01/04/2026
Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Jubbaland waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda, Cabaas Xaaji oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu Janatul Firdawso ka waraabiyo, samir iyo iimaan-na ka siiyo ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Jubbaland ee uu ka baxay.
Aamiin.
26/02/2026
Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Jubbaland ayaa qabatay La-tashi ku saabsan Aasaasidda Qaab-dhismeedka Iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo Leeyahay (PPP).
La-tashigan waxaa ka soo qayb galay qaar kamid ah shirkadaha ganacsiga , hay’adaha muhiimka ah ee Dowladda, iyo Maamulka Degmada Kismaayo, si loo xoojiyo wada-shaqaynta iyo iskaashiga horumarineed ee dhanka kaabayaasha dhaqaalaha.
Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee la-tashiga waxay ahaayeen: In la dejiyo lana isla meel dhigo Qaab-dhismeedka Iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo Leeyahay (PPP); In la qeexo doorka iyo masuuliyadaha hay’adaha Dowladda iyo kuwa ganacsiga marka iskaashi maalgashi la hirgelinayo iyo sidookale In la dhiirrigeliyo maalgashi wadajir ah oo lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
La-tashigan wuxuu qayb ka yahay qorsheynta magaalooyinka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee barnaamijka Dowlad-Kaab oo ay hirgelinayso UN-Habitat, kaas oo diiradda saaraya xoojinta nidaamyada magaalooyinka si ay u noqdaan kuwo adkaysi leh, waara, isla markaana kobciya dhaqaalaha Jubbaland.
27/12/2025
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Xeerka Maareynta Dhulka Jubbaland, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Jubbaland.
Xeerkan ayaa ka kooban qodobo muhiim ah oo wax-ka-beddel iyo casriyeyn lagu sameeyay, si loo waafajiyo baahiyaha maamulka dhulka iyo horumarinta nidaamka lahaanshaha dhulka iyo isticmaalkiisa.
Xeerka Maareynta Dhulka Jubbaland ayaa h**ey u soo maray marxaladaha sharciyeed ee ansixinta, iyadoo si buuxda ay u ansixiyeen labada gole ee Dowladda Jubbaland. Saxiixa Madaxweynaha kadib, xeerkan wuxuu si rasmi ah u noqday sharci dhaqan-gal ah, kaas oo hagaya maareynta, diiwaangelinta, iyo ilaalinta dhulka, isla markaana xoojinaya hannaanka dowladnimo, isla-xisaabtanka, iyo kala-danbeynta isticmaalka dhulka.
Hirgelinta xeerkan ayaa lagu wadaa inay door weyn ka qaadato horumarinta qorsheynta magaalooyinka, xalinta khilaafaadka la xiriira dhulka, iyo abuurista jawi sharciyeed oo suurtagelinaya maalgashi iyo horumar waara oo ka hirgala guud ahaan deegaannada Jubbaland.
15/12/2025
Iskuduwaha Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Jubbaland ee Gobolka Gedo Mudane Aadan Hilowle, oo ku sugan Degmada Luuq ee Gobolka Gedo hawlo shaqo awgood, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray jid jaay ah oo dhawaan laga hirgeliyey degmadaasi.
Jidkan cusub, oo ka mid ah mashaariicda taageerada Bangiga Adduunka, ayaa la filayaa inuu door muuqda ka qaato Horumarinta isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha, isla markaana fududeeyo isku xirka gudaha degmada iyo waaxyaheeda.
Sidoo kale, Iskuduwaha Wasaaradda ayaa si rasmi ah ula wareegay qalab casri ah oo sheybaarka dhismaha ah, kaas oo loogu talagalay baarista iyo hubinta tayada agabyada dhismaha, si loo xaqiijiyo inay waafaqsan yihiin heerarka tayada ee la doonayo, uguna adeegaan hirgelinta kaabeyaasha dhisme ee waara.
08/12/2025
Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-Udhiska iyo Guriyeynta Dowlada Jubbaland ayaa horgeysay Guddiga Jooktada ee Golaha Wakiillada Jubbaland wax-ka-badal lagu sameeyay Xeerka Maareynta Dhulka Jubbaland.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-Udhiska iyo Guriyeynta Mudane Cabdiwahaab Axmed Cismaan, ayaa guddiga ugaga warbixiyay isbeddellada lagu sameeyay xeerka, isaga oo sidoo kale ka jawaabay su’aalihii ay mudanayaashu ka weydiiyeen qodobada xeerka la horgeeyay.
