Wasaaradda Arimaha Bulshada Maamulka SSC-Khaatumo

Wasaaradda Arimaha Bulshada Maamulka SSC-Khaatumo

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wasaaradda Arimaha Bulshada Maamulka SSC-Khaatumo, Government Official, Laascaanood.

Photos from Wasaaradda Arimaha Bulshada Maamulka SSC-Khaatumo's post 25/08/2024

Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Dr. Mohamed Abdi ismail oo uu Weheliyo Wasiirka Caafimaadka SSC-Khaatumo Dr. Yuusuf Sancad Ayaa Booqday Cisbitaalka Degmada Kalabaydh ee Gobolka Sool.

Hoggaamiye ku xigeenka iyo Wasiirka waxaa Cisbitaalka kusoo Dhoweeyey Maamulka Cisbitaalka, Howl wadeenada iyo Shaqaalaha Cisbitaalka, Waxaana ay masuuliyiintu uga Mahadnaqeen soo dhoweynta loo sameeyey.

Dhanka kale Wasiirka ayaa xusay Halgankii Naf Hurnimada ahaa ee intii Halganku Socday ay Qabteen Shaqaalaha Cisbitaalka Kalabaydh, Iyagoo Gaadhsiiyey gargaar caafimaad Naftood Hurayaashii Deegaankooda ka difaacay Cadowga.

-DHAMMAAD-

Photos from Wasaaradda Arimaha Bulshada Maamulka SSC-Khaatumo's post 31/07/2024

Laascaanood 31, July, 2024:-Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali ayaa qabtay Munaasibad xil Wareejin taas oo ay xilalka kula kala Wareegayeen Wasiirada Cusub ee kala ah wasaaaradaha Tamarta iyo Biyaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha , Haweenka iyo Xuquuqul insaanka, Warfaafinta Teknoolajiyadda iyo isgaadhsiinta.

Wasiirka Caafimaadka SSC-Khaatumo Dr.Yuusuf Sancad oo horey u hayay Saddex kamid ah Wasaaradahan ayaa Xilka ku wareejiyey Wasiirada Cusub ee kala ah Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xil Cali Warsame Cismaan, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dr. Jaamac Maxamed Mursal iyo Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Suhuur Faysal Barre.

-DHAMMAAD-

27/07/2024

Muuqaal Warbixin ah qaabkii uu usoo xidhmay Ololaha Tallaalka Dabayshu.

Photos from Wasaaradda Arimaha Bulshada Maamulka SSC-Khaatumo's post 27/07/2024

Laascaanood 27, July, 2024:- Wasiirka Caafimaadka SSC-Khaatumo oo Kulan Mahad Celin ah Isugu Yeedhay Howl wadeenadii Iyo Shaqaalihii Fuliyey Olilihii Tallaalka Dabaysha.

Wasiirka Caafimaadka SSC-Khaatumo Dr. Yuusuf Sancad oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Arimaha Bulshada, Agaasimaha Caafimaadka iyo Sidoo Kale qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada Wasaaradda caafimaadka ayaa kulan mahad celin Ah u qabtay qaybihii kala duwanaa ee fuliyey olilihii Tallaalka Dabaysha ee qabsoomay 21 July ilaa 25 July 2024.

Dhanka Kale waxaa iyana Kulanka loogu mahad Celiyey WHO, UNICEF iyo sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka ee Heer Federal oo qayb ka ahaa Inuu Tallaalkani ka qabsoomo Deegaanada SSC-Khaatumo.

Ugu dambayntii Wasiirka oo madasha ka hadlay Ayaa xusay inuu Tallaalku ka fulay dhamaan Deegaanada SSC-Khaatumo, isagoo gaadhay Tallaalku Targetkii Loogu tala galay, Isla markaana Caruurtii loogu tala galay inay ka Faaideystaana in ka badan ay ka faaideysatay, Iyadoo la Tallaalay Caruur da'doodu ay ka yar tahay 5 sano kuwaas oo Tiradoodu ay kor udhaafayso 155,000.

-DHAMMAAD-

Photos from Wasaaradda Arimaha Bulshada Maamulka SSC-Khaatumo's post 25/07/2024

Laascaanood 25 July 2024:-Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo iyo Wasiirka Caafimaadka oo Dhagax dhigay Balaadhinta
Qaybo Cusub oo lagu Kordhinayo Cisbitaalka
Weyn ee Magaalada Laascaanood.

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Aw Cali oo uu weheliyo Wasiirka Caafimaadka SSC-Khaatumo Dr.Yusuf Sancad Ayaa dhagax dhigay Mashruuca Balaadhinta Qaybaha Cusub ee lagu kordhinayo Cisbitaalka Weyn Ee Magaalada Laascaanood.

Wasiirka Caafimaadka SSC-Khaatumo Dr.Yuusuf Sancad oo ka warbixiyey Qorshahan Ayaa sheegay In uu ka mid yahay qorsheyaasha Horumarineed Ee loogu talagalay Soomaaliya,Waxaana sidii uu u Fuli lahaa Iska Kaashaday Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka SSC-Khaatumo, Iyadoo
Ay Maalgelinayaan Wadamada Norway iyo Switzerland.

Qaybaha cusub ee lagu kordhinayo Dhakhtarka Weyn waxaa kamid Noqon doonaa Qaybta ICU'ga Iyadoo guud ahaan dayactir lagu samaynayo Cisbitaalka oo dhan.

