28/02/2025
Ramadan Mubarak.
This is my official page. Minister of interior federal affairs & reconciliation jubbaland
28/02/2025
Ramadan Mubarak.
06/10/2024
Waxaan geerida ku timid Alle ha u naxariistee
Maamo Badraan Muxumed Cabdulle ugu tacsiyaynayaa Dhammaan bulshadda Jubaland ehelkii, iyo qoyskii ay ka baxday.
Allaha unaxariisto Marxuumada ayaa mudo dheer kasoo shaqaynaysa hormarinta adeeggyada bulshada iyadoo hormuud u ahayd mudo dheer haweenka Jubaland.
Waxaan Alle uga baryayaa inuu Marxuumada jannadii fardowso ka waraabiyo qoyskii ay baxday iyo bulshadda Jubaland uu samir iyo iimaan ka siiyo.
29/07/2024
Waxaan maanta Khudbad gaar ah ka jeediyay shir gaar ah oo la xiriira Qorsheynta iyo isu duwidda Xasillinta Jubbaland oo ka dhacay muqdisho .
Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudaneHon Ali Yusuf Ali - Xoosh ayaa noo gudoomiyay shirka .
Shirkan ayaa sidoo kale qeyb ka ahayeen wasiirada wasaaradaha Caafimaadka , Biyaha, waxbarashada, gargaarka iyo howlaha guud ee jubaland ayaaa waxaa goobjoog ka ahaa wakiilo ka socday Qaramada Midoobay iyo saaxiibada beesha caalamka.
27/07/2024
Waxaan maanta khudbad kajeediyey Madasha isku duwida Arrimaha Xasilinta Dalka anigoo tibaaxay ahmiyadda Xasliinta ee goobaha la xoreeyay, gaar ahaan Jubbaland.
“Mashaariicda Xasillinta waxay ku xiran tahay sida degdegga ah ee looga jawaabo, sidoo kale in si wadajir ah looga faa’ideysto dhammaan maamul goboleedyada”
22/07/2024
Hambalyo dhamaan ciidamada geesiyaasha ah qeybahooda kala duwan guushan waa mid taariikhi ah.
Waxaad maanta beeniseen damici xumaa ee Khawaarijta, waxaad mudantihiin amaan iyo bogaadin.
08/07/2024
Shaqooyinkii u hirglay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Jubaland bishii June ee sanadka 2024.
27/06/2024
Waxaan maanta kulan la qaatay Masuuliyiinta ugu sareeysa Hay'adaha UNSOM, UNSOS, IOM, iyo Hayadaha degan Jubbaland.
Masuuliinta oo uu hogaaminayay Arnuad Laloum Madaxa xafiiska Unsom ee Jubbaland ayaa waxaa kawada hadalnay Arrimaha Amniga, howgalada socda, dib u xoreeynta deegaanada ay haystaan kooxaha Khawaarijta, daadajinta adeegyada Bulshada sida loo gaarsiinlahaa deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta iyo Dhismaha Golaha Deegaanka oo Qorshuhu yahay in aan bilowno dhawaan.
23/06/2024
Waxaan maanta booqasho u kuur galid ah ku tagnay deegaanka Buulo xaaji isaga oo igu wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Hon Ali Yusuf Ali - Xoosh Waxaan kulamo la yeelanay Bulashada deegaanka anagoo kula dardaaranay in ay ka shqeeyaan amniga deegaanka lana shaqeeyaan laamaha Amniga .
Waxaan faray dhamaan hay’adaha kala duwan ee dowlada in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo gaarsiiyaan adeega Dowladeed bulashada deegaanka Buulo xaaji.
Waxaan amaan iyo boogadin usoo jeedinay dhamaan ciidamada qalabka sida ee sida geesinimada ku xoreeyay Buulo xaaji.
22/06/2024
Waxaan Ku faraxsanahay in aan maanta Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdile Xasan aan kusoo dhaweeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudaneHon Ali Yusuf Ali - Xoosh oo maanta socdaal shaqo kusoo gaaray magaalada Kismaayo, oo ah caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.
13/06/2024
Sharaf ayay ii ahayd inaan maanta dhagax dhigo mashaariic horumarineed oo la xiriira xasilinta Waxaana igu waheliyay Taliye kuxigeenka qaybta Booliiska gobolka Jubbada hoose iyo masuuliyiin kale.
Mashaariicda horumarineed ayaana laga hirgalinayaa deegaanada Yoontooy, Buula Bartire, Qaam-Qaam, Janaa Cabdalle iyo Buulagaduud waxaana kamid ah dhismaha Saldhig Booliis, dayactirka Ceelasha biyaha iyo hirgalinta leyrarka cadceeda ku shaqeeya iyo mashaariic kale oo horumarineed oo muhiim ah.
09/06/2024
Waxaan caawa ka qayb galay kulan uu Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Ahmed Mohamed Islaam Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Maareeyaha hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Qaranka Abdiweli Timacade oo howlo shaqo u yimid Jubaland.
Masuuliyiinta ka socday hay’ada NIRA ayaa Jubbaland u yimid aragti uruurin ku aadan diiwaan galinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka, Qorshaha daah-furka xarunta hay’adda NIRA ay ku yeelanayso Jubbaland iyo sida ugu fudud ee loo gaarsiin karo adeegan heer degmo, mid deegaan ilaa heer tuulo.
09/06/2024
Waxaan maanta magaalada Kismaayo kaga qayb galay kulan wacyi-gelin ah oo looga hadlayay muhiimadda nidaamka Aqoonsiga iyo sida uu qayb uga noqon karo hormarka dalka, kulanka oo qayb igala ahaa mas’uuliyiin uu kamid yahay Maareeyaha hay’adda NIRA Abdiweli Timacade, Wasiiro, odayaasha dhaqanka iyo bulshada ku dhaqan magaalada kismaayo.
Kulanka ayaa qayb ka ah qorshaha Wasaaradda ee gaarsiinta dhammaan degmooyinka Jubbaland adeegga Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaran.