19/03/2026
Madasha Kaah waxa ay munaasabadda Ciidda awgeed hambalyo u diraysaa dhammaan ummadaha Muslimiinta ah gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed,Alle ha naga aqbalo camalkii aan samaynay hana noo dambi dhaafo.!
Akhristiyaasha maanta waa hogaamiyaasha berri
19/03/2026
Madasha Kaah waxa ay munaasabadda Ciidda awgeed hambalyo u diraysaa dhammaan ummadaha Muslimiinta ah gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed,Alle ha naga aqbalo camalkii aan samaynay hana noo dambi dhaafo.!
26/12/2025
Galabnimadii shalay,waxaa 𝗝𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗞𝗶𝘀𝗺𝗮𝗮𝘆𝗼 ka qabsoomay barnaamijka ay iska kaashanayeen, 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗞𝗮𝗮𝗵 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗥𝗮𝘆𝘀, ciwaankiisuna ahaa diyaarinta mawduuca casriga ah iyo farsamooyinka soo bandhiga casriga ah, waxaana soo jeedinayay Dr. 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗕𝗶𝗹𝗲 𝗫𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶, barnaamijka waxaa kasoo qeyb galay 𝙈𝙖𝙙𝙖𝙡𝙖𝙝𝙖 𝙖𝙠𝙝𝙧𝙞𝙨𝙦𝙤𝙧𝙖𝙖𝙡𝙠𝙖, 𝙗𝙖𝙝𝙙𝙖 𝙬𝙖𝙗𝙖𝙧𝙖𝙨𝙝𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙢𝙖𝙧𝙩𝙞 𝙠𝙖𝙡𝙚.
Ugu dambeyntii si wanaagsan oo qiimo badan ayuu noogu soo dhammaaday, barnaamijkaan wuxuu qeyb ka ahaa dedaalada aan ku xoojineyno tabarada dheefta u leh bulsho weynteenna reer 𝗞𝗶𝘀𝗺𝗮𝗮𝘆𝗼.
𝗔𝗹𝗹𝗮𝗮 𝗺𝗮𝗵𝗮𝗱 𝗹𝗲𝗵.
𝗗𝗵𝗮𝗺𝗺𝗮𝗮𝗱.
22/12/2025
OGAYSIIS MUHIIM AH:
Madasha Kaah iyo golaha Rays ayaa si wada jir ah iskaga kaashanaya qabsoomidda maduuc muhiim ah baahi waynna loo qabo, kaas oo ciiwaankiisu yahay:
Diyaarinta mowduuc qaab Toolmoon iyo Farsamooyinka soo-bandhigidda Casriga ah,
(Modern Topic Preparation and Contemporary Presentation Techniques).
Barnaamijkaan oo ka qabsoomid doona Jaamacadda Kismaayo, waxaa inoo soo jeedin doona; Ustaad Maxamed Bile Xaashi(PhD), ustaadku waa aqoon-yahan xeel-dheer tacliimeed ah kana mid ah aqoonyahanka reer Jubbaland,gaar ahaan Magaaladaan Kismaayo.
Sidaas darteed waxaan dhallinyarada reer Kismaayo,qalin-maalka iyo cid kasta oo danayn u haysa mawduucaas ku casuumaynaa in ay nagala soo qayb galaan barnaamijaan xiisaha gaarka ah leh xilligiisiina ku soo aaday.
FAAH-FAAHIN:
1.Qabnqaabada: Rays iyo Kaah
2.Ciiwaanka: Diyaarinta mowduuc qaab casri ah iyo Farsamooyinka soo-bandhigidda Casriga ah,
(Modern Topic Preparation and Contemporary Presentation Techniques).
3.Goobta: Jaamacadda Kismaayo.
4.Goorta: 25/12/2025.
5.Saacadda: 3:30PM.
6.Soo jeediye: Dr, Maxamed Bile Xaashi (PhD).
Dhammaad
15/12/2025
📚 Akhrinta Buugaagta waa Furaha Garaadka
Buuggu ma aha kaliya warqad iyo hadal, waa iftiin maskaxeed, waa saaxiib aamusan oo aan kaa daalin. Akhrinta buugu waa safar aan jirdhac lahayn oo maskaxdaada kobcinaya, fikirkaaga furanaya, naftaadana horumarinaya.
Qofka buug akhriya ma aha qof kaliya wax akhrinaya waa qof dhisaya mustaqbalkiisa, ballaarinaya aragtidiisa, kuna socda waddada guusha iyo garaadka.
Akhriska waa caado fiican kororso aqoon, kobci naftaada.
Madasha Kaah .
