Madasha Tusmo

Madasha Tusmo

Share

Hadafkeennu waa horumarinta nafteena iyo bulshadeenna anaga oo u sii mareyna akhriska.

Photos from Madasha Tusmo's post 19/09/2025

Madasha Tusmo ayaa soo qabanqaabisay barnaamij cinwaankiisu ahaa ‘ Sidee loo Sameeyaa Cilmibaaris’.

Barnaamijka oo uu soojeedinayay Agaasimaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubaland, mudane Cabdullahi Cabdiqaadir (Qaanuuni), ayaa si qotodheer loogu falanqeeyay cilmibaarista, muhiimadda ay leedahay iyo tabaha loo sameeyo cilmibaarista.

14/08/2025

Hambalyo guddoomiyaha cusub ee madasha Tusmo mudane Maxamed Diiriye Cabdi.

05/08/2025

Madasha Tusmo waxa ay si kal iyo laab ah ugu mahadcelineysaa Maamulka iyo bahda Salaam Public Library oo madasha ugu guddoonsiiyay deeq buugaag ah.

Deeqdan ma aha oo kaliya buugaag; waa hadiyad iftiin iyo himilo cusub u ah jiilka akhriska jecel. Waa dhiirrigelin iyo garab istaag suubban oo ay Salaam Library ku muujisay sida ay uga go’an tahay horumarinta aqoonta, dhaqanka akhriska, iyo kobcinta maskaxda dhalinyarada.

Tusmo waxa ay si gaar ah ugu mahadcelineysaa Guddoomiye Khadir M. Cabdillaahi, oo arrintaa nafhurka ah u sameeyay saaxibada Tusmo. Mahadsanidiin.

26/02/2025

Dhammaan bahda Madasha Tusmo waxa ay hambalyo u dirayaan mudane: Cabdishakuur Cabdikheyr (Carab) oo maanta xubnaha madashu u doorateen gudoomiyaha cusub ee madasha, waxeyna Alle uga baryeen in uu xilka ku asturo, madashana ku hoggaamiyo tubta toosan.

Photos from Madasha Tusmo's post 14/02/2025

Xubnaha Madasha ayaa isugu yimid kulanweyne muhiim ah, kaas oo diiradda lagu saaray jihada cusub ee madasha iyo qorsheyaasha mustaqbalka. Kulanka ayaa ahaa mid miradhal ah, waxaana lagu gorfeeyay caqabadaha jira iyo fursadaha horumarineed ee hortabinta leh.

Xubnuhu waxay isla meeldhigeen talooyin wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo howlaha madasha, iyada oo la xoojinayo wadashaqaynta iyo iskaashiga xubnaha. Guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee madasha ayaa carrabka ku xoojiyay in ay sii wadi doonaan dadaalka ku aaddan horumarinta iyo ka shaqeynta arrimaha bulshada.

Photos from Madasha Tusmo's post 06/12/2024

Xubnaha Madasha ayaa isugu yimid gorfeyntii billaha aheyd, iyaga oo wada falanqeeyay buugga Matxafka Cadaabta ee uu qoray qoraa Cabdiqaadir Shire Faarax.

Photos from Madasha Tusmo's post 09/11/2024

Xubno ka tirsan madasha oo weli safar ku jooga magaalada Muqdisho ayaa kulan isxogwareysi ah la yeeshay qoraa sare Cabdixakiin M. Haaddi, oo ah qoraa Soomaaliyeed oo reer Jubaland ah.

Qoraaga iyo xubnaha madasha ayaa ka wada sheekeystay wacyiga akhris-qoraaleed ee deegaannada Jubaland heerka uu marayo iyo sidii horey loogu sii wadi lahaa. Waxuu sidoo kale qoraagu dhallinyarada madasha ku dhiirrigeliyay kuna bogaadiyey dedaalka ay gelinayaan kobcinta akhris-qoraalka iyo dhisidda wacyiga bulshada.

Photos from Madasha Tusmo's post 08/11/2024

Xubno ka tirsan madasha oo uu hogaaminayo guddoomiye Cabdishakuur Garaad ayaa maalintii labaad ka qeybgalaya Carwada Buugaagta Muqdisho ( Mogadishu Book Fair).

Photos from Madasha Tusmo's post 12/10/2024

Shalay galab waxaa noo qabsoomay bandhiggii buuggii aan wada sugeynay ee Samawade ee ay wada turjumeen mudane Cabdishakuur Cabdikheyr iyo mudane Cabdishakuur Garaad.

Xafladdan oo si heersare ah loo soo agaasimay waxaa ka soo qeybgalay wasiirro, xildhibaanno, agaasimayaal, saraakiil, masuuliyiin kala duwan iyo bulshaweynta reer Kismaayo.

Bandhigga ayaa ku soo idlaaday jawi qurux badan, iyada oo ay masuuliyiinta iyo dadkii kale ee goobta ka hadlayba bogaadiyeen dedaalka ay dhallinyardu soo bandhigeen.

Madasha Tusmo waxaa ka go’an in ay soo saarto qoraayo wax ku kordhiya wacyiga bulshada, kana qeybqaata horumarka iyo dibudhiska dalka.

08/10/2024

Kasoo qeybgal wanaagsan.

07/10/2024

Guddoomiyaha madasha Tusmo mudane Cabdishakuur Garaad iyo idil ahaan xubnaha madashu waxa ay hambalyo iyo duco u dirayaan guddoomiyaha cusub ee Midowga Naadiyada Akhris-qoraalka Magaalada Kismaayo mudane Maxamed Aadan Maxamed “Abwaan Jarmal”.

Want your business to be the top-listed Government Service in Kismayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Kismayo
Kismayo