21/04/2026
Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Waxaan tacsi tiiranyo leh u dirayaa ehelka iyo qaraabada geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Adeer Abdi mohamed (Abdi Baydhabo)oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Waxaan Alle uga baryayaa inuu Janatul Firdawso ka waraabiyo, samir iyo iimaan-na ka siiyo ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka soomaliyed ee uu ka baxay.
Aamiin.
18/04/2026
Maanta waxaa sharaf ii ahayd inaan xafiiskayga ku qaabilo Cécile Louise oo ka socotay kooxda qiimeynta mashruuca EU-Reinteg ee NRC.
Waxaan si qoto dheer uga wada hadalnay:
Horumarka baaxadda leh ee uu mashruucu sameeyay ilaa hadda.
Guulaha muhiimka ah ee noo qabsoomay intii uu socday fulinta mashruuca.
Talooyin iyo qorshayaal cusub oo lagu xoojinayo tayada iyo hirgelinta adeegyada aan bulshada u hayno.
Wada-shaqeynta noocan ah waxay laf-dhabar u tahay xaqiijinta hadafka mashruuca iyo u adeegidda dadka danta yar.
gudomiyaha Arrimaha Bulshada degmada
15/04/2026
Waxa manta aan ka qeeb galay Kormeer dowladeed oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (MoLSA) kana qayb galeen daneeyayaal muhiim ah iyo wakiillo ka socday wasaaradaha Wasaaradda Qorsheynta (MOPIC), Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Haweenka, Degmada kismayo, iyo JUCRI, ayaa ka dhacay magaalada Kismayo.
Kormeerku wuxuu diiradda saaray laba goobood oo ay ka socoto tababarka Horumarinta Ganacsiga iyo Ka Qaybgalka Dhaqaalaha, ka hor bilaabista tababarka ganacsiga. Ka-faa’iideystayaasha SEPOW waxay si guul leh uga qalinjabiyeen barnaamijka akhriska Farta Soomaaliga iyo xisaabta oo socday lix bilood, waxaana hirgelisay Wasaaradda Waxbarashada iyadoo ay kormeeraysay MoLSA. Iyo Degmada Kismaayo. Ka-faa’iideystayaasha waxaa la guddoonsiiyay shahaadooyin muujinaya dhammeystirka barnaamijka.
Ujeeddada kormeerku waxay ahayd qiimeynta xaaladda ka-faa’iideystayaasha mashruuca SEPOW, oo ay taabba-gelinayso GIZ. Intii booqashadu socotay, kooxda howl-wadeenadu waxay tageen dugsiyada KPT School iyo Horyaal School, halkaas oo ay kula kulmeen ka-faa’iideystayaal badan isla markaana ay indha-indheeyeen horumarka barnaamijka.
SEPOW waa mashruuc lagu taageerayo 470 qoys oo danyar ah si ay u gaaraan nolol isku filnaan, iyadoo GIZ ay ka qaadanayso kaalmo muuqata.
— Xafiiska Arrimaha Bulshada Dowladda Hoose ee Degmada Kismayo.
01/04/2026
Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Waxaan tacsi tiiranyo leh u dirayaa ehelka iyo qaraabada geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda,Howlaha guud Cabaas Xaaji oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Waxaan Alle uga baryayaa inuu Janatul Firdawso ka waraabiyo, samir iyo iimaan-na ka siiyo ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Jubbaland ee uu ka baxay.
Aamiin.
05/02/2026
waxaan manta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland aan ugu qeebgalay madal looga doodayay sida loogu fududayn karo ganacsatada yaryar inay ka faaidaystaan adeegaya Bangiyady bixiyaan sida maalgalinta ganacsatada.
05/02/2026
waxaan maanta dhagax dhignay mashruuc lagu dayactirayo waddo muhiim ah oo bulshadu isticmaasho, kuna taalla xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo.
Mashruucan oo dhererkiisu wada dhisada yahay ku dhowaad 750 mitir, ayaa ujeeddadiisu tahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo fududeynta isku socodka bulshada. Waxaa fulinaya Hay’adda IOM Somalia, halka shirkadda ICL (International Construction and Logistic Company) ay tahay shirkadda hirgelinaysa.
16/12/2025
“Waxaan maanta aan ka qayb galay furitaanka kulanka labaad ee Shirka Madasha Isku-dubaridka Howlaha Dowladaha Hoose, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo horumarinta adeegyada dowladaha hoose.”
15/12/2025
Waxaan ka qeyb galay Kulanka Isku-duwidda Dowladaha hoose oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Jubbaland. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo dowladaha hoose, horumarinta maamul-wanaagga, iyo dardargelinta adeegyada bulshada.
10/12/2025
Maanta waxaan kulan gaar ah aan la yeeshay guddoomiyeyaasha xaafadaha iyo agaasimayaal ka tirsan maamulka degmada Kismaayo.
Waxaan uga warbixiyay howlaha shaqo ee muddadii aan safarka ku maqnaa, sidoo kale waxaan ka xog-wareystay xaaladaha xaafadaha iyo halka ay marayaan adeegyada bulshada.
Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan masuuliyiinta Mamulka Degmada dadaalka joogtada ah ee ay muujiyeen, gaar ahaan howlaha nadaafadda,Dayactirka laami weynaha iyo amniga xaafadaha.