01/06/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa magaalada Kismaayo ka dah-furay shir degdeg ah oo looga hadlayay halista cudurka dilaaga ah ee Ebola.
Shirka ayaa lagu qabtay Xarunta Howlaha Gurmadka Degdegga ah ee Caafimaadka Dadweynaha (PHEOC) ee Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Jubaland, iyadoo cudurkan dhawaan laga soo sheegay dalalka Democratic Republic of the Congo iyo Uganda.
Kulanka waxaa ka qeyb galay la-taliyaha Wasaaradda Caafimaadka, Garaad Aadan, qaar ka mid ah agaasime-waaxeedyada wasaaradda, saraakiisha kale ee wasaarada iyo isku-duwayaasha caafimaadka degmooyinka Jubaland oo qaab fogaan-arag ah uga qeyb galay.
Ujeeddada shirka ayaa ahayd xoojinta u diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka halista ah ee Ebola, maadaama Jubaland ay xuduud la wadaagto dalalka Kenya iyo Ethiopia, isla markaana ay jiraan isku socod joogto ah oo dhinacyada xuduudaha, hawada iyo marin-biyoodka ah.
Masβuuliyiinta ayaa ka wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa la socodka xaaladaha caafimaad ee ka iman kara dalalka deriska ah, kor loogu qaadi lahaa wacyigelinta bulshada, iyo xoojinta awoodda xarumaha caafimaadka ee ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.
Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay qorshayaasha lagu horumarinayo baaritaanka iyo dabagalka cudurrada faafa, tababarrada shaqaalaha caafimaadka, iyo diyaarinta agabka muhiimka ah ee looga hortago faafitaanka cudurrada halista ah.
Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa ku adkeeyay masuuliyiinta caafimaadka inay laba jibbaaraan dadaallada lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada, isla markaana la joogteeyo feejignaanta iyo wada-shaqeynta hayβadaha ay khuseyso si looga hortago khatar kasta oo ka dhalan karta cudurka halista ah ee Ebola.
-------
ππππππππ
Abdiaziz Shacrawi
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jmoh. so
Website: www.mohjubalandstate.so.
31/05/2026
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland ayaa qabatay tababar ku saabsan diiwaangelinta dhalashada carruurta ee goobaha caafimaadka Jubaland, kaas oo ay bixinaysay Waaxda Diiwaangelinta Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubaland, Dowlada Hoose.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Degmada Kismaayo Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, Guddoomiye Ku-xigeenka ahna Xoghayaha Dowladda Hoose Mudane Daahir Xuseen Cabdi, Isku-duwaha Caafimaadka Degmada Kismaayo Maxamed Sheekh Aadan, madaxda Waaxda Diiwaangelinta Bulshada, iyo qaar kamid ah shaqaalaha xarumaha caafimaadka.
Tababarka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda diiwaangelinta dhalashada carruurta si loo helo xog sax ah oo ka qeyb qaadata helitaanka adeegyada bulshada, aqoonsiga muwaadiniinta, iyo qorsheynta adeegyada dowladda.
Sidoo kale, shaqaalaha xarumaha caafimaadka ayaa la guddoonsiiyay agabka lagu diiwaangelinayo xogta dhalashada, waxaana la baray habraacyada saxda ah ee loo uruuriyo loona xareeyo xogta.
-------
ππππππππ
Abdiaziz Shacrawi
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jmoh. so
Website: www.mohjubalandstate.so.
26/05/2026
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dowlada Jubaland Mudane Ismaaciil Axmed Garas ayaa Dhamaan Umadda muslimiinta ah gaar ahaan bulshada somaaliyeed iyo Shaqaalaha wasaarada Bahda caafimadka ugu hambalyeenaaya munaasabada Ciidul Adxa.
26/05/2026
Iskuduwaha Caafimaadka Degmada Kismaayo iyo deegaanada hoos-yimaada Mudane Maxmed Sheekh Aadan oo ay wehliyaan Madaxa Horumarinta Caafimaadka iyo Wacyigelinta Bulshada Mudane Isaaq Bashiir iyo qaar kamid ah saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland, ayaa maanta gaaray deegaanka Buula Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.
Booqashada wafdigan ayaa ahayd mid lagu kormeerayay xaaladda caafimaad ee deegaanka, gaar ahaan xaaladaha la xiriira cudurka shuban-biyoodka ee maalmahan ka jiray halkaasi. Wafdigu waxay deegaanka gaarsiiyeen agab caafimaad iyo teendho loogu talagalay in lagula tacaalo dadka uu haleelay cudurka.
Sidoo kale, wafdigu waxay gaarsiiyeen tallaalka shuban-biyoodka, iyadoo isla maanta la tallaalay carruur badan si looga hortago faafitaanka cudurka ka dillaacay deegaanka. Masβuuliyiintu waxay sidoo kale u kuurgaleen baahiyaha caafimaad ee jira iyo sidii loo xoojin lahaa gurmadka caafimaad ee loo fidinayo bulshada deegaanka.
