Muqdisho: Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta reer Miyiga ee Waqooyi Bari Soomaaliya, Wasiir Cabdikariin Maxamuud Cabdi ayaa ka qaybgalay Doorashada Ururka Dhalinyarada Beeralayda Soomaaliyeed oo ka qabsoontay Hallka Jaamacadda Ummadda.
Wasiir Cabdikariim oo ku hadlay afka Wasiirada dowlad goboleedyada, ayaa amaanay dhalinyarada beeralayda Soomaaliyeed sida hufan ee u muujiyeen aragtidooda iyo sida dimuqraadiyadda ah ee ay u doorteen hoggaankooda.
Wasiirka ayaa u mahadceliyey Madaxda Wasaaradda Beeraha DFS ee ugu horreeyo Mudane Maareeye, Wasiirrada Heer Federal, Agaasimayaasha iyo Madaxda kale ee Madashan kasoo qaybgashay.
________
DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta reer Miyida DWBS
Wasaaradda Beeraha,waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga D.G Waqooyi-Bari So
Official Page Ministry of agriculture IRRIGATION AND Rural Development Northeastern state of Somalia �
06/05/2026
Laascanood 06-05-2026:- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta reer Miyiga Mudane Mohamed Abdilaahi Afi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed Hussan Duale ayaa Madaxtooyadda kaga qayb galay shirka dardargalinta dakhliga gudaha Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.
Shirka oo uu shirgudoominayey ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayna kasoo qayb galeen Guddoomiyaha Maxkmadda sare, Wasiirada iyo agaasimayaasha Wasaaradaha xubnaha ka ah illaha dakhliga, Taliyaha Booliska, Duqa Caasimadda iyo xubno kale oo ka socda labada heer dawladeed.
ayaa diirada Lagu saaray:-
1. Dib u-eegista dakhliga gudaha ee Dawladda iyo aqoonsiga caqabadaha jira.
2. Xoojinta isku-xidhka iyo wada-shaqaynta hay'adaha dakhliga dawladda
3. Dardergelinta qorshaha midaysan ee dakhliga dawladda
5. Hirgelinta hanaan daahfuran oo si joogta ah loogula xisaabtamayo hay’adaha ilaha dakhliga.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa faray masuuliyiinta kala duwan dardergelinta waajibaadka saaran iyo kor u qaadista tayada shaqada ay u hayaan shacabka, isagoo sidoo kale kula dardaarmay in ay masuuliyaddooda u gutaan si ay ku jirto Alle ka cabsi iyo hufnaan.
-DHAMMAAD-
05/05/2026
HAMBALYO AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA BEERAHA.
Madaxda Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta reer Miyiga Dowladda Waqooyi Bari yo Hawl-wadeenadeeduba waxa ay hambalyo iyo soodhaweyn markale udirayaan Agaasime Mohamed Hassan Duale oo madaxweynuhu wasaaradda mar labaad u soo magacaabay.
Hambalyo Agaasime, soo dhawoow Markale.
Dhamaad.
01/05/2026
𝑯𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒐 𝑴𝒂𝒂𝒍𝒊𝒏𝒕𝒂 𝑺𝒉𝒂𝒒𝒂𝒂𝒍𝒂𝒉𝒂 𝑨𝒅𝒅𝒖𝒖𝒏𝒌𝒂
Munaasabadda 1-da May awgeed, waxaan bogaadin iyo hambalyo u dirayaa dhammaan shaqaale weynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shaqaalaha Waqooyi-Bari.
Shaqada aad u haysaan dalka waa mid qiimo weyn ugu fadhida horumarka iyo dhismaha mustaqbalka deegaankeena. Waxaad tihiin cududda dhabta ah ee uu ku taagan yahay horumarka dalkeenu.
Waxaan idiin rajaynayaa sannadkan kiisa kale guul, barwaaqo, iyo horumar joogto ah.
Guul iyo horumar dhammaan shaqaalaha!
Abdikariim Mohamoud Abdi
Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga Dawladda Waqooyi-Bari
29/04/2026
Muqdisho, Arbaco, 29 Abriil 2026
Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdikariin Maxamuud Cabdi, ayaa Booqosho ku tagay Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara halkaas oo ay kusoo dhawaysay Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara, Marwo Zahra Cabdi.
