Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka - Hirshabelle

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka - Hirshabelle

Share

Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka - Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Ka shaqeynta arrimaha haweenka, u doodista iyo ilaalinta xuquuqda Aadanaha.

08/03/2025

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka 8-Maarso, 2025.

08/03/2025

Happy International Women's Day, 8-March, 2025.

08/03/2025

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka 8-Da Maarso 2025.

Haweenka waa tiir dhaxaadka Bulsha kasta, Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Hirshabeelle waxaa ka go'an in la xoojiyo iskaashiga haweenka, la garab istaago dowladda Hirshabelle, sidoo kalena kor loo qaado awoodda ka qeyb galka Siyaasadda ee Haweenka.

International Women's Day, 8-March, 2025.

Photos from Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka - Hirshabelle's post 08/03/2025

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‡๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐‡๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐›๐ž๐ž๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐‡๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐‡๐ข๐ข๐ซ๐š๐š๐ง ayaa maanta xusay maalinta haweenka aduunka ee 8-da Maarso. Munaasabadda oo lagu qabtay magaalada Baladweyne ayaa waxaa kasoo qeybgalay ururka haweenka gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee haweenka ku nool gobolka Hiiraan waxayna ka wada hadleen doorkooda ku aaddan dhisidda bulsho xooggan oo la wada dhan yahay.

Marwo Farxiya Cabdirashiid oo ah Gudoomiyaha ururka haweenka Gobolka Hiiraan oo munaasabadda hadal ka jeedisay ayaa sheegtay muhiimadda ay leedahay in haweenka ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab, iyo ka qeyb galka siyaasadda, doorka haweenka ee ku aadan taageeridda ciidamada qaranka si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasilooni ka dhalata Hirshabeelle iyo guud ahaan Soomaaliya.

Photos from Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka - Hirshabelle's post 28/12/2024

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka - Hirshabelle ayaa magaalada Jowhar ee casimada Hirshabelle ku soo gabagabeysay tababar ku saabsan Xadgudubyada Ku Saleysan Jinsiga iyo u ololaynta Xuquuqda Sharciga Gudniinka Fircooniga (GBV).

Tababarkaan waxaa iska kaashaday Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Hirshabeelle iyo Hay'adda Somali Peace Line, waxaana kasoo qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Haweenka Marwa Sacdiya Maxamed Nuur Burus ahna kusimaha Wasiirka Wasarada Hawenka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Marwa Iqra Cumar Maxamed, qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka iyo kan Degmada, Ururada Haweenka, Dhallinyarada iyo Bulshada Rayidka.

Tababarkaan oo laba maalmood socday ayaa Wasaaradda Haweenka ku soo bandhigtay sharciga looga hortagayo gudniinka Fircooniga (GBV) iyo ku xadgudubka jinsiga taasoo ay Wasaaraddu rabto in la meel mariyo.

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Hirshabeelle.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/mowhrd.hirshabelle
Twitter: https://twitter.com/MoWHHirshabelle.

Photos from Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka - Hirshabelle's post 14/12/2024

Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Hirshabeelle ayaa kulan muhiim ah la qaadatay Ururka Haweenka degmada Mahadaay ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Waxaa kulanka ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Hirshabeelle, Ururka Haweenka Degmada Mahadaay, qaar kamid ah Haweenka degmada, iyo bulshada deegaanka. Kulankan ayaa fursad u siiyay ururka haweenka inay soo bandhigaan baahiyaha iyo caqabadaha haysta haweenka degmada Mahadaay. Arrimaha looga hadlay waxaaa ka mid ahaa helitaanka waxbarasho, daryeel caafimaad, fursado dhaqaale, iyo ka hortaga tacaddiga haweenka iyo gabdhaha.

Wasaaraddu waxay la wadaagtay barnaamijyadeeda ku aaddan taageeridda awoodda haweenka, iyo wax ka qabashada xadgudubyada ku saleysan jinsiga ee guud ahaan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Qaar kamid ah Haweenka degmada ayaa aragtidooda dhiibtay waxayna Wasaaradda iyo haweenka degmada isla garteen habab waxtar leh oo looga wada shaqayn karo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira iyo in la maqlo codka haweenka Degmada Mahadaay.

Wasaaradda waxaa ka goโ€™an in ay abuurto iskaashi xooggan oo ay la yeelaneyso ururrada haweenka ee degmooyinka Hirshabeelle.

