Wasaaradda Amniga ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya waxay si weyn ugu mahadcelinaysaa guddiga isxilqaanka ah ee ka dhisan gobolka Togdheer, gaar ahaan degmada Buuhoodle, kuwaas oo u istaagay ururinta dhaqaalaha loogu talagalay dhismaha saldhigga amniga ee degmada Buuhoodle.
Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya
Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya
17/07/2026
Mahadcelin iyo Bogaadin
Wasaaradda Amniga ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya waxay si weyn ugu mahadcelinaysaa guddiga isxilqaanka ah ee ka dhisan gobolka Togdheer, gaar ahaan degmada Buuhoodle, kuwaas oo u istaagay ururinta dhaqaalaha loogu talagalay dhismaha saldhigga amniga ee degmada Buuhoodle.
Waxaa xusid mudan in guddigan h**e uga soo shaqeeyeen wax ka qabashada iyo la-dagaallanka maandooriyaha, iyagoo door muuqda ka qaatay ilaalinta badqabka bulshada iyo yaraynta dhibaatooyinka la xiriira mukhaadaraadka.
Guddigan sharafta leh iyo guud ahaan bulshada reer Buuhoodle waxay muujiyeen masuuliyad, midnimo, iyo dareen qaran oo sare, iyagoo sii xoojinaya dadaallada amniga iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah ee deegaanka.
Wasaaraddu waxay si gaar ah u bogaadinaysaa dadaalkan qiimaha leh, waxayna ku dhiirrigelinaysaa bulshooyinka kale inay ku daydaan iskaashiga noocan ah ee horseedaya nabad, xasilooni, iyo horumar waara.
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha
Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya
11/07/2026
AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA AMNIGA DOWLADDA WAQOOYI BARI SOOMAALIYA AYAA KA QAYB GALAY SHIR KU SAABSAN QAAB-DHISMEEDKA BADQABKA IYO AMNIGA EE HAY’ADAHA CAALAMIGA AH, NGO-YADA IYO KUWA MAXALLIGA AH
Laascaanood, Waqooyi Bari Soomaaliya Sabti, 11 Luulyo 2026.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Maxamuud Xuseen Jibriil (Caateeye), ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo looga hadlay qaab-dhismeedka badqabka iyo amniga ee hay’adaha caalamiga ah, NGO-yada iyo kuwa maxalliga ah ee ka hawlgala Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.
Shirkan oo ka dhacay Hoolka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Laascaanood, isla markaana uu guddoomiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Osman Aadan Xuseen, ayaa waxaa ka qayb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Amniga, iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta.
Intii uu socday shirka, waxaa lagu soo bandhigay qaab-dhismeedka badqabka iyo amniga ee hay’adaha caalamiga ah, NGO-yada iyo kuwa maxalliga ah, iyadoo lagu falanqeeyey habka ay hay’adaha dowladda ee ay khusayso uga qayb qaadanayaan hirgelinta nidaamkan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la helo nidaam mideysan oo lagu xoojinayo badqabka iyo amniga hay’adaha ka hawlgala deegaannada Dowladda, si loo xaqiijiyo jawi ammaan ah oo ay ku shaqeeyaan hay’adaha iyo shaqaalahooda.
Shirka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda u dhexeysa hay’adaha dowladda, hay’adaha caalamiga ah, NGO-yada iyo kuwa maxalliga ah, si loo horumariyo nidaamka amniga iyo badqabka.
Ka qaybgalayaasha ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay dardargelinta diyaarinta iyo hirgelinta qaab-dhismeedkan, kaas oo gacan ka geysanaya hagaajinta isku-xirka iyo wada shaqaynta dhinacyada ay khusayso.
Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ay ku xoojinayso nidaamka amniga, badqabka iyo isku-duwidda hawlaha hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada iyo horumarinta.
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha
Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya
FARIIN WACYIGELIN OO KU SOCOTA BULSHADA WAQOOYI BARI
Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari, iyadoo kaashanaysa Xafiiska SEMA Laanta Waqooyi Bari Soomaaliya, waxay bulshada Waqooyi Bari xusuusinaysaa khatarta ka dhalan karta walxaha qarxa ee haraadiga dagaalladii 2023, kuwaas oo weli khatar ku ah nolosha shacabka, gaar ahaan carruurta, xoolo-dhaqatada iyo dadka ku nool deegaanada miyiga ah.
