19/09/2025
Madasha Tusmo ayaa soo qabanqaabisay barnaamij cinwaankiisu ahaa ‘ Sidee loo Sameeyaa Cilmibaaris’.
Barnaamijka oo uu soojeedinayay Agaasimaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubaland, mudane Cabdullahi Cabdiqaadir (Qaanuuni), ayaa si qotodheer loogu falanqeeyay cilmibaarista, muhiimadda ay leedahay iyo tabaha loo sameeyo cilmibaarista.
14/08/2025
Hambalyo guddoomiyaha cusub ee madasha Tusmo mudane Maxamed Diiriye Cabdi.
26/02/2025
Dhammaan bahda Madasha Tusmo waxa ay hambalyo u dirayaan mudane: Cabdishakuur Cabdikheyr (Carab) oo maanta xubnaha madashu u doorateen gudoomiyaha cusub ee madasha, waxeyna Alle uga baryeen in uu xilka ku asturo, madashana ku hoggaamiyo tubta toosan.
14/02/2025
Xubnaha Madasha ayaa isugu yimid kulanweyne muhiim ah, kaas oo diiradda lagu saaray jihada cusub ee madasha iyo qorsheyaasha mustaqbalka. Kulanka ayaa ahaa mid miradhal ah, waxaana lagu gorfeeyay caqabadaha jira iyo fursadaha horumarineed ee hortabinta leh.
Xubnuhu waxay isla meeldhigeen talooyin wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo howlaha madasha, iyada oo la xoojinayo wadashaqaynta iyo iskaashiga xubnaha. Guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee madasha ayaa carrabka ku xoojiyay in ay sii wadi doonaan dadaalka ku aaddan horumarinta iyo ka shaqeynta arrimaha bulshada.
06/12/2024
Xubnaha Madasha ayaa isugu yimid gorfeyntii billaha aheyd, iyaga oo wada falanqeeyay buugga Matxafka Cadaabta ee uu qoray qoraa Cabdiqaadir Shire Faarax.
09/11/2024
Xubno ka tirsan madasha oo weli safar ku jooga magaalada Muqdisho ayaa kulan isxogwareysi ah la yeeshay qoraa sare Cabdixakiin M. Haaddi, oo ah qoraa Soomaaliyeed oo reer Jubaland ah.
Qoraaga iyo xubnaha madasha ayaa ka wada sheekeystay wacyiga akhris-qoraaleed ee deegaannada Jubaland heerka uu marayo iyo sidii horey loogu sii wadi lahaa. Waxuu sidoo kale qoraagu dhallinyarada madasha ku dhiirrigeliyay kuna bogaadiyey dedaalka ay gelinayaan kobcinta akhris-qoraalka iyo dhisidda wacyiga bulshada.
08/11/2024
Xubno ka tirsan madasha oo uu hogaaminayo guddoomiye Cabdishakuur Garaad ayaa maalintii labaad ka qeybgalaya Carwada Buugaagta Muqdisho ( Mogadishu Book Fair).
12/10/2024
Shalay galab waxaa noo qabsoomay bandhiggii buuggii aan wada sugeynay ee Samawade ee ay wada turjumeen mudane Cabdishakuur Cabdikheyr iyo mudane Cabdishakuur Garaad.
Xafladdan oo si heersare ah loo soo agaasimay waxaa ka soo qeybgalay wasiirro, xildhibaanno, agaasimayaal, saraakiil, masuuliyiin kala duwan iyo bulshaweynta reer Kismaayo.
Bandhigga ayaa ku soo idlaaday jawi qurux badan, iyada oo ay masuuliyiinta iyo dadkii kale ee goobta ka hadlayba bogaadiyeen dedaalka ay dhallinyardu soo bandhigeen.
Madasha Tusmo waxaa ka go’an in ay soo saarto qoraayo wax ku kordhiya wacyiga bulshada, kana qeybqaata horumarka iyo dibudhiska dalka.
07/10/2024
Guddoomiyaha madasha Tusmo mudane Cabdishakuur Garaad iyo idil ahaan xubnaha madashu waxa ay hambalyo iyo duco u dirayaan guddoomiyaha cusub ee Midowga Naadiyada Akhris-qoraalka Magaalada Kismaayo mudane Maxamed Aadan Maxamed “Abwaan Jarmal”.