Intii ay ku sugnaayeen Buula Xaaji, wafdiga ayaa kulan la yeeshay maamulka deegaanka, shaqaalaha caafimaadka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxay ka xog wareysteen xaaladda dadka uu saameeyay cudurka iyo adeegyada caafimaad ee hadda ka jira deegaanka.
Ugu dambeyn, masuuliyiinta ayaa bulshada ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan bahda caafimaadka, si looga hortago faafitaanka cudurrada faafa loona ilaaliyo caafimaadka bulshada.
-------
ππππππππ
Abdiaziz Shacrawi
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jmoh. so
Website: www.mohjubalandstate.so.
25/05/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland Mudane Maxamed Xuseen Maxamed ayaa maanta daahfuray kulan muhiim ah oo looga arrinsanaayay xaaladaha caafimaad ee kasoo kordhay qaar kamid ah deegaannada Jubaland, gaar ahaan cudurka shuban-biyoodka oo saameyn ku yeeshay bulshada.
Shirka waxaa kasoo qeyb galay La-taliyaha Wasaaradda Caafimaadka Jubaland Mudane Garaad Aadan, qaar kamid ah agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, saraakiisha kale ee Wasaaradda iyo wakiillo ka socday OCHA, UNICEF iyo hayβadaha kale ee taageera adeegyada caafimaadka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xakameyn lahaa loona xoojin lahaa gurmadka caafimaadka, wacyigelinta bulshada, helitaanka daawooyin ku filan, biyaha nadiifta ah iyo dardargelinta talaalka carruurta si looga hortago faafitaanka cudurrada.
Sidoo kale, hayβadaha ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixino la xiriira halka ay marayaan howlaha caafimaad iyo gurmadka baniβaadannimo ee ay ka wadaan deegaannada Jubaland. Waxay hayβaduhu tilmaameen dadaallada socda, adeegyada la gaarsiiyay bulshada iyo caqabadaha wali jira ee u baahan in si wadajir ah looga shaqeeyo.
Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Dowlada Jubaland Mudane Maxamed Xuseen Maxamed ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka goβan tahay ilaalinta caafimaadka bulshada iyo xakameynta cudurrada faafa, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo dhex marta Wasaaradda iyo hayβadaha taageera adeegyada caafimaadka, si loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo hufan lana gaarsiiyo bulshada ku dhaqan deegaannada Jubaland.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay khatarta cudurka Ebola ee ka dillaacay qaar kamid ah dalalka Afrika, isagoo ku baaqay in la xoojiyo feejignaanta, baaritaannada caafimaad iyo tallaabooyinka ka hortagga cudurrada si loo ilaaliyo badqabka bulshada.
-------
ππππππππ
Abdiaziz Shacrawi
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jmoh. so
Website: www.mohjubalandstate.so.
21/05/2026
Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Jubaland ayaa Degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ku soo gabagabeysay tababar socday muddo 3 maalmood ah, kaas oo loo qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha xarumaha caafimaadka ee degmada.
Tababarkan oo ku saabsanaa cudurka duumada, ayaa waxaa ka faaβiideystay ku dhawaad 20 qof oo isugu jiray rag iyo dumar, waxaana tababarka bixinayay Madaxa Duumada ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland, Mudane Cabdikhadar Mohamed. Waxaa goob joog ahaa Isuduwaha Caafimaadka Degmada Ceelwaaq, Madaxa Mashaariicda degmada Ceelwaaq iyo Madaxa La-dagaallanka Musuq-maasuqa.
Tababarka ayaa muddadii uu socday diiradda lagu saaray baaritaanka, daaweynta iyo sidii looga hortagi lahaa cudurka duumada, oo dhibaato baβan ku haya bulshada ku nool deegaankan.
-------
ππππππππ
Abdiaziz Shacrawi
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jmoh. so
Website: www.mohjubalandstate.so.
20/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Jubbaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday Machadka Caafimaadka Qaranka (NIH) iyo hay'aada AFENET, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan horumarka iyo saameynta barnaamijka Field Epidemiology Training Program (FETP) iyo qiimenta shaqooyinka PHEOC.
Wafdiga uu kulanka laqaatey waxaa hogaaminaayay Abdullahi Sheikh Abdi oo ah Agaasimaha Waaxda U-diyaargarowga iyo Ka-jawaabidda Howlaha Degdegga ah, isla markaana ah Isku-duwaha Barnaamijka FETP ee Machadka Caafimaadka Qaranka, Sidoo kale, dhinaca Hayadda AFENET waxaa kasocday Dr. Kasim Mahdi oo ah wakiilka AFENET Somalia iyo mudane Mowlid Abdi katirsan barayaasha FETP sidoo waxaa goob Joog ahaa kulanka qaar kamid ah saraakiisha wasaaarada.