Guddiga Jooktada ee Golaha Wakiillada ayaa ugu dambeyn ansixiyay wax-ka-badalka Xeerka Maareynta Dhulka Jubbaland, kaas oo ujeedkiisu yahay:in la mideeyo habraacyada maamulka dhulka, la xoojiyo hufnaanta arimaha dhulka, xalinta qilaafaadka dhulka , lana taageero qorsheynta magaalooyinka iyo horumarinta adeegyada iyo kaabayaasha horumarinta.
24/11/2025
*Dhagax-Dhigga Mashruuca Guryeynta Xalka Waara ee Deegaanka Luglow/Halgan – Jubbaland*
Maanta waxaa deegaanka xalka waara ee Luglow/Halgan si rasmi ah looga dhagax dhigay mashruuc guryeyn ah oo ka kooban 200 oo guryo waara iyo kaabayaal adeegyo aasaasi ah oo ay ku jiraan xarun caafimaad, iskuul iyo wadooyin muhiim ah. Mashruucan waxaa maalgelinaya Hay’adda King Salman Humanitarian Aid & Relief Centre (KSRELIEF) ee Boqortooyada Sucuudiga, waxaana fulintiisa iska kaashanaya Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Jubbaland iyo Hay’adda TADAAMUN.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa si wadajir ah usameeyay: Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Mudane Cabdiraxmaan Dhiriq, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta, Mudane Abdishukri Arab Omar, Madaxa Hay’adda KSRELIEF ee Afrika, Dr Yaziid Abdalla , Agaasimaha Hay’adda TADAAMUN, Mudane Cabdiraxmaan Cabdirisaaq.
Mashruucan guryeynta xalka waara ah waxa uu ka mid yahay dadaallada istaraatiijiga ah iyo ujeedooyinka Siyaasadda Guriyeynta Dowladda Jubbaland, oo diiradda saaraya in dadka barakacayaasha ah loo helo deegaan waara, guryo ammaan ah, iyo adeegyo aasaasi ah oo u adkaysan kara isbeddelka cimilada.
Wasaaradda Howlaha Guud ayaa h**e ugu gudbisay Hay’adda KSRELIEF qorshaha lagu kordhinayo tirada guryaha iyo adeegyada aasaasiga ah ee loogu talagalay dadka barakacayaasha ee ku nool deegaanka Luglow/Halgan, si loo dardar-geliyo qorshaha dowladdu u leedahay deegaamaynta iyo dib-u-noolaanshaha bulshada barakacayaasha.
21/11/2025
Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Dowladda Jubbaland, Mudane Abdiwahab Ahmed Osman, oo ay wehlinayaan Wasiirada Ganacsiga, Warfaafinta iyo Caafimaadka ayaa booqday xarunta ku-meelgaarka ah ee LAPSSET Corridor Program ee Lamu.
Intii ay joogeen xarunta, wafdiga ayaa warbixin ka dhageystay maamulka oo uga faahfaahiyay waxa ay qabato LAPSSET, oo ay ka mid yihiin
Dhismaha iyo maamulka Dekedda casriga ah ee Lamu (Lamu Port) Hormarinta wadooyinka, tareennada, iyo isku xirka ganacsiga Kenya, Itoobiya & Koonfurta Suudaan, Abuurista fursado shaqo iyo horumar dhaqaale oo gobolka ah,
Qorshaha Lamu loogu dhisayo xarun ganacsi oo muhiim u noqota gobolka mustaqbalka
Wasiir Abdiwahab Ahmed Cusman ayaa bogaadiyay shaqada socda iyo muhiimadda uu mashruucu u leeyahay kobcinta dhaqaalaha iyo isu socodka ganacsiga Bariga Afrika.