Kulankan ayaa ahaa mid lagu xoojinayo xiriirka wada-shaqeyneed ee u dhexeeya Wasaaradda iyo Xarunta, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dardargelinta horumarinta miyiga, kobcinta wax-soo-saarka iyo adeegyada assaasiga ah si loo taageero nolosha bulshada reer miyiga.
Sidoo kale, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay dhismaha adkeysiga bulshooyinka nugul, gaar ahaan kuwa ay saameeyeen isbeddelka cimilada, abaarta iyo barakaca. Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah, lana hormariyo mashaariic waara oo si toos ah u taabanaya nolosha dadka, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada ku nool deegaannada miyiga.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo in si wadajir ah loo hirgeliyo dadaallo lagu gaari karo horumar loo dhan yahay oo wax ku ool ah.
—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗—
28/04/2026
Laascaanood, 28 April 2026: Guddiga Beeraha, Horumarinta reer Miyiga, Xoolaha iyo Khayraadka Badda ee Golaha Wakiilada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta kormeer iyo booqasho ku tagay Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga Dawladda Waqooyi Bari.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Maxamed Cabdullaahi Caafi ayaa ugu horrayn Guddiga kuso dhaweeyey Wasaaradda, iyagoo ka wada hadlay hawlaha shaqo ee Wasaarada iyo sidii loo xoojin lahaa isla xisaabtanka iyo wadaqa shaqaynta guddiga iyo Wasaaradda.
Dhanka kale Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Maxamed Xassan Ducaale ayaa warbixin waafi ah ka siiyey Guddiga Shaqada baaxadda leh ee Wasaaraddu Bulshada u hayso, waxyaabaha uqabsoomay iyo Qorshayaasha soosocda.
Dhamaad.
27/04/2026
Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta reer Miyiga Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdikariin Maxamuud Cabdi ayaa booqosho ku tagay Xarunta Hay’adda TIKA, halkaas oo uu kula kulmay wakiilka Hay’adda ee Soomaaliya, Zafer Eşki.
Kulanka ayaa Waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca horumarinta beeraha.
Dhamaad.
22/04/2026
𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨: 𝟐𝟐 𝐀𝐛𝐫𝐢𝐢𝐥 𝟐𝟎𝟐𝟔
𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐫𝐚𝐡𝐚, 𝐖𝐚𝐫𝐚𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐑𝐞𝐞𝐫 𝐌𝐢𝐲𝐢𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐢,ayaa Magaalada Muqdisho kaga qayb gashay shir farsamo oo ku saabsan hannaanka Cunnada, Nafaqada iyo isbeddelka cimilada, kaas oo uu soo agaasimay 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞.
Shirkan waxaa ka soo qayb galay wakiillo ka kala socday Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada dalka.
Shirku waxa uu diiradda saaray xoojinta sugnaanta cuntada, horumarinta nafaqada, iyo ka hortagga saameynta isbeddelka cimilada iyadoo la xoojinayo wada shaqeynta heer qaran iyo heer dawlad goboleed.
𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐢𝐢𝐬𝐞 𝐂𝐚𝐰𝐞𝐞𝐫, ayaa si rasmi ah ugu metelayay Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta dowlad goboleedka Waqooyi Bari, isaga oo soo bandhigay xaaladda ka jirta deegaannadaas. Waxa uu xusay in Waqooyi Bari ay weli ka soo kabanayso duruufo adag, isla markaana ay aabaaro iyo xaaluf saameeyeen beeraha iyo xoolo-dhaqatada.
Waxa kale oo uu tilmaamay in arrimahaasi ay sababeen yaraanta cuntada iyo hoos u dhaca nafaqadeeda, gaar ahaan carruurta iyo bulshada nugul.
Ugu dambayn waxa uu ku baaqay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah iyo qorshayaal wax ku ool ah oo lagu hagaajinayo sugnaanta cuntada, wax-soo-saarka beeraha, iyo maaraynta biyaha si loo wajaho caqabadaha isbeddelka cimilada.
Dhammaad
15/04/2026
Wasaaradda Beeraha, Waraabka & Horumarinta Reer Miyiga DWBS, ayaa ka qaybgashay Tababarka Danabaynta Adeegga Dowladda.
Laascaanood, 15 April 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, M.dne Maxamed Xassan Ducaale, oo uu weheliyo Madaxa ITga , M.dne Maxamed Cabdixaafid, ayaa ka qaybgalay tababar ku saabsan horumarinta adeegyada dowladda iyo nidaamka e-Government-ka, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta & Teknolojiyadda DWBS.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo casriyeyn lahaa adeegyada dowladda, loo hirgelin lahaa nidaamyada dijitaalka ah, loona fududeyn lahaa helitaanka adeegyada dadweynaha.
