18/08/2025
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari , Marwo Farduus Ibrahim Ali Shire ayaa maanta daahfurtay tababarka macaliinta ka hawl gala dugsiyada hoose dhexe ee dawliga ah ee Waqooyi Bari .
Tababarkan ayaa waxa wada fulinaya Hayadda Alight iyo Wasaaradda Waxbarashada ee dawlad goboleedka Waqooyi Bari
Tababarkan oo socon doona muddo 2 sano ah xiliyada fasaxa waxaa ka faaidaysanaya 122 macalin oo 61 ay dumar yihiin.
Tababarkan ayaa looga gol leeyahay in kor loogu qaado xirfadda iyo tayada macalimiinta ka hawl gala dugsiyada.
15/08/2025
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Waqooyi Bari ayaa Tababar u soo xidhey 201 Macallin kuwaa oo ah Macallimiintii dawlada Federaalka ee Mushahaariga ahaa loogu talagalqy inay ka howl galaan deegaanada Waqooyi Bari .
Tababarkan ayaa socdey muddo 60 Maalmood waxaana Qabatay Tababarkan Dawlada Federaalka .
Macllimiintan ayaa lagula qorey inay ka howl galan dugsiyada waxbarshada ee ka baxsan Laascaanood
Kuwaa oo qaarkood xidhnaa , qaarna macallimiin yari ay ka jirtay .
Fiiro Gaara:
Macallimiinta ayaa la doorransiiyey deegaanka uu ka noqon karo Bare isla markaana waxaa la geliyey nidaamka GPS ee Wasaaradda Waxbarashada DFS .
15/08/2025
Waxaa Dhawaan La Shaacin Doonaa Natiijada Imtixaanka Fasalka 8aad ee Sanad Dugsiyeedka 2024/2025.
Guul Baan u Rajaynaynaa Dhammaan Ardayda.
15/08/2025
Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarshada Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kaga qayb galay kulan lagaga doodayay laguna ansixinayay Hagaha Waxbarashada Nabadda Soomaliya.
Kulanka oo ay si wadajir ah usoo agaasimeen Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Tacliinta Sare Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta (MOIFAR) waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka kala socday Dowlad-Goboleedyada, qaar kamida Jaamacadaha madaxbanaan ee dalka, culimada, ururrada bulshada, iyo bah-wadaagta horumarinta waxbarashada.
Doodo koxeedyo iyo bandhigyo mirodhal ahaa kadib waxaa lagu ansixiyay Hagaha Waxbarashada Nabadda Soomaaliya.
Arrintaan ayaa qeyb ka ah dedaallada loogu jiro sidii loo helilahaa Manhaj Waxbarasho oo door wayn ku leh Nabadda iyo xasilloonida dalka.
31/07/2025
Wasaaradda Waxbarashadu waxay shaacinaysaa liiska codsadayaasha soo buuxiyay shuruudaha Deeqdii Waxbarashada ee Waddanka Aljeeriya ugu deeqaday Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo .
27/07/2025
Wasaaradda Waxbrashada , Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee SSC-Khaatumo ayaa ka hirgelisey Goobo Waxbarasho deegaamada Banyaal iyo Widh Widh .
Goobahan ayaa isugu jira dhismeyaalka kooban Fasallo cusub , Qeybo Xadaanada Caruurta, Qalabeyn iwm.
Wasiirka Wasaaradda Waxbrashada , Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee SSC-Khaatumo Mud.C/Xakiim Jaamac Dalmar oo ay weheliyaan Wasiirka Dhalinyarda iyo Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha , Mud.Jaamac Maxamed Mursal, Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Marwo Farduus Qaran Bila Gudoomiyaha degmada Widh Widh ayaa Daah furey Mashruuca GPE kaas oo lagu horumarinayo goobaha Waxbarashada laga hirgelinayo deegaano kala duwan oo ku yaalla SSC-Khaatumo .
Mashuurcan ayaa ka taageertay Wasaaradda Waxbarashada Hay’adda Alight Xafiiskeeda SSCKH.
27/07/2025
Wasaaradda Waxbarashada ee Dawlad goboleedka SSC-Khatumo ayaa ka daahfurtey maagalada Buuhoodle tababar loo qabanayo Maamulayaasha iyo maamule kuxigeenada dugsiyada hoose dhexe ee Gobolka Cayn.
