15/09/2025
VP Office Northeast State
Bogga Rasmiga ah ee Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Dawlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Official page Office of the Vice President Northeast State of Somalia
15/09/2025
13/09/2025
MADAXWEYNE KUXIGEENKA DAWLADDA WAQOOYI BARI OO SHIR GUDDOOMIYEY KULAN U DHEXEEYEY HAY'ADDA SoDMA iyo DAWLADDA WAQOOYI BARI.
Laascaanood 13 Sep 2025() Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa kulan la yeeshay madaxda Hay'adda SoDMA oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha hay'adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle.
Kulanka oo lagaga hadlayey Maaraynta Masiibooyinka iyo gargaarka degdega ah waxa qayb ka ahaa Wasiiro ka tirsan xukuumadda, hawlwadeennada Hay'adda SoDMA iyo madax kale.
Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
Hadal-Jeedinta Moyorka Caasimadda Mudane Abdirixiin Ali ismail ee Munaasabadda Xilwareejinta.
Hadal-Jeedinta Madaxwayne Kuxigeenka Dawladda WaqooyiBari Mudane Abdirashiid Yusuf Jibriil Cawl ee Munaasabadda Xilwareejinta.
Hadal-jeedinta Madaxwayne Kuxigeenkii H**e Dr. H.E Mohamed Abdi Ismail - Shiine Ee Munaasibadda Xilwareejinta Xafiiska
07/09/2025
MADAXWEYNE KUXIGEENKII H**E EE DAWLADDA WAQOOYI BARI OO QAABILAY MADAXWEYNE KUXIGEENKA LA DOORTAY.
Laascaanood 07 Sep 2025() Madaxweyne kuxigeenkii h**e ee Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine ayaa kulan soo dhawayn iyo isbarasho ah kula yeeshay xafiiskiisa Madaxweyne kuxigeenka la doortay Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.
Kulanka waxa qayb ka ahaa Xubno ka tirsan xildhibaannada Golaha Wakiiladda Dawladda, Madaxda iyo Masuuliyiinta Xafiiska Madaxweyne kuxigeeenka, waxana si wada jir ah looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka bulshada, loona horumarin lahaa dawlad dhiska.
Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
12/07/2025
HOGGAAMIYE KUXIGEENKA SSC-KHATUMO OO KULAN LA QAATAY MAS'UULIYIIN DFS OO SOO GAARAY DOWLAD GOBOLEEDKA SSC-KHAATUMO
Laascaanood 12-07-2025:- Hoggaamiye kuxigeenka Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo Mud. Dr. Mohame Cabdi Ismaaciil ayaa kulan la qaatay wefti ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mud. Cabdillaahi Cali Xirsi, ayna qayb ka yihiin Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Cabdilaahi Bidhaan, iyo Madaxwaynihii h**e Mudane Maxamed Yusuf indhasheel.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha Maaraynta kala-guurka Adkaynta Nabadgelyada, iyo Shirweynaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
Email: [email protected]
11/07/2025
HOGGAAMIYE KUXIGEENKA DAWLAD-GOBOLEEDKA SSC-KHAATUMO OO KULAN LA QAATAY QAAAR KAMIDA CUUQAASHA & ODAYAASHA SSCKHATUMO
Laascaanood 11July 2025() Hoggaamiye kuxigeenka Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo Mudane Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Cuqaasha Odayaasha iyo Waxgaradka SSCKhatumo.
Intii kulanku socday Hoggaamiye kuxigeenka iyo Cuqaasha ayaa iska xogwaraystay xaaladda guud ee deegaanka, difaaca iyo xaaaladda kala guurka dooroshooyinka.
Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
Email:[email protected]
08/07/2025
HOGGAAMIYE KUXIGEENKA DAWLAD-GOBOLEEDKA SSC-KHAATUMO OO KULAN LA QAATAY CUUQAASHA GOBOKA CAYN.
Laascaanood 08July 2025() Hoggaamoye kuxigeenka Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo Mudane Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine ayaa kulan casuumad ah u sameeyey qaar ka mid ah Cuqaasha gobolka Cayn. Kulanka casuumadda ah waxa Hoggaamoye kuxigeenka ku wehelinayey mudanayaal ka tirsan golaha Baarlamaanka, Madax iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawladda.
Intii kulanku socday Hoggaamiye kuxigeenka iyo Cuqaasha ayaa iska xogwaraystay xaaladda guud ee deegaanka, difaaca iyo xaaaladda kala guurka dooroshooyinka.
Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
Email:[email protected]
30/06/2025
Hoggaamiye kuxigeenka Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo Mudane H.E Mohamed Abdi Ismail - Shiine waxa uu dhambaal hambalyo oo ku aaddan munaasibadda qaran ee 1Luulyo, 65 guurada ka soo wareegtay midnimada dalka iyo markii ay madax bannaanida heleen gobollada Koonfureed ee dalku u dirayaa shacabka Soomaaliyeed.
Hoggaamiye kuxigeenku waxa uu ku dardaaray shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka kana fogaadaan wax kasta oo keenaya kala go'a dalka iyo dadka.
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
Email:[email protected]
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Laascaanood