--dhammaad--
13/04/2026
𝐌𝐀𝐃𝐀𝐗𝐖𝐄𝐘𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐎𝐖𝐋𝐀𝐃DA 𝐖𝐀𝐐𝐎𝐎𝐘𝐈 𝐁𝐀𝐑𝐈 𝐎𝐎 𝐊𝐎𝐑𝐌𝐄𝐄𝐑 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐎 𝐊𝐔 YIMI 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 BEERAHA, WARAABKA & HORUMARINTA REER MIYIGA WAQOOYI BARI.
𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝: 𝟏3, 𝐀𝐛𝐫𝐢𝐢𝐥, 𝟐𝟎𝟐𝟔 :- 𝖬𝖺𝖽𝖺𝗑𝗐𝖾𝗒𝗇𝖺𝗁𝖺 𝖣𝗈𝗐𝗅𝖺𝖽da 𝖶𝖺𝗊𝗈𝗈𝗒𝗂 𝖡𝖺𝗋𝗂 Soomaaliya 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐪𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐰-𝐂𝐚𝐥𝐢, 𝖺𝗒𝖺𝖺 𝖲𝖺𝖺𝗄𝖺 𝗄𝗈𝗋𝗆𝖾𝖾𝗋 𝗌𝗁𝖺𝗊𝗈 𝗄𝗎 yimid 𝖷𝖺𝗋𝗎𝗇𝗍𝖺 𝖶𝖺𝗌𝖺𝖺𝗋𝖺𝖽𝖽𝖺 Beeraha, Waraabka &Horumarinta Reer Miyiga Dawladda Waqooyi Bari, 𝗁𝖺𝗅𝗄𝖺𝖺𝗌 𝗈𝗈 𝗌𝗂 𝖽𝗂𝗂𝗋𝗋𝖺𝗇 ugu 𝗌𝗈𝗈 𝖽𝗁a𝗐𝖾𝖾𝗒een madaxda iyo shaqaalaha wasaaraddu.
𝖴𝗀𝗎 𝗁𝗈𝗋𝗋𝖺𝗒𝗇, Wasiir kuxigeenka ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Mudane Mohamed Abdilahi Aafi ayaa kalmad soo dhaweyn ka jeediyay kulanka, sidoo kale 𝖬𝖺𝖽𝖺𝗑𝗐𝖾𝗒𝗇𝖺𝗁𝖺 𝖺𝗒𝖺𝖺 𝖶𝖺𝗋𝖻𝗂𝗑𝗂𝗇 𝖿𝖺𝖺𝗁𝖿𝖺𝖺𝗁𝗌𝖺𝗇 𝗄𝖺 𝖽𝗁𝖾𝗀𝖾𝗒𝗌𝗍𝖺𝗒 A𝗀𝖺𝖺𝗌𝗂𝗆𝖺𝗁𝖺 Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed Hassan Ducaale, Warbixintaas oo ku saabsabanyd 𝖶𝖺𝗑𝗊𝖺𝖻𝖺𝖽𝗄𝗂𝗂 saddexdii bilood ee tagay, Shaqada 𝖦𝖺𝖼𝖺𝗇𝗍𝖺 𝗅𝖺𝗀𝗎 𝗁𝖺𝗒𝗈 𝗂𝗒𝗈
𝖰𝗈𝗋𝗌𝗁𝖺𝗒𝖺𝖺𝗌𝗁𝖺 𝖧𝗈𝗋𝗎𝗆𝖺𝗋𝗂𝗇𝖾𝖾𝖽 ee wasaaraddu hiigsanayso.
