05/04/2026
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Jubbaland oo kaashaneysa Wasaaradda Haweenka ayaa shalay galab muxaadaro diini ah u qabatay Ururka Haweenka Gobolka Iyo Haweenka Degmada Kismaayo, taas oo ku saabsanayd imaamka wanaagsan iyo waxyaabaha nusqaamiya.
Muxaadarada waxaa soo jeediyay Madaxa Iclaamka Dacwada ee Degmada Kismaayo Sheekh Maxamed Guure, isagoo haweenka ku dhiirrigeliyay ku dhaqanka akhlaaqda suuban iyo ilaalinta diinta.
Sidoo kale, Wasaaradda Awqaafta ayaa haweenka u qaybisay 50 nuqul oo Kitaabka Arbaciinka ah oo Af-Soomaali lagu turjumay, waxaana turjumaadda sameeyay Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf.
Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Jubbaland Aden Faarax Gaarane oo ku booriyay ururada Haweenka ka qayb qaadashada Dacwada Islaamka, ku simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Maamulka iyo maaliyada Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, gudoomiyaha haweenka ee Gobolka Jubbada Hoose iyo Gudoomiyaha Degmada Kismaayo, Madaxa Dacwadda Degmada Kismaayo, iyo haweenka ku nool Magalada Kismaayo.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in Kitaabka Arbaciin la gaarsiin doono qaybaha kale ee ururada bulshada rayidka ah maalmaha soo socda.
29/03/2026
Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Dowlada Jubaland ayaa qabatay Kulanka Gudiga Culimada Jubaland iyo Wasaarada oo maanta eey goob joog ahaayeen laamaha amaanka Jubaland . Kulankan oo uu shir- gudoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Aden Faarax Gaarane ayaa qodobadi lagaga hadlay waxaa ka mid ahaa anshaxa iyo dhowrsanaanta gabdhaheena mu’minaadka, xijaabka, Diinta waxa eey ka qabto in raga iyo dumarka kubada wada ciyaaran, ka hortegida goobaha munkarka lagu sameeyo iyo qodoba kale.
Gabagabadi Shirkan ayaa laga soo saaray bayaan lagu cadeynaayo waxa eey shareecada ka qabto qodoban iyo digniin ku socota ciddi lagu arka anshax-xumo bulshada dhaxdeeda. Bayaanka ayaa mar dhow warbaahinta lala wadaagi doonaa.
19/03/2026
Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Dowlada Jubaland waxay xaqiijineysaa in berri oo taariikhdu tahay 20/3/2026 eey tahay Ciidul-Fitri Bisha Shawaalna tahay 01/1447.
Ciid-Bubaarak ayaan idin leenahay dhamaan.
18/03/2026
OGEYSIIS RASMI AH
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Jubbaland waxay galabta ilaa makhribkii si rasmi ah uga hawlgashay baaritaanka bilashada Bisha Shawaal,
Kadib baaritaan iyo xaqiijin ay sameysay Wasaaraddu, lama helin wax caddeyn ah oo lagu kalsoonaan karo oo muujinaysa in Bisha Shawaal la arkay.
Sidaas awgeed, Wasaaraddu waxay go’aamisay qodobadan soo socda:
1. In aan la xaqiijin aragtida Bisha Shawaal caawa.
2. In berrito la dhamaystirayo 30-ka bisha Ramadaan, islamarkaana la sii wado soonka.
3. In maalinta Jimcaha ay noqon doonto Ciidul Fidriga, haddii Alle idmo.
Wasaaradda waxay markale ku boorinaysaa shacabka inay ilaaliyaan midnimada, kuna dhaqmaan go’aamada rasmiga ah ee ay soojeedisay wasaaradda ee la xiriira arrimaha diinta.
Mahadsanidiin.
18/03/2026
Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Dowlada Jubaland ayaa shacabka ogeysiineysa raadinta bilashada Bisha Soon-Fur oo la rajeynayo galabta ama berri galab. Ciid Mubaarak!
09/03/2026
Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Dowlada Jubaland ayaa ku amartay in la damiyo sameecadaha banaanka ee masaajida inta lagu guda jiro oogida salaada tahajudka ee 10ka dambe ee Bisha Ramadam 1447 oo caawa bilaabanaya.
07/03/2026
Waxaa maanta si habsami leh u qabsoomay Kulanki Alla-Bariga Roobdoonka oo Gudiga Abaaraha Jubaland h**ey ugu baaqay. Kulankan Salatul Istisqaaga ayaa waxaa ka soo qaybgalay bulshada noocyadeeda kala duwan, Ardeyda Dugsiyada Qur’aanka, ardeyda iskuulada, xaafadaha Magaalada Kismaayo, xubno ka socday Dowlada Jubaland iyo culumaa’udiin.
Kulankan Roobdoonka oo Alla lagu baryayay in abaarta roob kheyrqabo oogu bedelo ayaa mas’uuliyiinti ka soo qaybgashay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Jubaland Mudane Maxamed Yusuf Cumar iyo hawlwadeenada Wasaarada oo qayb weyn ka qaatay qabsoomida Isku-Soobaxan.
27/02/2026
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islam ayaa maanta soo xiray Tartanka Quranka Kariimka Jubaland 2026/1447 ee lagu maamuuso Bisha Barakeysan ee Ramadam sanad kasta.
Madaxweynaha ayaa gudoonsiiyay hadiyado qaaliya 5ta arday ee kaalmaha h**e ka galay 30ka Juz, sidoo kale 5ta arday ee oogu h**eysay 20ka Juz ayaa iyagana lagudoonsiiyay abaalmarino qaaliya.
Hadiyadaha lagudoonsiiyay 10kaas arday ayaa ka koobnaa baabuur iyo lacago waxaana Madaxweynaha bixinta hadiyadaha ku weheliyay Wasiirka Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Jubaland iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Jubaland iyo mu’asasaadki kale ee qaybta ka ahaa in hawshan eey qabsoonto.