Dowladda Hoose Ee Degmada Kismaayo

Call Website Contact the organization

Dowladda Hoose Ee Degmada Kismaayo XAFIISKA WARFAAFINTA DOWLADDA HOOSE EE DEGMADDA KISMAAYO

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo oo Daahfuray Mashruuca Dowlad-wanaagga.Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, ...
28/10/2026

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo oo Daahfuray Mashruuca Dowlad-wanaagga.

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa maanta daahfuray Mashruuca Dowlad-wanaagga, gaar ahaan mashruuca Inclusive Social Accountability (ISA), kaas oo lagu qabtay Hoteelka Agan ee magaalada Kismaayo.
Mashruucan waxaa fulinaysa hay’adda Somali Family Services (SFS), waxaana maalgelinaya Sanduuqa Xasillinta Soomaaliya, wejigiisa saddexaad (SSF III).

Kulanka daahfurka ayaa diiradda lagu saaray qorsheynta, isku-duwidda iyo ka-qaybgelinta daneeyayaasha, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta isla-xisaabtanka bulshada, hufnaanta maamulka iyo ka-qaybgalka muwaadiniinta ee arrimaha maamulka iyo adeegyada bulshada.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu xoojiyo wada-shaqeynta maamulka degmada iyo bulshada, dhiirrigeliyo wada-tashiga, isla markaana kor u qaado ka-qaybgalka muwaadiniinta ee go’aannada saameeya noloshooda.

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa ka qaybgalay munaasabadda xusk...
25/10/2026

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dabaysha (World Polio Day 2026), taas oo maanta lagu qabtay deegaannada waqooyiga magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo, oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jubbaland iyo ciyaartoydii h**e ee go...
21/10/2026

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo, oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jubbaland iyo ciyaartoydii h**e ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa kormeer ku tagay Garoonka Kubadda Cagta Waamo ee magaalada Kismaayo, kaas oo dhowaan la qorsheynayo in laga bilaabo dib-u-dayactir ballaaran.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd qiimeynta xaaladda garoonka, sida leerka cadceeda ku shaqeeya iyo diyaar-garowga hawlaha dib-u-habaynta lagu samaynayo, si garoonku u noqdo mid buuxiya baahiyaha ciyaartoyda iyo bulshada xiisaysa ciyaaraha, gaar ahaan kubadda cagta.

Garoonka Kubada Cagta ee Waamo ayaa la qorsheynayaa in guud ahaan dib-u-habayn lagu sameeyo, iyadoo la casriyeyn doono qaybihiisa kala duwan, isla markaana lagu rakibi doono nalal waaweyn oo awood u siinaya in ciyaaraha lagu qabto habeenkii iyo maalintii.

Dayactirka garoonkan ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato horumarinta ciyaaraha magaalada Kismaayo, kobcinta hibada dhallinyarada iyo dhiirrigelinta ciyaartoyda, kuwaas oo heli doona garoon ku habboon tababarrada iyo tartamada kubadda cagta.

Garoonka Kubadda Cagta Waamo ayaa ka mid ah goobaha muhiimka u ah ciyaaraha ee magaalada Kismaayo, waxaana dib-u-habayntiisa laga filayaa inay kor u qaaddo tayada ciyaaraha iyo fursadaha ay dhallinyaradu u heli karaan ka-qaybgalka tartamada kala duwan.

Dib-u-dayactirkan ayaa qayb ka noqonaya dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha ciyaaraha ee magaalada Kismaayo, si loo helo goobo casri ah oo lagu horumarin karo kubadda cagta iyo ciyaaraha kale ee ay dhallinyaradu xiiseeyaan.

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa qayb ka ahaa wafdi ballaaran o...
21/10/2026

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa qayb ka ahaa wafdi ballaaran oo ka socday Dowladda Jubbaland oo booqasho ku tagay deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose.

Intii ay booqashada ku jireen, Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Janaraal Yuusuf Cusmaan Dhuumaal, iyo Taliyaha Guud ee Qaybta Gobolka Jubbada Hoose, Kornayl Sadiiq Maxamuud Dhogor, ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray saldhig cusub oo laga hirgeliyey deegaanka Buulo-Xaaji.
Saldhiggan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xasilinta deegaannada, sugidda amniga, ilaalinta kala dambeynta iyo ku dhaqanka sharciga, iyadoo uu qayb ka yahay barnaamijka taageerada xasilinta deegaannada (Support to Local Stabilization – SLS).

Xarig-ka-jarka saldhigga kaddib, wafdiga ayaa kulan la qaatay bulshada deegaanka, iyagoo ka dhegeystay baahiyahooda iyo tabashooyinkooda, si loo ogaado duruufaha jira loona xoojiyo wada-shaqeynta u dhexeysa maamulka iyo bulshada.
Kulanka ayaa fursad u ahaa bulshada deegaanka inay soo bandhigaan baahiyahooda, halka wafdiga Dowladda Jubbaland ay xog ka heleen xaaladda deegaanka iyo waxyaabaha mudnaanta u leh bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Omar Abdullahi Mohamed (Faraweyne), ayaa galabta kulan la qaatay haly...
16/10/2026

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Omar Abdullahi Mohamed (Faraweyne), ayaa galabta kulan la qaatay halyeeyadii h**e ee kubbadda cagta Gobolka Jubbada Hoose.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Jubbaland, Ahmed Abdullahi Ahmed (Qaldan).
Guddoomiyaha ayaa halyeeyada uga mahadceliyay kaalintii ay ka qaateen horumarinta kubbadda cagta iyo kor u qaadista magaca Gobolka Jubbada Hoose iyo Degmada Kismaayo, isaga oo bogaadiyay dadaalkoodii iyo taariikhda wanaagsan ee ay ku reebeen ciyaaraha gobolka.

Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Kismaayo oo Kormeer Indho-indheyn ah ku Tagay Dugsiga Guulwade.Guddoomiye Ku-xigeenka Deg...
14/10/2026

Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Kismaayo oo Kormeer Indho-indheyn ah ku Tagay Dugsiga Guulwade.

Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Kismaayo ahna Xoghayaha Dowladda Hoose, Mudane Daahir Xuseen Cabdi, ayaa kormeer indho-indheyn ah ku tagay Dugsiga Guulwade ee magaalada Kismaayo, kaas oo lagu sameeyey dayactir ballaaran.
Dayactirka dugsiga ayaa lagu fuliyey mashruuca Dowlad-Kaab, waxaana shaqada dayactirka fulisay shirkadda Daryeel Engineering and Construction Company.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd indho-indheynta xaaladda dugsiga iyo qiimeynta dayactirka la sameeyey, si loo hubiyo tayada shaqada iyo horumarka laga gaaray dib-u-habaynta xarunta waxbarashada.
Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo waxay dadaal ugu jirtaa horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan waxbarashada, si loo helo goobo waxbarasho oo ku habboon ardayda.

07/10/2026

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa dhagax-dhigay Xarumaha Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee Midnimo iyo Suuqa Cowska, kuwaas oo ku yaalla Degmada Kismaayo.
Mashruucan ayaa qeyb ka ah Barnaamijka Dowlakaab, waxaana taageeraya UNICEF, iyadoo ujeeddadiisu tahay in la horumariyo lana xoojiyo adeegyada caafimaadka ee bulshada, gaar ahaan adeegyada loo fidiyo hooyooyinka iyo carruurta.

Guddoomiyaha waxaa munaasabadda ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane, Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Kismaayo ahna Xoghayaha Dowladda Hoose, Mudane Daahir Xuseen Cabdi, iyo masuuliyiin kale.
Mashruucan ayaa muhiim u ah horumarinta adeegyada caafimaadka, iyadoo la rajeynayo in dayactirka iyo ballaarinta xarumahaasi ay bulshada u horseedaan adeegyo caafimaad oo tayo iyo waxtar badan leh.

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa dhagax-dhigay Xarumaha Caafima...
07/10/2026

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa dhagax-dhigay Xarumaha Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee Midnimo iyo Suuqa Cowska, kuwaas oo ku yaalla Degmada Kismaayo.
Mashruucan ayaa qeyb ka ah Barnaamijka Dowlakaab, waxaana taageeraya UNICEF, iyadoo ujeeddadiisu tahay in la horumariyo lana xoojiyo adeegyada caafimaadka ee bulshada, gaar ahaan adeegyada loo fidiyo hooyooyinka iyo carruurta.

Guddoomiyaha waxaa munaasabadda ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane, Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Kismaayo ahna Xoghayaha Dowladda Hoose, Mudane Daahir Xuseen Cabdi, iyo masuuliyiin kale.
Mashruucan ayaa muhiim u ah horumarinta adeegyada caafimaadka, iyadoo la rajeynayo in dayactirka iyo ballaarinta xarumahaasi ay bulshada u horseedaan adeegyo caafimaad oo tayo iyo waxtar badan leh.

07/10/2026

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa dhagax-dhigay mashruuca dayactirka Dugsiga Haji Wayne iyo Dugsiga Guulwade ee magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha waxaa munaasabadda ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland Mudane Cabdiwaaxid, Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada ahna Xoghayaha Dowladda Hoose Mudane Daahir Xuseen Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Degmada Kismaayo iyo qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Xaafadaha.
Mashaariicdan ayaa waxaa iska kaashanaya Dowladda Hoose ee Kismaayo, Dowladda Jubbaland iyo UNICEF, iyadoo ujeeddadu tahay horumarinta kaabayaasha waxbarashada iyo sidii ardayda loo heli lahaa goobo waxbarasho oo ku habboon.

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa dhagax-dhigay mashruuca dayact...
07/10/2026

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa dhagax-dhigay mashruuca dayactirka Dugsiga Haji Wayne iyo Dugsiga Guulwade ee magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha waxaa munaasabadda ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland Mudane Cabdiwaaxid, Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada ahna Xoghayaha Dowladda Hoose Mudane Daahir Xuseen Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Degmada Kismaayo iyo qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Xaafadaha.
Mashaariicdan ayaa waxaa iska kaashanaya Dowladda Hoose ee Kismaayo, Dowladda Jubbaland iyo UNICEF, iyadoo ujeeddadu tahay horumarinta kaabayaasha waxbarashada iyo sidii ardayda loo heli lahaa goobo waxbarasho oo ku habboon.

Address

Kismaayo
Kismaayo

Opening Hours

Monday 08:00 - 13:30
Tuesday 08:00 - 13:30
Wednesday 08:00 - 13:30
Thursday 08:00 - 13:30
Saturday 08:00 - 13:30
Sunday 08:00 - 13:30

Telephone

+252614844455

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dowladda Hoose Ee Degmada Kismaayo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dowladda Hoose Ee Degmada Kismaayo:

Shortcuts

Share


Other Kismaayo government services

Show All