Hon Mohamoud Hajji

Hon Mohamoud Hajji

Share

The Official Page of Director Hon Mohamoud Hussein Jibril Aateeye (Mission & Vision). Xafiiska Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Gobolka Buuhoodle, Somaliland

05/03/2026

TACSI

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa geerida ku timid General Sareeyo Gaas Jaamac Cali Abokor (Maxamed) oo maanta ku geeriyooday Magaalada Garoowe

Marxuum Jaamac Cali Abokor wuxuu ka mid ahaa saraakiishii sare ee udub-dhexaadka u ahaa ciidamadii Dawladdii Kacaanka, isaga oo door muuqda ka soo qaatay difaaca iyo dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Si guud waxaan geerida Generalka uga tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ummadda Waqooyi Bari ee uu ka baxay halyeeygaasi.

Waxaan Alle uga baryayaa marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, ehelkiisii, qaraabadiisii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna inuu ka siiyo samir iyo iimaan.

Aamiin.

W/Q Mohamoud Hussein Jibril (Hajji)

04/03/2026

WAR-SAXAAFADEED:

TAAGEERADA ANSIXINTA DASTUURKA

Taariikhda: 4-ta Maarso, 2026
Laascaanood, Waqooyi Bari, Soomaaliya.

​BOGAADIN IYO TAAGEERO:

​Waxaan si hagar la’aan ah u soo dhowaynayaa, una bogaadinayaa ansixinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Tallaabadani waa guul taariikhi ah oo astaan u ah bisaylka siyaasadeed iyo hiigsiga fog ee horumarinta qarannimadeenna.

​HOGAAMINTA SARE ee ​Madaxweynaha ,
Mudane Xasan SheekhMaxamuud, Waxaan ku ammaanayaa inuu yahay hogaamiye geesi ah, aragti dheer, isla markaana qaatay go’aan dhiirran oo lagu ilaalinayo midnimada iyo karaamada qaranka Soomaaliyeed.

​Baarlamaanka Federaalka:
Waxaan bogaadinayaa Mudanayaasha Labada Aqal ee gutay waajibaadkooda dastuuriga ah, iyagoo muujiyey waddaniyad, wada-tashi, iyo mas’uuliyad qaran oo dhab ah.

​Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur (Madoobe):
Waxaan ku ammaanayaa hoggaaminta deggan, dulqaadka, iyo maareynta miradhalka ah ee uu ku hagay geedi-socodkan qaran.

​TIIRARKA HIRGELINTA
​Hirgelinta dastuurkan cusub waa bilowga waa cusub oo u baahan:
​Midnimo: Inaan gacmaha is-qabsanno.
​Wadajir: Inaan meel uga soo wada-jeesanno danta guud.
​Ilaalinta Maslaxadda Qaranka: In dalku ka sarreeyo wax kasta.

​Midnimo, Sharci iyo Dowladnimo waa jidka kaliya ee guusha Qaranka.
​— DHAMAAD —

​Mohamoud Hussein Jibril (Hajji)

Photos from Wasaaradda Deegaanka & Isbadelka Cimilada -WBS's post 06/12/2025
14/11/2025

Hanbalyo iyo Bogaadin

Waxaan si kal iyo laab ah ugu hanbalyeeynayaa, una bogaadinayaa Mohamed Abdullahi Caafi oo xalay loo magacaabay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari.

Illaahay ha kugu asturo masuuliyadda culus iyo xilka sharafka leh ee aad qaaday.

Waxaan kuu rajaynayaa in aad noqoto hoggaamiye karti, daacadnimo iyo hal-abuur ku hoggaamiya horumar waara oo ku wajahan bulshada Waqooyi Bari yo adeegyada muhiimka ah ee wasaaradda.

10/11/2025

Hanbalyo iyo Bogaadin

Waxaan si wayn u bogaadinayaa una hambalyaynayaa Siyaasiga weyn Mudane Maxamuud Sh. Cumar, oo maanta si rasmi ah uga mid noqday Golaha Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamuud Sh. Cumar waxaanu soo wada shaqaynay muddo ka badan 17 sano, annagoo ka wada qaybgalnay dhaqdhaqaaqyadii kala dambeeyay ee guud ahaan Ururkii SSC iyo Khaatumo State, gaar ahaan arrimaha nabadgalyada iyo horumarinta gobolka Cayn.

Sidaa darteed, waxaan rajaynayaa in Xildhibaan Maxamuud Sh. Cumar uu Golaha ku soo kordhin doono khibrad, hoggaan iyo daacadnimo, isla markaana uu noqon doono marjac iyo garsoore miisaaman marka ay timaado kala aragti duwanaanta iyo doodaha baarlamaaniga ah.

Ugu dambayntii, waxaan Alle uga baryayaa inuu ku asturo xilkaas culus ee sharafta leh, kuna garab galo toosnaanta, cadaaladda iyo danta guud ee ummadda.

Mahadsanid.
Maxamuud Xuseen Jibriil (Xaaji)

30/10/2025

TACSI TIIRAANYO LEH

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Alle Ha U Naxariisto Marxuum Maxamed Daahir (Buraale) Oo Ka Mid Ahaa Waxgaradka Magaalada Buuhoodle, Kuna Geeriyooday Goordhaw Magaalada Jigjiga.

Waxaan Tacsiyo Tiiraanyo Leh U Dirayaa Qoyska, Ehelka, Xaasaska Iyo Awlaadiisii Uu Ka Baxay — Gaar Ahaan Saaxiibkay Cabdiraxmaan Maxamed Daahir (Buraale).

Alle Ha Idiin Siiyo Samir Iyo Iimaan Saadiqa Ah,
Marxuumkana Jannatul Firdowsa Ha Ka Waraabiyo, Hana U Fududeeyo Su’aalaha Qabriga. 🤲

Marxuum Maxamed Daahir (Buraale) Wuxuu Ahaa Nin Cibaado Badan, Dadku Ka Nabadgalaan, Dabeecad Suuban Iyo Dadnimo Wanaagsan Leh. Waxaan Qirayaa In Uu Ahaa Astaanta Wanaagga Iyo Akhlaaqda.

Aamiin Aamiin Aamiijn

Want your business to be the top-listed Government Service in Laascaanood?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Laascaanood

Opening Hours

Monday 08:00 - 14:00
Tuesday 08:00 - 14:00
Wednesday 08:00 - 14:00
Thursday 08:00 - 14:00
Saturday 08:00 - 14:00
Sunday 08:00 - 14:00