04/03/2024
Ahmed Yussuf
Asc Mudane/Marwo kuso dhawaw bogan ee Ahmed Yussuf. mahadsanidin
04/03/2024
04/12/2023
Find his shoes
21/11/2022
Madaxweyne Bal Qiyaas.
Saaka Madaxweyne waxaad xaflad aad hadal ka jeedinaysay ku lahayd dhismaha Tiyaatarka Muqdisho, Goobta waxaad timid qiyaastii tobonkii subaxnimo adigoo ka soo toosay reerkaaga, soo quraacday ogna inaad si nabad ah malaha aad gurigaaga uga qadayn doonto duhurkii, balse Madaxweyne ma ogtahay in adiga dartaada aysan maanta reero badan dabna shidanin loona soo adeegin, Madaxweyne ma ogtahay in boqolaal qof oo garab-rarato ah aysan maanta qadaynin adiga dartaada. Madaxweyne aabo iyo awoowba waad tahay waadna dareemi kartaa xanuunka uu waalid walba dareemo. Ma ogtahay waalidiin kula mid ah in maanta wadooyinkii laga xiray adiga dartaada. Madaxweyne ma ogtahay Eedo Kutubeey Faarax inaysan suuqa dhiganin waxoogaagii yaanyada ahayd ee ay ilmaha ku biili jirtay, Madaxweyne ma ogtahay in adeer Jimcaale ay maanta ka baaqatay cirbadii xanuunka sonkorta ee subax walba lagu duri jiray, Mudane Madaxweyne ma ogtahay in Faarax-yare saaka uusan ku shaqaysanin bajaajtii uu reeekooda saboolka ah ku masaruufi jiray. Kaaga sii darane madaxweyne ma ogtahay in Faadumo Cali iyo saaxiibteed Kaltuum aysan soo tuugsanin oo askartii adiga ku waardiyaynaysay ay jidka ka xireen.
Madaxweyne waan ogahay in xiligan la joogo aad si nabad ah gurigaagii ugu noqotay,reerkii aad saaka kasoo toostayna aad la qadaynayso balse boqolaal qoys oo reerkaagoo kale ah aanan qado loo karinin maanta maadama waddadi ay amri lahaayeen adiga laguu xiray.
Madaxweyne haddii xitaa aan laga maarmaynin in laguu xiro waddooyin, fadlan,noo soo gaabi saacadaha meelaha aad booqanayso si booqashadaada aysan u saamaynin nolol-maalmeedkeena.
Sawirkan hoose waa oday da’ ah oo ka mid ahaa dadkii maanta ku rafaaday jidadka xiran.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Kismayo
