14/10/2025
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland ayaa maanta kulan wacyigelin ah ku qabatay xaafadda Guulwade. Kulankan ayaa diiradda lagu saarayay adeegyada ay bixiyaan Xarumaha Wareega ee Xalinta Khilaafaadka (Mobile ADR).
Kulamadan ayaa ah kuwo ay wasaaraddu horey dhowr jeer u qabatay, iyada oo kuwo kalena la sii qaban doono, si kor loogu qaado wacyiga bulshada, loo xoojiyo nabadda iyo wada-noolaanshaha, islamarkaana loo gaaro ujeeddada ah in adeegyada cadaaladda iyo xalinta khilaafaadka ay gaaraan dhammaan qaybaha bulshada.
08/10/2025
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Mudane Abdiwali Hussein Jama, ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyay dhalinyaro uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Dhalinyarada Jubbaland, Mudane Farhan Haji.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradda Caddaaladda iyo dhalinyarada Jubbaland, gaar ahaan sidii dhalinyarada door muuqda uga qaadan lahaayeen horumarinta bulshada, kor u qaadista wacyiga bulshada, iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka arrimaha bulshada iyo dawladnimada.
Wasiir Cabdiweli ayaa dhalinyarada la wadaagay in Wasaaradu ay ka goโan tahay in ay si dhow ula shaqeyso dhalinyarada, isla markaana ay dhiirrigeliso dadaallada ay ku doonayaan in ay ku horumariyaan bulshada Jubbaland.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Dhalinyarada Jubbaland, ayaa uga mahadceliyey wasiirka soo dhoweynta iyo taageerada uu u muujiyey dhalinyarada, isagoo ballan qaaday in dhalinyaradu ay sii wadi doonaan wada shaqeynta iyo ka qayb qaadashada barnaamijyada horumarineed ee wasaaraddu wado.
=๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐=
Wixii faah-faahin ah kala xariir
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadwaynaha
Email. [email protected]
https://x.com/mojcajubaland
www.instagram.com/
06/10/2025
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay tababarka guddiyada cusub ee xalinta khilaafaadka xaafadaha Kismaayo.
Ujeeddada tababarka ayaa ahayd in kor loo qaado fahamka ka-qaybgalayaasha ee ku aaddan hababka xalinta khilaafaadka si nabad ah, isla markaana lagu xoojiyo doorka guddiyadan ee ilaalinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
Tababarkan waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Cabdulqaadir Aadan (Qaanuuni), isagoo sheegay in tababarkani uu qayb ka yahay dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo caddaaladda bulshada iyo xalinta khilaafaadka si hufan.
29/09/2025
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland iyo Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jubaland ayaa maanta si wadajir ah u qabtay kulanka billaha ah ee bahda caddaaladda iyo amniga. Kulankan oo ahaa kii toddobaad ayaa waxaa ka soo qeyb galay hayโadaha la shaqeeya laamaha amniga iyo caddaaladda, waxaana lagu falanqeeyay xaaladda amniga iyo caddaaladda ee Jubaland, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray is-weydaarsiga xogaha iyo xoojinta wada-shaqeynta hayโadaha kala duwan.
Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane, Cabdullahi Cabdiqaadir Aadan Qaanuni ayaa sheegay in kulamadan joogtada ahi ay muhiim u yihiin mideynta wadashaqeynta hayโadaha amniga iyo caddaaladda. Wuxuu hoosta ka xariiqay in amni iyo caddaalad oo la helo ay saldhig u yihiin horumarka bulshada, isla markaana labada wasaaradood ay ka goโan tahay bixinta adeegyo amni iyo caddaaladeed oo hufan.
=๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐=
Wixii faah-faahin ah kala xariir
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadwaynaha
Email. [email protected]
https://x.com/mojcajubaland
www.instagram.com/
29/09/2025
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland, Mudane Abdiwali Hussein Jama, ayaa degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose si rasmi ah xarigga kaga jaray Xarunta Xalinta Khilaafaadka (ADR). Xaruntan cusub ayaa loogu talagalay in odayaasha dhaqanka ee degmada ay bulshada ugu fududeeyaan helitaanka adeegyada caddaaladda.
Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa Wasiirka ku wehliyay Guddoomiyaha degmada Dhoobley, Mudane Xasan Cabdi Hashi, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Caddaaladda, iyo masโuuliyiin kale.
Wasaaradda ayaa maalmahan waday dadaallo xooggan oo lagu ballaarinayo adeegyada cadaaladda, iyadoo xaruntan cusub ee Dhoobley ay qayb ka tahay qorshaha lagu gaarsiinayo bulshada adeegyo caddaaladeed oo dhow, fudud, isla markaana ku dhisan wada-tashi iyo xal waara.
=๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐=
Wixii faah-faahin ah kala xariir
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadwaynaha
Email. [email protected]
https://x.com/mojcajubaland
www.instagram.com/
28/09/2025
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland iyo Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland ayaa maanta si wadajir ah u qabtay kulanka madasha furan ee billaha ah, kaas oo ka dhacay magaalada Kismaayo. Kulankan oo ahaa kii toddobaad ayaa lagu lafaguray xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta bulshada iyo hayโadaha amniga iyo caddaaladda.
Madashan muhiimka ah ayaa ujeedadeedu ahayd in la abuuro fursad wada-hadal iyo isfaham ah oo dhex mara shacabka iyo madaxda laamaha amniga iyo caddaaladda. Waxaa lagu soo bandhigay doodo furan iyo fursado suโaalo iyo jawaabo ah, taas oo dadka shacabka ahi ay si toos ah ugu weydiiyeen masโuuliyiinta arrimaha la xiriira amniga iyo caddaaladda, iyadoo sidoo kale la isku dhaafsanayay xogaha muhiim ah.
Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullahi Cabdulqadir Aadam Qaanuuni Avv Abdalla Qanuni, oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in madashan ay door muhiim ah ka qaadatay dhisidda kalsoonida bulshada iyo dowladda, isla markaana ay xoojisay isla xisaabtanka. Waxa uu ku daray in kulamada noocan oo kale ah loo daadajin doono xaafadaha magaalada iyo deegaanada ku dhow, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in qof walba uu door ka qaato horumarinta nabadda, amniga iyo caddaaladda.
=๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐=
Wixii faah-faahin ah kala xariir
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadwaynaha
Email. [email protected]
https://x.com/mojcajubaland
www.instagram.com/
28/09/2025
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Mudane Abdiwali Hussein Jama, oo safar shaqo ku jooga degmada Dhobley, ayaa kulan xog-isweydaarsi ah la yeeshay bahda caddaaladda oo ay ka mid yihiin garsoorka iyo odayaasha dhaqanka ee la shaqeeya hayโadaha caddaaladda.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay caqabadaha ka jira dhinaca caddaaladda iyo sidii loo horumarin lahaa, iyadoo la kaashanayo maamulka degmada iyo bahda garsoorka.
Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay ka goโan tahay xoojinta nidaamka caddaaladda, kor u qaadista hufnaanta garsoorka, iyo in bulshada Jubbaland ay si siman u helaan caddaalad loo wada dhan yahay.
17/09/2025
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland iyo Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa maanta si wadajir ah u qabtay kulankii afraad ee madasha furan ee billaha ah, kaas oo lagu qabtay degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Madashan furan waa hannaan ku dhisan wadatashi iyo ka-qaybgal bulsho, laguna kobcinayo kalsoonida iyo iskaashiga dhex mara bulshada rayidka ah iyo hayโadaha amniga iyo caddaaladda.Kulanka waxaa ka soo qeyb galay masโuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Doolow iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd in la xoojiyo xiriirka iyo isdhexgalka bulshada iyo hayโadaha amniga iyo caddaaladda, iyadoo bulshada la siiyay fursad ay ku soo bandhigaan suโaalahooda, cabashooyinkooda iyo talooyinka muhiimka ah. Tani waxay si weyn u kordhisay wada-shaqeynta iyo kalsoonida labada dhinac.
=๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐=
Wixii faah-faahin ah kala xariir
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadwaynaha
Email. [email protected]
https://x.com/mojcajubaland
www.instagram.com/
15/09/2025
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland , Mudane Abdiwali Hussein Jama, ayaa maanta magaalada Kismaayo si rasmi ah uga furay tababar ku saabsan habka lagu xalliyo khilaafaadka dhabta ah, iyadoo la adeegsanayo Caddaaladda ku dhisan Suluxa.
Tababarkan oo ay ka soo qayb galeen xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu xoojiyo fahamka iyo xirfadaha xalinta khilaafaadka dhabta ah, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo wada-hadalka, is-afgaradka iyo dib-u-heshiisiinta bulshada dhexdeeda.
๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐๐๐๐๐ข๐ฐ๐๐ฅ๐ข oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka tababarka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in si qoto dheer loo fahmo hababka lagu xalliyo khilaafaadka, gaar ahaan qaabkan casriga ah ee Caddaaladda ku dhisan Suluxa. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in bulshada Soomaaliyeed ay soo martay dhibaatooyin badan, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in si dhab ah oo waxtar leh loo xalliyo khilaafaadka jira, loona dhiso kalsooni iyo midnimo waarta.
=๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐=
Wixii faah-faahin ah kala xariir
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadwaynaha
Email. [email protected]
https://x.com/mojcajubaland
www.instagram.com/
28/08/2025
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland iyo Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jubaland ayaa maanta si wadajir ah u qabtay kulanka billaha ah ee bahda caddaaladda iyo amniga. Kulanka oo ahaa kii lixaad waxaa ka soo qeyb galay hayโadaha kala shaqeeya laamaha amniga iyo caddaaladda, waxaana diiradda lagu saaray is-weydaarsiga xogaha la xiriira xaaladda amniga iyo caddaaladda ee Jubaland, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hayโadaha bixiya adeegyada bulshada.
Kulankan oo uu soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda, Mudane Cabdullahi Cabdiqaadir Aadan Qaanuni,( Avv Abdalla Qanuni ayaa xusay in kulamadan joogtada ahi ay muhiim u yihiin isku xirka hayโadaha caddaaladda iyo amniga. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in kulamadu yihiin kuwo waxqabad leh oo aan ujeedadoodu ku koobneyn xog-weydaarsi oo kaliya, balse lagu xaqiijinayo wada-shaqeyn dhab ah iyo xal u helidda baahiyaha bulshada.
=๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐=
Wixii faah-faahin ah kala xariir
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadwaynaha
Email. [email protected]
https://x.com/mojcajubaland
www.instagram.com/
27/08/2025
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland iyo Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland ayaa maanta si wadajir ah u qabtay kulanka madasha furan ee billaha ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo. Kulankan oo ahaa kii lixaad ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa bulshada iyo hayโadaha amniga iyo caddaaladda.
Madashan muhiimka ah ayaa ujeedadeedu ahayd in la abuuro fursad wada-xaajood iyo isfaham ah oo u dhexeysa shacabka iyo madaxda laamaha amniga iyo caddaaladda. Waxaana lagu soo bandhigay dood furan iyo fursado suโaalo iyo jawaabo ah, si shacabka ay si toos ah ugu weydiiyaan masโuuliyiinta arrimaha quseeya amniga iyo caddaaladda, iyadoo sidoo kalena xogaha muhiimka ah la isdhaafsanayo.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland, Mudane Abdiwali Hussein Jama oo kulanka soo xiray ayaa tilmaamay in madashan ay qayb weyn ka tahay dhisidda kalsoonida bulshada iyo dowladda, isla markaana ay sii wadi doonaan in ay bulshada dhageystaan, talooyinkoodana lagu saleeyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada caddaaladda iyo amniga.