02/12/2025
Dhallinyarada madasha Kaah oo wacyi-galinta akhrisqoraalka ee goobaha waxbarashada dib u bilaabay,saakana bookhasho ku tagay dugsiga Beder,halkaas oo ay ardayda waano iyo wax u sheeg kadib u qabteen,tartan akhris buugaagna ay halkaas ku guddoonsiiyeen.
Sidoo kale, waxa aan kulan la qaadanay maamulka oo aan halkaas wada sheekaysi kooban iyo kala xog qaadasho ku yeelany.
Aad bay u mahadsan yihiin reer Beder sida ay u qaabileen ola olaha wacyi-galinta akhrisqoraalka ee dhallinyarada Kaah.
👇👇👇👇👇
https://vm.tiktok.com/ZMAoYx4xm/
28/11/2025
Bismillaah.
Madasha Akhris-qoraalka ee Kaah waxay hambalyo, Boggaadin iyo Duco u direysaa, Mudane Maxamuud Mahad Faarax oo Maanta loo doortay guddoomiyaha middowga naadiyada Akhris-Qoraalka ee Kismaayo.
Guddoomiye alle hakugu asturo xilkaas culus ee laguu igmaday.
mahadsanidiin
Kaah iyo hormarka ay ka waddo akhriska iyo muhiimaddiisa.
wey dhaqaaqdaye yaan la sii deyn.
10/10/2025
Bismillaah
Madasha Akhris-qoraalka ee Kaah waxay shalay galab oo ay taariikhdu ahayd 9/10/2025 ku qabatay Maktabada Jaamacada Kismaayo kulan ciwaankiisu ahaa ka faa ideysiga waqtiga( Time management), kaas oo uu soo jeediye ka ahaa, Mudane Cabdicasiis Maxamed Cali
Kulanka waxaa kasoo qeyb galay marti sharaf kala duwan sida, masuuliyiin kasocotay Jaamacada Kismaayo, qaar kamid ah Madalaha akhris-qoraalka degmada kismaayo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Kismaayo.
________Af-hayeenka madasha
Maxamed maxamed Diiriye(M.M.D)
07/10/2025
𝗠𝗮𝗱𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗞𝗮𝗮𝗵,waxay bulashda la wadaagaysaa,in maallinimada 𝗸𝗵𝗮𝗺𝗶𝗶𝘀𝘁𝗮 oo ku beegan *09/10/2025* ay qabanayso *barnaamij* ciiwaankiisu yahay; 𝗠𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝘄𝗮𝗸𝗵𝘁𝗶𝗴𝗮,barnaamikaan waa mid u furan qaybaha kala duwan ee bulshada si gaar ah Bahda Waxbarashda, Waxanaana soo jeedin doona Mudane; 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗰𝗮𝘀𝗶𝗶𝘀 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝗹𝗶 oo ah xubin firfircoon oo ka tirsan madasheena 𝗞𝗮𝗮𝗵 &Macallin iyo Tabare.
𝗙𝗮𝗮𝗵-𝗳𝗮𝗮𝗵𝗶𝗻:
𝗖𝗶𝗶𝘄𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮: 𝗧𝗶𝗺𝗲 𝗺𝗮𝗻𝗮𝗴𝗲𝗺𝗲𝗻𝘁
𝗦𝗼𝗼 𝗷𝗲𝗲𝗱𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮: 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗰𝗮𝘀𝗶𝗶𝘀 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝗹𝗶(𝗟𝗶𝗳𝗲 𝗖𝗼𝗮𝗰𝗵/&𝗧𝗲𝗮𝗰𝗵𝗲𝗿).
𝗚𝗼𝗼𝗿𝘁𝗮: 𝗞𝗵𝗮𝗺𝗶𝗶𝘀, *09/10/2025.*
𝗚𝗼𝗼𝗯𝘁𝗮: 𝗠𝗮𝗸𝘁𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗝𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗞𝗶𝘀𝗺𝗮𝗮𝘆𝗼.
_________Wixii faah-faahin ah nagala soo xiriir:👇👇👇
https://www.facebook.com/share/19koY8PYXY/
Afhayeenka madasha:
_____𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗗𝗶𝗶𝗿𝗶𝘆𝗲(𝗠.𝗠.𝗗)
Muuqaal soo koobaya kulankii lagu sagootinayey Guddoomiyihii h**e Madasha mudane Siyaad Goley, kulanka ayaa daarna duco iyo sagootin loo sameyay Guddoomiyihii h**e.
29/09/2025
بسم الله الرحمن الرحيم
Madasha Kaah waxay xalay oo ay taariikhdu ku begnayd 28/9/2025 kulan duco iyo sagootin ah u sameysay Guddoomiyihii h**e Madasha mudane Siyaad Xasan Cabdullahi (siyaad goley) kulanka waxaa goobjoog ahaa
Guddoomiyaha madasha, Guddoomiye ku xigeenka iyo qaar ka mid xubnaha madasha.