay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle Mudane Dr. Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Maxamed oo kulanka soo xiray ayaa ku boorriyay guddoomiyaasha guddiyada in ay sii laba laabaan dadaallada iyo shaqooyinka hortabinta u leh Golaha.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin dheeri ah, fadlan kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle
Email: [email protected]

30/08/2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Mudane Dr-Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa Mudane Yoonis Cabdi Faarax u Magacaabay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Hirshabelle.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jowhar?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Parliament Building Street
Jowhar