25/10/2026
GOLAHA WAKIILLADA OO AKHRINTII 2-AAD KU SAMEEYAY HINDISE SHARCIYEEDKA NOOTAAYOOYINKA DADWEYNAHA.
Laascaanood, 25 October 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ay wehliso guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Marwo Amran Axmed Xasan ayaa shir guddoomiyay Kal-fadhiga 3-aad, fadhigiisa 5-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda WBS.
Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray (44) mudane.
Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta golaha Wakiillada ayaa golaha uga warbixiyay qodobada ay ku soo dareen iyo kuwa ay wax ka badelka iyo kaabista ku sameeyeen.
Intaa kadib, xubnaha golaha Wakiillada ayaa guda galay doodda sharciga ah ee ku saabsan hindisahan, waxa ayna soo bandhigeen aragtiyaha iyo soojeedinta ay u arkaan in guddigu qiimeeyo kuna soo daro warbixinta akhriska xiga.
Ugu dambeyn, fadhiga maanta waxaa soo xidhay guddoomiyaha golaha Wakiillada, waxa uuna uga mahadceliyay xubnaha soo xaadiray fadhiga maanta sida wanaagsan oo ay u guteen waajibaadkii loo igmaday, waxa uuna xusay in qodobadda doodda xubnaha lagu soo dari doonno warbixinta akhriska xiga.
Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Dadweynaha Golaha Wakiillada Dawladda WBS.