Tababarkan ayaa looga gol leeyahay kor u qaadida xirfadda hogaamineed iyo hanaanka wanaagsan ee maamulka iyo maaraynta maaliyadda.
Waxaana ka gacan ka geysanaya Hay'adda Alight.
24/07/2025
Ujeedo: Dib-u-Shaacinta Deeqdii Waxbarasho ee Macallinnimada ahayd.*
..................................................................................
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare SSC-Khaatumo, iyadoo ka duuleysa baahida Macallinnimo ee ka jirta Tuulooyinka iyo Degmooyinka SSC-khatumo, waxay mar labaad shaacinaysaa Deeqdii Waxbarasho ee gudaha ahayd taas oo loogu talagalay 64 Macallin oo baran doona kulliyadda Waxbarashada qaybta Macallinnimada taas oo ay ku qaadan doonaan Shahaadada Diploma-da mudo laba Sano ah.
Markan, soo codsashada waxaa si gaar ah loogu talagalay Ardayda kasoo jeeda Tuulooyinka iyo Degmooyinka ka baxsan Laascaanood iyo Buuhoodle.
*Shuruudaha Codsadaha laga rabo:*
1) In uu soo gudbiyo Shahaadada Dugsiga Sare oo ka soo bilaabanaysa 2020 illaa 2024. Haddii uusan Shahaadada haysan, waa in uu keenaa caddeyn kale oo muujinaysa in uu Dugsiga Sare dhameeyay.
2) In uu keeno warqad cadeynaysa Deegaanka uu ka soo codsaday oo ay ku saxiixan yihiin Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada iyo Maamulaha Dugsiga H /Dhexe ee Deegaankaas.
3) Inuu ka shaqayn doono meel kasta oo looga baahdo marka uu dhameeyo Waxbarashada.
Soo gudbinta Araajidu waxay ku egtahay 30, July, 2025, 4:00pm.
Ugu danbayn, Waxaan rajeynaynaa in Bulshadu si buuxda uga faa’iideysan doonaan fursaddan muhiimka ah.
*ALLAAH MAHAD LEH*
*Abdikadir Abdirahman Mohamed.*
Agaasimaha Xafiiska Tacliinta Sare ee
Wasaaradda Waxbarashada, Hidda iyo Tacliinta Sare.
*[email protected]*
23/07/2025
Wasaaradda Waxbrashada , Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee SSC-Khaatumo ayaa ka hirgelisey Goobo Waxbarasho deegaamada Taleex ,Boocame, Buurawadal, iyo Tukaraq .
Goobahan ayaa isugu jira dhismeyaalka kooban Fasallo cusub , Qeybo Xadaanada Caruurta, Qalabeyn iwm.
Wasiirka Wasaaradda Waxbrashada , Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee SSC-Khaatumo Mud.C/Xakiim Jaamac Dalmar oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Xildhibaanada deegaan dooraahadoodu tahay deegaanadaa ayaa Daah furey Mashruuca GPE kaas oo lagu horumarinayo goobaha Waxbarashada laga hirgelinayo deegaano kala duwan oo ku yaalla SSC-Khaatumo .
Mashuurcan ayaa ka taageertay Wasaaradda Waxbarashada Hay’adda Alight Xafiiskeeda SSCKH.
22/07/2025
Wasaaradda Waxbarashada , Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee SSC-Khaatumo waxay shaacinaysaa 10 Boos oo Deeq Waxbarasho ah.
Lifaaqa hoose ka eeg Faah faahinta shuruudaha iwm.
16/07/2025
Wasaaradda Waxbarashadu waxay shaacinaysaa Deeq Daxbarasho oo Gudaha ah taaso loogu talagalay 64 Macallin oo lagu barayo kulliyadda Waxbarashada gaar ahaa Macallinimada muddo 2 sano ah laguna qaadanayo Shahaadada Diplom-da.
Waxaa la keenayaa Dukumiintiga Xafiiska Tacliinta Sare ee Wasaaradda ama waxaa lagusoo dirayaa link-ga gmail-ka hoos ka muuqda:
[email protected]