Dhacdadii murugada lahayd ee ka dhacday Gaal-kudhal, oo ku dhow Laascaanood, waxay mar kale muujisay halista ay leeyihiin walxahan qarxa ee weli ku jira goobaha ay colaaduhu saameeyeen.
Sidaas darteed, dhammaan bulshada Waqooyi Bari waxaa looga digayaa:
- In aan la taaban, la qaadin ama la dhaqaajin wax kasta oo looga shakiyo inuu yahay walax qarax ah.
- In carruurta laga wacyigeliyo khatarta walxaha qarxa.
- In laga fogaado goob kasta oo laga helo walax shaki leh.
- In si degdeg ah loogu soo wargeliyo Xafiiska Ka Hortagga Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa.
Haddii aad aragto miino ama walax qarax ah, ha u dhawaan, hana isku dayin inaad wax ka qabato.
La xiriir Xafiiska Ka Hortagga Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa:
📞 +252 63 4604088
Badbaadada bulshada Waqooyi Bari waa masuuliyad wadajir ah. Feejignaantaada iyo wacyigaagu waxay badbaadin karaan naf iyo nolol.
Ka digtoonow — Ka fogaaw — Soo wargeli.
09/07/2026

— DHAMMAAD —
07/07/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Maxamuud Xuseen Jibril (Caateeye), ayaa maanta oo Talaado ah, 7 July 2026, magaalada Muqdisho kaga qayb galay aqoon-is-weydaarsiga Iswaafajinta Arrimaha Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara (3S Alignment Workshop), oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa isu keenay hay’adaha dowladda federaalka ah, saaxiibbada caalamka iyo daneeyayaasha muhiimka ah, iyadoo ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga, iswaafajinta mudnaanta qaranka iyo kor u qaadidda wada-shaqeynta ku aaddan amniga, xasilinta iyo hirgelinta xalal waara oo Soomaaliya ka hanaqaada.
Kulankan oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa ah fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan, horumarinta qorsheynta wadajirka ah iyo dejinta hannaan istiraatiiji ah oo mideysan, si loo dardargeliyo dadaallada lagu xoojinayo xasiloonida iyo dib-u-soo-kabashada dalka.
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha
Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya
02/07/2026
WACYI GELIN BULSHO
Wasaaradda Amniga Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, iyadoo ka duulaysa waajibaadkeeda ilaalinta amniga iyo nabadgelyada shacabka, isla markaana la tashatay masuuliyiinta hoteellada iyo saloonnada, islamarkaana tixgelinaysa cabashooyinka bulshada ee ku saabsan wakhtiyada daaha ee aroosyada, waxay go’aamisay qodobadan soo socda:
Aroosku waa dhaqan iyo farxad bulsho, balse waa in lagu qabtaa si nidaamsan oo aan wax u dhimayn amniga iyo xasilloonida bulshada.
Go’aamada la gaaray:
- Goobaha meheradaha (saloonnada) waa in lagu soo gabagabeeyaa ugu dambayn 09:00 fiidnimo (9:00 PM)
- Xafladaha ka dhaca hoteellada waa in lagu soo xiraa ugu dambayn 01:00 habeenimo (1:00 AM)
Waxaa mamnuuc ah in xafladaha aroosyadu sii socdaan wixii ka dambeeya wakhtiyada kor ku xusan.
Go’aankan wuxuu salka ku hayaa ilaalinta amniga guud, yaraynta buuqa iyo cabashada bulshada, iyo xoojinta nidaamka iyo kala dambeynta.
Fariin ku socota bulshada iyo ganacsatada (hoteellada iyo saloonnada):
Fadlan u hoggaansama go’aamadan si loo ilaaliyo amniga guud. Iskaashigiinnu waa laf-dhabarta nabadgelyada iyo kala dambeynta bulshada.
Cid kasta oo jebisa go’aamadan waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin waafaqsan xeerarka iyo nidaamyada dalka.
Wadajir ayaynu ku ilaalin karnaa amnigeenna.
Wabillaahi Towfiiq.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Waqooyi Bari Maxamuud Xuseen Jibriil oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahiyay amar cusub oo mamnuucaya in cid aan ka tirsanayn ciidamada amniga ay hub ku dhex qaadataan magaalooyinka waaweyn ee Waqooyi Bari Soomaaliya.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Laascaanood
252