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Hirshabeelle.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/mowhrd.hirshabelle
Twitter: https://twitter.com/MoWHHirshabelle

Photos from Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka - Hirshabelle's post 10/12/2024

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle ku qabatay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee xuquuqul insaanka laguna soo gabagabeenayay ololaha 16-ka maalmood ee ka hortagga tacadiga ka dhanka ah haweenka.

Munaasabadda ayaa waxaa isugu yimid marti sharaf kala duwan waxaana kasoo qeyb galay ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ahna Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, wakiilo ka socday bulshada rayidka ah, iyo Ururada Haweenka.

Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo sanad walba la xuso waxaa looga hadlaa arrimaha xadgudubka haweenka iyo xuquuqda aadanaha, waxaana munaasabadda sanadkan lagu muujiyay muhimadda ay leedahay in wax-qabad wadajir ah laga sameeyo horumarinta xuquuqul insaanka iyo ciribtirka tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

Ololaha 16-ka maalmood ee ka hortaga tacadiyada haweenka oo soo bilaabmay bishii Noofambar 25-keedii ayaa diiradda lagu saaray wacyigelinta, abaabulka bulshada, iyo u doodista isbeddellada nidaamka si loo joojiyo xadgudubyada ku salaysan jinsiga iyada oo loo marayo aqoon-is-weydaarsiyo, dood-wadaag, iyo hawlo wacyi-gelineed oo bulshada ah.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka waxay xaqiijinaysaa dabagalna ku sameenaysaa waxyaabaha ka qabsoomi doona, wasaaradda waxaa ka goโ€™an ilaalinta xuquuqda aadanaha, horumarinta haweenka, iyo dhisidda ammaan bulsho oo loo wada dhan yahay.



๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Hirshabeelle.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/mowhrd.hirshabelle
Twitter: https://twitter.com/MoWHHirshabelle

Photos from Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka - Hirshabelle's post 10/12/2024

Waxaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ka socda daahfurka munaasabadda maalinta xuquuqda aadanaha.

Photos from Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka - Hirshabelle's post 09/12/2024

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta magaalada Jowhar ku qabatay tababar ku saabsan sare u qaadida u qareemida xuquuqul Insaanka iyo Wacyi-ga Haweenka Hirshabeelle.

Tababarkaan oo ka mid ahaa tababarada 16-ka maalmood ee tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha ayaa waxaa ka faa'ideystay ururada bulshada iyo ururada haweenka ee Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Hirshabelle Marwo Fowziya Abukar Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Marwo Iqra Cumar Maxamed ayaa hadalo ka jeediyay tababarka waxayna carrabka ku adkeeyeen muhiimada ay leedahay wacyigelinta iyo u doodista xuquuqda aadanaha.

Wasaaradda marwalba waxay u taagan tahay isku xirka iyo ilaalinta xuquuqda haweenka Hirshabeelle, waxayna wasaaradu ka qeyb qaadanaysaa joojinta tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha Hirshabelle.

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Hirshabeelle.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/mowhrd.hirshabelle
Twitter: https://twitter.com/MoWHHirshabelle

Photos from Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka - Hirshabelle's post 05/12/2024

๐€๐๐š๐ง-๐˜๐š๐›๐š๐ฅ: ๐ŸŽ๐Ÿ“ ๐ƒ๐ž๐œ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ’: Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Hayโ€™adda IOM ayaa shalay si wadajir ah degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku daahfuray tababar ku saabsan wacyigelinta tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

Waxaa tababarkaan loo qabtay ururka isku xirka haweenka (Women Network Organization) oo ka dhisan degmada Aadan-Yabaal, tababarkaan wuxuu socon doonaa lix maalmood iyadoo diiradda lagu saarayo wacyigelinta tacadiyada haweenka iyo gabdhaha. Mawduucyada ugu muhiimsan waxaa ka mid aha ka hortagga guurka qasabka ah, gudniinka fircooniga ah (FGM), iyo xadgudubyada loo geysto gabdhaha.

Wasaaraddu waxay u heellan tahay horumarinta haweenka iyo ilaalinta xuquuqda haweenka Hirshabeelle. Si wada jir ah IOM iyo wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Hirshabeelle waxaan sii wadeynaa inaan taageerno ururada asaasiga ah dadaalka ay ugu jiraan ka hortaga tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo abuuritaanka bulshooyin ammaan ah oo loo dhan yahay.

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Hirshabeelle.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/mowhrd.hirshabelle
Twitter: https://twitter.com/MoWHHirshabelle

04/12/2024
Want your business to be the top-listed Government Service in Jowhar?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Jowhar