Jubaland State House

Jubaland State House

Share

Madaxtooyada Dowladda Jubaland

Jubaland State House.

07/05/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 07 May 2026 shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada.

Photos from Jubaland State House's post 07/05/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 07 May 2026 shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada.

Ugu horreyn, Wasaaradda Amniga ayaa ka warbixisay xaaladda guud ee amniga Jubaland, gaar ahaan Gobolka Gedo, iyo dadaallada joogtada ah ee ay hay’adaha amnigu wadaan.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa iyana Golaha uga warbixisay nidaamka sharciyeed ee cusub ee lagu hagayo gaadiidka, kaas oo lagu doonayo horumarinta nidaamka gaadiidka, badqabka shacabka, iyo kor u qaadista adeegyada gaadiidka ee deegaanada Jubaland.

Dhanka kale, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubaland ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan diyaar-garowga iyo habsami u socodka imtixaanaadka dowladda, iyo sidoo kale fursadaha deeqaha waxbarasho (Scholarships) ee loo diyaariyey ardayda reer Jubaland.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa iyaduna Golaha Wasiirrada uga warbixisay xaaladda guud ee caafimaadka deegaanada Jubaland, adeegyada caafimaad ee la gaarsiinayo bulshada, iyo dadaallada lagu xoojinayo tayada adeegyada caafimaadka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ka warbixisay halka uu marayo diyaar-garowga qabsoomidda ciyaaraha heerka koowaad ee Jubaland.

DHAMMAAD

Photos from Jubaland State House's post 30/04/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada, iyadoo diiradda lagu saaray qodobo ay kamid yihiin xoojinta amniga, xaaladda guud ee siyaasadda dalka, adkaynta isticmaalka taarikada rasmiga ah ee Jubaland, iyadoo la faray hay’adaha amniga inay tallaabo sharci ah ka qaadaan gaadiidka aan wadan taarikada rasmiga ah, iyo qaadista tallaabooyin lagaga kahortagayo masiibooyinka ka dhalan kara fatahaadaha xilliyada roobabka.

28/04/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, isagoo u kuurgalay habsami u socodka shaqada iyo dadaallada lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed ee dowladda.

Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta Wasaaradda ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha socda, wuxuuna ku boorriyay in la xoojiyo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo kor u qaadidda waajibaayda shaqo ee Wasaaraddda si loo gaaro horumar waara.

Photos from Jubaland State House's post 28/04/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, isagoo u kuurgalay habsami u socodka shaqada iyo dadaallada lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed ee dowladda.

Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta Wasaaradda ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha socda, wuxuuna ku boorriyay in la xoojiyo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo kor u qaadidda waajibaayda shaqo ee Wasaaraddda si loo gaaro horumar waara.

23/04/2026

WAR-SAXAAFADEED
23-Ka April 2026

Photos from Jubaland State House's post 23/04/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, iyadoo diiradda lagu saaray arrimaha amniga, hufnaanta canshuuraha, natiijooyinka laga gaaray mashruuca biyo-gelinta magaalada Kismaayo, ka faa’iidaysiga tamarta qoraxda iyo Xaalada guud ee Siyaasada Dalka.

Ugu horreyn, Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan xaaladda amniga, iyadoo la xusay dadaallada lagu xoojinayo howlgalada ay wadaan Ciidamada Jubaland, kuwaas oo guulo wax ku ool ah laga gaaray toddobaadyadii la soo dhaafay.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa ka warbixisay dib-u-habeyn lagu sameynayo nidaamka canshuuraha si loo mideeyo habraacyada loona kordhiyo hufnaanta shaqada.

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa Golaha uga warbixisay horumarka mashruuca biyo-gelinta Kismaayo iyo mashruuca tamarta qoraxda, kuwaas oo si habsami leh u socda.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa ka warbixisay xaaladda adeegyada caafimaadka, natiijooyinka shirkii maalgashiga caafimaadka Jubaland, iyo hirgelinta nidaamka lacag-celinta ee isbitaallada Jubaland.

Ugu danbayntii Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan xaaladda abaaraha, roobabkii dhawaan da’ay, iyo diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah.

DHAMMAAAD

01/04/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta Jubaland, Marxuum Cabaas Xaaji Cabdullaahi.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ahaa shaqsi howlkar ah oo muddo dheer kusoo jiray shaqada dowladnimada, isla markaana door muhiim ah ka qaatay horumarinta hanaanka dowlad-dhiska Jubaland.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa Alle uga baryay Marxuumka inuu ku abaalmariyo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Jubaland ee uu ka baxay.

Aaaamiiin.

20/03/2026

Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Jubaland, Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa salaadda Ciidul Fidriga kula tukaday Masaajidka Madaxtooyada masuuliyiin heerar kala duwan leh iyo qaar kamid ah Shacabka Magaalada Kismaayo.

Photos from Jubaland State House's post 20/03/2026

Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Jubaland, Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa salaadda Ciidul Fidriga kula tukaday Masaajidka Madaxtooyada masuuliyiin heerar kala duwan leh iyo qaar kamid ah Shacabka Magaalada Kismaayo.

19/03/2026

Ciid wanaagsan.

Want your business to be the top-listed Government Service in Kismayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

https://t.me/jubalandstatehouse

Address


Kismayo-Jilib Highway
Kismayo