Kulanka waxaa lagu soo bandhigey shaqada iyo doorka muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan shaqaalaha lagu tababaray barnaamijka FETP, gaar ahaan dhinacyada la socodka cudurrada, baarista faafitaannada, iyo xoojinta nidaamka caafimaadka dadweynaha.
Warbixinta ayaa si gaar ah diiradda u saartay saameynta muuqata ee ay yeesheen xirfadlayaasha FETP ee ka howlgalaya Dowlada Jubbaland, kuwaas oo door weyn ka qaatay ka hortagga iyo ka jawaabidda xaaladaha caafimaad ee degdegga ah.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay wafdiga booqashadooda iyo dadaallada joogtada ah ee ay ku horumarinayaan awoodda shaqaalaha caafimaadka dalka. Waxa uu sidoo kale ballanqaaday in Wasaaraddu ay ka shaqeyn doonto fulinta soo-jeedimihii iyo talooyinkii ay wafdiyadu soo gudbiyeen, si loo sii xoojiyo iskaashiga iyo horumarinta adeegyada caafimaadka dadweynaha.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa si weyn u ammaanay shaqada ay hayaan Machadka Caafimaadka Qaranka iyo Hayβadda AFENET, isaga oo ku tilmaamay hayβado laf-dhabar u ah horumarinta xirfadaha caafimaadka iyo xoojinta u-diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka dalka.
-------
ππππππππ
Abdiaziz Shacrawi
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jmoh. so
Website: www.mohjubalandstate.so.
18/05/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Machadka Caafimaadka Qaranka (NIH) iyo hayβadda AFENET.
Wafdiga ayaa magaalada u yimid qiimeyn ku saabsan tababarradii h**e ee la siiyay shaqaalaha caafimaadka, kuwaas oo ahaa tababarka FETP, laguna horumarinayay aqoonta iyo tayada adeegyada caafimaadka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka Jubaland iyo hayβadaha ka shaqeeya horumarinta caafimaadka bulshada.
-------
ππππππππ
Abdiaziz Shacrawi
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jmoh. so
Website: www.mohjubalandstate.so.
18/05/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland ayaa maanta soo xiray tababar ku saabsan horumarinta adeegyada caafimaadka taranka iyo qorsheynta qoyska.
Tababarkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa loo qabtay ragga, si kor loogu qaado wacyigooda ku aaddan muhiimadda caafimaadka taranka, dhalmada lagu sameeyo xarumaha caafimaadka, iyo in hooyooyinka ay ku umulaan umulisooyin xirfad leh, si loo helo hooyooyin iyo dhallaanno caafimaad qaba. Sidoo kale, tababarka waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda qorsheynta qoyska.
Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa goob joog ka ahaa Madaxa Caafimaadka Taranka, Hooyada iyo Dhallaanka, Marwo Najmo Cabdikaadir, iyo Madaxa Wacyigelinta ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland, Isaaq Bashiir.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Caafimaadka Jubaland ay ku xoojineyso adeegyada caafimaadka iyo wacyigelinta bulshada, si loo gaaro bulsho caafimaad qabta oo leh faham wanaagsan oo ku saabsan caafimaadka taranka iyo qorsheynta qoyska.
-------
ππππππππ
Abdiaziz Shacrawi
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jmoh. so
Website: www.mohjubalandstate.so.
18/05/2026
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Bulshada ee Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Jubaland Mudane Abshir Yuusuf ayaa furay tababar ku saabsan Maareynta Xaaladaha Duumada oo dhameystiran, kaas oo loo qabanayo shaqaalaha xarumaha caafimaadka ee Gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan degmooyinka Kismaayo, Afmadow, Dhoobleey, Badhaadhe iyo Jamaame. Tababarkan ayaa socon doona muddo shan maalmood ah.
Tababarka waxaa goob joog ka ahaa Iskuduwaha Caafimaadka Gobolka Jubada Hoose CabdiRisaaq Jaamuus, Iskuduwaha Caafimaadka Degmada Kismaayo Maxamed Sheekh Aadan, iyo Kusimaha Madaxa Duumada Fartuun Cabdulqaadir.
Ujeeddada tababarkan ayaa ah xoojinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka si ay si hufan ugu maareeyaan xaaladaha duumada, loona yareeyo saameynta cudurka ee bulshada. Sidoo kale, tababarkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Wasaaradda Caafimaadka Jubaland ay ugu jirto horumarinta adeegyada caafimaadka iyo sare u qaadidda tayada daryeelka bulshada.
-------
ππππππππ
Abdiaziz Shacrawi
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jmoh. so
Website: www.mohjubalandstate.so.