Hon Najiib Barre Salat

Call Contact the organization

Hon Najiib Barre Salat Fadlan ka mid noqo Page-kaygan gaarka ah, oo Like ama Follow saar. Mahadsanid
ALWAYS SERVE COMMUNITY

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelada, qaraabada, asxaabta iyo ...
30/09/2026

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelada, qaraabada, asxaabta iyo dhalinyarada reer Jubaland, geeridii ku timid walaalkeen Mohamud Mohamed Ibrahim Geeley, oo ku geeriyooday magaalada Kismaayo.

Alle ha u naxariisto, Jannatul Firdowsana haka waraabiyo.
Dhammaanteenna, gaar ahaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay, Alle ha ka siiyo samir iyo iimaan. Aamiin.

Waxaan maanta ka qayb galay kulan ay soo agaasintay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowladda Jubaland, kaas ...
17/09/2026

Waxaan maanta ka qayb galay kulan ay soo agaasintay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowladda Jubaland, kaas oo diiradda lagu saaray diyaar-garowga iyo ka hortagga saameynta ka dhalan karta El Niño, gaar ahaan dhinacyada biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda (WASH).

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasaaradda Caafimaadka, MOHADMA, JUGRI, Maamulka Degmada Kismaayo, UNICEF, UNOCHA, WFP, Jubaland WASH Cluster iyo bahwadaag kale oo ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimada, biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda.

Intii uu kulanku socday, waxaa si wadajir ah looga wada hadlay qiimeynta khataraha iyo baahiyaha ka dhalan kara roobabka iyo fatahaadaha, diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah, iyo sidii loo xoojin lahaa isku-dubbaridka Dowladda iyo bahwadaagta si loo helo jawaab-celin wax-ku-ool ah.

Kulankan wuxuu ahaa fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo diyaar-garowga hay’adaha kala duwan, si bulshada looga ilaaliyo saameynta ka dhalan karta xaaladaha cimilada iyo fatahaadaha.

Waxaan si wadajir ah xarigga uga jaray masuuliyiin aan qayb ka ahaa iyo qaar ka mid ah wakiillada safaaradaha reer Yurub...
16/09/2026

Waxaan si wadajir ah xarigga uga jaray masuuliyiin aan qayb ka ahaa iyo qaar ka mid ah wakiillada safaaradaha reer Yurub iyo hay’adaha caalamiga ah, mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Degmada Kismaayo.

Mashaariicdan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada aasaasiga ah iyo bilicda magaalada Kismaayo, iyadoo ujeeddadu tahay in bulshada loo horseedo adeegyo wanaagsan iyo deegaan ka habboon nolosha.

Hirgelinta mashaariicdan waxay ka tarjumaysaa iskaashiga ka dhexeeya Dowladda Hoose ee Kismaayo, hay’adaha caalamiga ah iyo saaxiibada horumarineed, si loo taageero horumarka iyo kobaca magaalada Kismaayo.

09/08/2026

Waxaan Booqosho ay iiwu wehliyeen goloyaasha kala duwan ee Dowladda Jubaland aan ku tagnay Deeganka Buula xaaji.
Booqashadaas oo ujeedkeedu ahaa Ukuur galida xaalada Deeganka iyo Dhiiri galinta Halyeeyada Daraawishta Jubaland ee halkaas ku sugan.

Waxaan Booqosho ay iiwu wehliyeen goloyaasha kala duwan ee Dowladda Jubaland aan ku tagnay Deeganka Buula xaaji.Booqasha...
09/08/2026

Waxaan Booqosho ay iiwu wehliyeen goloyaasha kala duwan ee Dowladda Jubaland aan ku tagnay Deeganka Buula xaaji.
Booqashadaas oo ujeedkeedu ahaa Ukuur galida xaalada Deeganka iyo Dhiiri galinta Halyeeyada Daraawishta Jubaland ee halkaas ku sugan.

انالله وانا اليه راجعون اللهWaxaan Tacsi tiiranyo leh udiraya ehelkii, qaraabadii, Bahda maamulka Degmada Dhoobley, iyo ...
05/08/2026

انالله وانا اليه راجعون الله
Waxaan Tacsi tiiranyo leh udiraya ehelkii, qaraabadii, Bahda maamulka Degmada Dhoobley, iyo guud ahaan shacabka Jubaland. geerida naxdinta leh ee ku timid Guddoomiyihii Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose, Marxuum Xasan Cabdi Xaashi, oo ku geeriyooday shil gaari isagoo howlo shaqo u joogay Gobolka Wajeer ee Dalka Kenya.

Marxuumku wuxuu ahaa masuul hufan oo daacad u ahaa waajibaadkiisa, door muuqda na ka qaatay horumarinta maamulka, adkaynta amniga, u adeegidda bulshada Degmada Dhoobley, iyo horumarinta waxbarashada guud ahaan Jubaland.

Waxaan Alle SWT uga baryaya Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, bahda maamulka Degmada Dhoobley, iyo guud ahaan shacabka Jubaland.

Waxa aan Booqasho dhiiri galin ku taganay anagoo iskuugu jirno Golayaasha kala duwan ee Dowladda Jubaland, iyo saraakiil...
01/07/2026

Waxa aan Booqasho dhiiri galin ku taganay anagoo iskuugu jirno Golayaasha kala duwan ee Dowladda Jubaland, iyo saraakiil ciidan furimaha h**e ee Gobolka Jubbada Hoose Ee Dowladda Jubaland.
Inta aan Booqashada kujirnay ayaan la kulanay cutubyada kala duwan ee Ciidamada Dowladda Jubaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, anagoo ugu mahadcelinay guulaha ay ka gaareen howlgallada ka dhanka ah argagixisada iyo dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga.

Waxaan xalay aan ka qeeb galay munaasabadda xuska 1--Lulyo. Munaasabaddan oo lagu maamuusayo maalinta xorriyadda iyo mid...
01/07/2026

Waxaan xalay aan ka qeeb galay munaasabadda xuska 1--Lulyo. Munaasabaddan oo lagu maamuusayo maalinta xorriyadda iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeybgalaya masuuliyiin kala duwan, iyadoo goor dhow la filayo in si rasmi ah loo taago calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, laguna muujiyo dareenka waddaniyadeed iyo qiimaha ay maalintani u leedahay shacabka Soomaaliyeed.

01/07/2026
waxa aan ka qeeb galay Daahfurka mashruuca Bulsho oo uu Daah furay Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed I...
25/06/2026

waxa aan ka qeeb galay Daahfurka mashruuca Bulsho oo uu Daah furay Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam kaas , oo ah hindise horumarineed oo lagu xoojinayo dowladaha hoose, korna loogu qaadayo ka-qaybgalka bulshada, isla markaana lagu dhisayo iskaashi waara oo u dhexeeya dowladda iyo shacabka si loo horumariyo adeegyada aasaasiga ah iyo horumarka deegaanka.

Mashruuca Bulsho wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa awoodsiinta bulshada iyo hay’adaha dowladaha hoose ee heer degmo, tuulo iyo xaafad.

Ujeeddadiisa ugu weyn waa xoojinta wadajirka bulshada, kor u qaadista ka-qaybgal loo dhan yahay, iyo dhisidda adkaysiga bulshada, iyadoo la xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa shacabka iyo maamullada deegaanka.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa tilmaamay in mashruucu ku soo beegmay xilli ay jirto baahi weyn oo loo qabo xoojinta adkaysiga bulshada iyo horumarinta adeegyada heer deegaan. Waxa uu xusay in Mashruuca Bulsho uu yahay fursad muhiim ah oo lagu horumarinayo degmooyinka, laguna kordhinayo ka-qaybgalka bulshada ee go’aan-qaadashada iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey Baanka Adduunka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Jubaland, kuwaas oo door muuqda ka qaatay maalgelinta, qorsheynta iyo hirgelinta mashruucan.

Waxa uu Madaxweynahu bogaadiyey dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo dowladnimada, adeegyada bulshada iyo awoodda dowladaha hoose, isaga oo carrabka ku adkeeyey in taageerada bahwadaagta ay muhiim u tahay xaqiijinta horumar waara iyo kobcinta hay’adaha dowladda ee heer deegaan.

Address

Alanley
Kismayo

Telephone

+252617799335

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon Najiib Barre Salat posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hon Najiib Barre Salat:

Shortcuts

Share