-DHAMMAAD-

Photos from Wasaaradda Arimaha Bulshada Maamulka SSC-Khaatumo's post 24/07/2024

Laascaanood 24,July,2024:- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka SSC-Khaatumo Dr. Yuusuf Sancad Ayaa Maanta Kormeer iyo Indha Indhayn Ku Tegay Dhammaan Xarumaha Hooyada Iyo Dhallaanka (MCHS) ee Magaalada Laascaanood Sida Central MCH, Farxaskulle, Saamalay, Sayidka ,Cali Barre Iyo Teamka MCH ka Shacabka, kuwaas oo uu ka Socday Tallaalka Dabaysha oo Maanta soo gaba gaboobay.

Kormeerka uu Wasiirku ku tegay Goobaha Shaqadu ka Socotay ayay warbixin ka siiyeen Shaqaalihii Goobaha joogay sida uu socdo Ololaha Tallaalka Dabaysha, sidoo kale waxay Sheegeen inay Shaqadu si wanaagsan ugu socoto Dhammaan Xarumaha uu wasiirku booqday.

-DHAMMAAD-

Photos from Wasaaradda Arimaha Bulshada Maamulka SSC-Khaatumo's post 21/07/2024

Buuhoodle 21, July, 2024:- Agaasimaha Guud ee Arimaha Bulshada SSC-Khatumo Cadceed Caddeysay ayaa Maanta ka Daahfuray Gobolka Cayn Tallaalka Cudurka Dabaysha.

Photos from Wasaaradda Arimaha Bulshada Maamulka SSC-Khaatumo's post 21/07/2024

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo maanta Daahfuray Tallaalka Dabaysha.

Laascaanood 21, July, 2024:- Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-cali oo uu weheliyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka SSC-Khaatumo Dr.Yuusuf Saleebaan Sancad ayaa daahfuray Tallaalka Dabaysha oo Maanta si rasmi ah looga daahfuray deegaanada SSC-Khaatumo.

Wasaaradda Caafimaadka SSC-Khaarumo ayaa Talaalkan ka fulinaysa Dhamaan deegaanada SSC-Khaatumo, iyadoo talaalaysa Caruur ka badan 139,728 Waxaana ka howl gelaya Shaqaale Gaadhaya 1800.

-DHAMMAAD-

20/07/2024

Laascaanood 20, July,2024:-Wasaaradda Caafimaadka SSC-Khaatumo ayaa Maanta u kala dirtey Howl wadeenada iyo Kooxaha Caafimaad ee Talaalka ka fulinaya Deegaanada SSC-Khatumo.

Photos from Wasaaradda Arimaha Bulshada Maamulka SSC-Khaatumo's post 29/06/2024

Muqdisho, 29, Juun 2024:- Wasiirka Caafimaadka SSC-Khaatumo Dr.Yusuf Saleebaan Sancad Ayaa Maanta Ka qayb galay Shirka Tallaalka, Cidhibtirka Cudurka Dabaysha iyo madasha Badbaadinta Caruurta Soomaaliyeed oo uu Daahfuray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray Muhiimadda uu leeyahay Tallaalku, iyo in la cidhibtiro cudurka Halista ah ee Dabaysha si loo hubiyo in Caruurta Soomaaliyeed ay helaan Daryeel Caafimaad oo Tayo leh.

-DHAMMAAD-

Photos from Wasaaradda Arimaha Bulshada Maamulka SSC-Khaatumo's post 24/06/2024

BUUHOODLE 24 JUNE 2024:-
-------------------------------------------------
Wasiirka Caafimaadka SSC-Khaatumo Dr.Yusuf Sancad ayaa maanta kulan la qaatay Masuuliyiinta Xarumaha Caafimaadka Magaalada Buuhoodle.

Kulanka waxaa Wasiirka Caafimaadka Kala qayb galay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha dhexe ee SSC-Khaatumo.

Ujeedka Kulanka uu la qaatay Wasiirku ayaa Daarnaa isku xidhka Xarumaha Caafimaadka Buuhoodle iyo Wasaaradda Caafimaadka SSC-Khaatumo, iyo sidoo kale qaabkii ay wada Shaqayn Toosa ula yeelan Lahaayeen Wasaaradda Caafimaadka SSC-Khaatumo.

Sidoo kale Waxaa kulanka looga wada hadlay Tayaynta iyo qalabaynta Xarumaha Caafimaadka, Si loo helo adeeg caafimaad oo dhamaystiran.

Ugu dambayntii Masuuliyiinta Xarumaha Caafimaadka ayaa Shahaado sharaf ay ugu tala galeen, waxay ku maamuuseen wasiirka Caafimaadka SSC-Khaatumo.

-DHAMMAAD-

Photos from Wasaaradda Arimaha Bulshada Maamulka SSC-Khaatumo's post 23/06/2024

Wasiirka Caafimaadka SSC-Khaatumo Dr.Yuusuf Saleebaan Sancad Ayaa Maanta Booqday Cisbitaalka Weyn ee magaalada Buuhoodle.

Wasiirka waxaa Cisbitaalka Kusoo Dhoweeyey Agaasimaha Cisbitaalka, waxaana uu Agaasimuhu Warbixin Ka siiyey Wasiirka Adeegyada Caafimaad Ee uu Cisbitaalku bixiyo.

Dhan ka kale Wasiirka ayaa sidoo kale booqday Qaar ka mid ah MCH yada ku yaala magaalada Buuhoodle.

Booqashada uu Wasiirku ku sameeyey Xarumaha Caafimaadka ayaa daarnayd u kuur galidda Baahiyaha Caafimaad iyo sidii ay Wasaaradda Caafimaadku u dabooli lahayd Baahiyaheeda Caafimaadka Hadba intii ay Awoodi karto.

-DHAMMAAD-

Want your business to be the top-listed Government Service in Laascaanood?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Laascaanood