12/11/2025
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Abdishukri Arab, oo ay wehelinayeen Agaasimaha Waaxda Guriyeynta iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda, ayaa ka qayb galay kulanka heer qaran ee ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirka oo ay kasoo qayb galeen wasiirro, agaasimayaal guud iyo khubaro ka socday wasaaradaha howlaha guud ee dowlad-goboleedyada dalka, ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta, dib-u-hagaajinta iyo soo jeedinta talooyin ku saabsan hal-abuurka cusub iyo naqshadaha guryaha jaban, kuwaas oo lagu dhisi doono agab maxalli ah si dalka looga yareeyo ku-tiirsanaanta agabka dhismaha ee qaaliga ah ee dibedda laga keeno.
Kulanka oo qayb ka ahaa dadaallada lagu hormarinayo xalalka waara ee hoyga iyo dhismaha magaalooyinka Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale ka qayb galay hay’adaha caalamiga ah ee IOM iyo UN-HABITAT, kuwaas oo gacan ka geysanaya taageeridda farsamada iyo maalgelinta barnaamijyada dhismaha waara.
Waxaa intaas dheer, shirka waxaa qayb libaax ka qaatay ururrada bulshada rayidka ah, aqoonyahanno dhalinyaro ah oo ka kala socday jaamacadaha dalka, naqshadeeyayaal iyo farshaxan-yahanno Soomaaliyeed, kuwaas oo soo bandhigay naqshado guryo tayo leh oo laga sameeyey agab maxalli ah, isla markaana ku habboon cimilada iyo dhaqanka deegaanka.
Wasaaradda Howlaha Guud ee Jubbaland waxay mar kale adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay in la dhiirrigeliyo hal-abuurka dhallinyarada iyo isticmaalka agabka gudaha, taas oo qayb ka ah qorshaheeda guud ee kor u qaadista dhismaha waara iyo horumarinta adeegyada bulshada.
28/08/2025
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam oo booqasha shaqa ku jooga magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa maanta la kulmay madaxa mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee bariga iyo koonfurta Afrika ee Bangiga Aduunga, Binyam Reja.
Waxaa kulanka madaxweynaha ku weheliyey Agasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud Dib Udhiska iyo Guriyeynta Jubbaland, Abdishukri Arab
Kulanka ayaa lagaga wada hadlay dardar galinta mashaariicda ay sida wadajirka ah uga shaqaynayaan Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Jubbaland iyo Bangiga aduunka dhismaha waddooyinka halbowlaha ah ee kobcinaya isku xirka dhaqaalaha iyo horumarinta ganacsiga gobolka Jubbada Hoose Kismayo-Afmadow-Dhobley oo 300km oo laami ah , iyo buundooyinka burburay—gaar ahaan Buundada Baardheere iyo qaar kamid garoomada gaar ahaan Garoonka degmada Beletxawa oo si isxilqaan ah bulshada ubilaabeen.
Ugu dambayn, Bangiga Adduunka ayaa muujiyey ka go’naanshihiisa ku aaddan fulinta iyo dardargelinta qorsheyaasha horumarineed ee Jubbaland, si loo xaqiijiyo gaarsiinta yoolalka horumarineed ee waara.
27/08/2025
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Jubbaland, Abdishukri Arab, ayaa ka qaybgalay shirka dib-u-eegista mashruuca Isku-xirka Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Geeska Afrika (SHIIP), oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka, laguna qabtay magaalada Nairobi.
Shirka waxa lagu falanqeeyey heerka uu marayo mashruuca, iyadoo sidoo kale lagu dejiyey qorshe wax-ku-ool ah oo lagu hirgelinayo hawlaha ka harsan muddada mashruuca.
Inta lagu guda jiray kulanka, Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Jubbaland waxay u gudbisay Bangiga Adduunka Xogta k**a dambaysta ah ee waddooyinka halbowlaha ah ee gacan ka geysanaya kobcinta isku xirka dhaqaalaha iyo horumarinta ganacsiga Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan Kismaayo, Afmadow iyo Dhoobley,
, iyo qiimayn hordhac ah oo ku saabsan buundooyinka burburay—gaar ahaan Buundada Baardheere—si loogu daro daraasadda iyo naqshadeynta rasmiga ah ee dib-u-dhiska.
Bangiga Adduunka, gaar ahaan mashruuca SHIIP, ayaa soo dhoweeyey warbixinta Wasaaradda, waxaana uu si rasmi ah u ballanqaaday in la sameeyo naqshadeynta iyo dib-u-dhiska buundooyinka iyo waddooyinka la soo gudbiyey.