17/09/2025
Muqdisho - 17 September 2025
Agaasimaha Guud Wasaaradda Ganacsiga oo ay wehelayaan agasimayaasha maamul Goboleedada Wasaaradda Ganacsiga ayaa la kulmay wasiirka Wasaaradda Ganacsiga oo ka wadahadlay in la dardar galiyo mashaariicda World Bank ka taageeraan Wasaaradda.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray:
Dardargelinta iyo isku-duwidda mashaariicda horumarineed ee uu taageerto Bangiga Adduunka (World Bank).
Xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa heer federaal iyo maamul goboleed si loo hubiyo in mashaariicdaas ay gaaraan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe (MSMEs).
Ka shaqeynta in la helo hannaan mideysan oo lagu hirgeliyo mashaariicda, lana hubiyo la xisaabtanka, hufnaanta iyo wax-ku-oolnimada taageerada caalamiga ah.
Agaasimaha Guud ayaa muujisay sida ay uga goโan tahay in la hirgeliyo mashaariicda si caddaalad iyo hufnaan leh, ayna sii wadi doonaan wada shaqeynta dhow ee ay la leeyihiin Wasaaradda heer federaal.
16/09/2025
Shirka 2-aad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka, oo galay maalintiisa labaad, ayaa maanta lagu soo bandhigay dood-cilmiyeedyo iyo aqoon-wadaag ku saabsan arrimaha la xiriira tayada ganacsiga dalka soo gala iyo badeecadaha gudaha lagu soo saaro.
โAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Maalgashiga dowladd goboleedka Waqooyi Bari Marwo Hoodo Mohamed Ibrahim ayaa oga mahadcelisay soo agaasinka hay'adda shirka 2aad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka ayadoo ku tilmaantay talaabo istiraatiji ah oo waxtar u leh mustaqbalka ganacsiga iyo warshadaha dalka.โ
15/09/2025
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha & Maalgashiga Waqooyi Bari oo ka qayb gashay Shirka 2aad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka
๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ_ ๐๐ ๐๐๐ฉ๐ญ๐๐ฆ๐๐๐ซ ๐๐๐๐
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Maalgashiga ee Waqooyi Bari, ๐๐จ๐จ๐๐จ ๐ฆ๐๐ก๐๐ฆ๐๐ ๐ข๐๐ซ๐๐๐ก๐ข๐ฆ ayaa ka qayb gashay Shirweynaha 2aad qaranka ee Kaabayaasha Tayada (๐๐๐ญ๐ข๐จ๐ง๐๐ฅ ๐๐ฎ๐๐ฅ๐ข๐ญ๐ฒ ๐๐ง๐๐ซ๐๐ฌ๐ญ๐ซ๐ฎ๐๐ญ๐ฎ๐ซ๐ ๐๐จ๐ง๐๐๐ซ๐๐ง๐๐ ) , oo ay so agaasintay Hay'adda Tayo-dhawrka Qaranka ( Somali bureau of standards) .
Shirkan waxaa daahfurey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha DFS Xil Maxamuud Axmed Adan Geesood,shirkan oo lagu falanqeeyay muhiimadda tayada kaabayaasha iyo horumarinta nidaamka tayada ee dalka, ayaa waxa uu fursad u siiyay masโuuliyiinta iyo khubarada ka soo qeyb galay inay iskula xaajoodaan xoojinta iyo horumarinta adeegyada tayada ee muhiimka u ah dalka .
06/09/2025
Lascanood ;- 6 /9/2025
UJEEDDO: Shaqo ka joojin Shirkadda Shire Const & Maankaab Const
Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha & Maalgashiga DG. Waqooyi Bari iyadoo ilaalinaysa Dastuurka & xeerka Liisamadda Ganacsiga Dawladda Waqooyi Bari waxay shaqo joojin ku sameysay Shirkaddaha Shire Const & Maankaaba Const, kuwaas oo hogaansami waayay awaamirta wasaaradda Ganacsiga .
27/08/2025
๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ :- ๐๐/๐/๐๐๐๐
Agaasimaha xidhiidhka Arimaha bulshada iyo warbaahinta WGWM ๐๐๐๐ฆ๐๐ ๐ฆ๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐ ๐ข๐๐ซ๐๐ก๐ข๐ฆ ayaa kaqayb galay Kulan wadatashi ah oo seddex maalmood socday kaas oo lagu dhisay Midowga ganacsiyada yar iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya ku matali doona Ururka Bulshada Afrika ee EAC.
Kulanka waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha JFS.
29/07/2025
๐๐ฎ๐ฎ๐๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐ป๐ผ๐ผ๐ฑ ; ๐ฎ๐ต/๐ณ/๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฑ
Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga warshadaha iyo Maalgashiga SSC-Khaatumo ๐๐จ๐จ๐๐จ ๐ฆ๐๐ก๐๐ฆ๐๐ ๐ข๐๐ซ๐๐๐ก๐ข๐ฆ oo uu weheliyo agaasimaha Waaxda xidhiidhka Arimaha bulshada iyo warbaahinta jaamac mohamed ibrahim ayaa soo xidhay tababar mudo saddex casho ah socday kaas oo ay iska kaashadeen wasaaradda ganacsiga iyo haayada Alight .
Tababarka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa fursadaha shaqo-abuurka, horumarinta ganacsiyada yaryar, iyo taageerada dadka nugul .
Tababarka ayaa waxaa kafaa iidaystay 50 ganacsato yaryar ah oo haayada Alight Maalgalin usamaynayso .
Wasaaraddu waxay soo dhawaysay dedaallada haayadda Alight ee ku aaddan kobcinta dhaqaalaha bulshada iyadoo loo marayo barnaamijyo waxtar leh oo si toos ah uga jawaabaya baahiyaha dhabta ah .
07/07/2025
๐๐๐๐ฌ๐๐๐๐ง๐จ๐จ๐; ๐/๐/๐๐๐๐
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha Iyo Maalgashiga SSC-Khaatumo Mudane ๐๐ข๐ฅ , ๐๐๐๐ก๐ข๐ซ ๐๐๐๐๐ข๐ซ๐ข๐ฌ๐๐๐ช ๐๐ฑ๐ฆ๐๐ ayaa daahfurey shirkadda is gaadhsiinta Amtel .
"Shirkaddan cusub waxay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay cagta saartay jidkii horumarka iyo casriyeynta adeegyada isgaarsiinta. Waxaan uga mahadcelinayaa ganacsatada SSC-Khaatumo dadaalka ay u galeen in ay hirgeliyaan shirkad tayo sare leh oo adeegyo casri ah soo kordhin doonta.โ
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
_________________
โ๐ซ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ถ๐๐ธ๐ฎ ๐ช๐ฎ๐ฟ๐ณ๐ฎ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ซ๐ถ๐ฑ๐ต๐ถ๐ถ๐ฑ๐ต๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฑ๐๐ฒ๐๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ป๐ฎ๐ฐ๐๐ถ๐ด๐ฎ ๐ช๐ฎ๐ฟ๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ & ๐ ๐ฎ๐ฎ๐น๐ด๐ฎ๐๐ต๐ถ๐ด๐ฎ ๐ฆ๐ฆ๐-๐๐ต๐ฎ๐ฎ๐๐๐บ๐ผ ๐๐บ๐ฎ๐ถ๐น:๐บ๐ฐ๐ถ๐ถ@๐ธ๐ต.๐๐ผ ๐ 754850โ