𝖨𝗇𝗍𝗂𝗂 𝗎𝗎 𝗌𝗈𝖼𝖽𝖺𝗒 𝗄𝗈𝗋𝗆𝖾𝖾𝗋𝗄𝗎, 𝖬𝖺𝖽𝖺𝗑𝗐𝖾𝗒𝗇𝖺𝗁𝖺 𝖺𝗒𝖺𝖺 𝖻𝗈𝗈𝗊𝖽𝖺𝗒 Xafiisyadda Wasiirka iyo Agaasimaha Guud 𝖾𝖾 𝖶𝖺𝗌𝖺𝖺𝗋𝖺𝖽𝖽𝖺, 𝗂𝗌𝖺𝗀𝗈𝗈 𝗂𝗇𝖽𝗁𝖺-𝗂𝗇𝖽𝗁𝖾𝗒𝗇 𝗄𝗎 𝗌𝖺𝗆𝖾𝖾𝗒𝖾𝗒 𝗁𝖺𝖻𝗌𝖺𝗆𝗂 𝗎 𝗌𝗈𝖼𝗈𝖽𝗄𝖺 𝗌𝗁𝖺𝗊𝖺𝖽𝖺, 𝖺𝖽𝖾𝖾𝗀𝗒𝖺𝖽𝖺 ay wasaaraddu bixiso, 𝗂𝗒𝗈 𝗑𝖺𝖺𝗅𝖺𝖽𝖽𝖺 𝗀𝗎𝗎𝖽 𝖾𝖾 𝗌𝗁𝖺𝗊𝖺𝖺𝗅𝖺𝗁𝖺.
𝖴𝗀𝗎 𝖽𝖺𝗆𝖻𝖺𝗒𝗇, 𝖬𝖺𝖽𝖺𝗑𝗐𝖾𝗒𝗇𝖺𝗁𝖺 𝖺𝗒𝖺𝖺 𝖬𝖺𝗌𝗎𝗎𝗅𝗂𝗒𝗂𝗂𝗇𝗍𝖺 𝗂𝗒𝗈 𝖲𝗁𝖺𝗊𝖺𝖺𝗅𝖺𝗁𝖺 𝖶𝖺𝗌𝖺𝖺𝗋𝖺𝖽𝖽𝖺 𝗎ga 𝗆𝖺𝗁𝖺𝖽 𝖼𝖾𝗅𝗂𝗒𝖾𝗒 hawlaha baaxadda leh ee ay 𝗐𝖺𝗌𝖺𝖺𝗋𝖺𝖽𝖽𝖺 kaqabteen i𝗌𝖺𝗀𝗈𝗈 𝗄𝗎 𝖽𝗁𝗂𝗂𝗋𝗋𝗂𝗀𝖾𝗅𝗂𝗒𝖾𝗒 𝗂𝗇𝖺𝗒 𝗅𝖺𝖻𝖺 𝗃𝗂𝖻𝖻𝖺𝖺𝗋𝖺𝖺𝗇 𝖽𝖺𝖽𝖺𝖺𝗅𝗄𝗈𝗈𝖽𝖺 𝗌𝗁𝖺𝗊𝗈, x𝗈𝗈𝗃𝗂𝗒𝖺𝖺𝗇 w𝖺𝖽𝖺-𝗌𝗁𝖺𝗊𝖾𝗒𝗇𝗍𝖺 ay la yeelanayaan hay'addaha kala duwan ee dawladda.
𝖬𝖺𝖽𝖺𝗑𝗐𝖾𝗒𝗇𝖺𝗁𝖺 𝖺𝗒𝖺𝖺 𝗌𝗂𝖽𝗈𝗈 𝗄𝖺𝗅𝖾 𝖼𝖺𝗋𝗋𝖺𝖻𝗄𝖺 𝗄𝗎 𝖺𝖽𝗄𝖾𝖾𝗒𝖾𝗒 𝗆𝗎𝗁𝗂𝗂𝗆𝖺𝖽𝖽𝖺 𝖺𝗒 𝗅𝖾𝖾𝖽𝖺𝗁𝖺𝗒 𝗁𝗈𝗋𝗎𝗆𝖺𝗋𝗂𝗇𝗍𝖺 𝖺𝖽𝖾𝖾𝗀𝗒𝖺𝖽𝖺 𝖽𝗈𝗐𝗅𝖺𝖽𝖽𝖾𝖾𝖽, 𝗄𝗈𝗋 𝗎 𝗊𝖺𝖺𝖽𝗂𝗌𝗍𝖺 𝗂𝗌𝗅𝖺 x𝗂𝗌𝖺𝖺𝖻𝗍𝖺𝗇𝗄𝖺, 𝗂𝗒𝗈 𝖿𝗎𝗅𝗂𝗇𝗍𝖺 q𝗈𝗋𝗌𝗁𝖺𝗒𝖺𝖺𝗌𝗁𝖺 𝗁𝗈𝗋𝗎𝗆𝖺𝗋𝗂𝗇𝖾𝖾𝖽 𝗌𝗂 𝗅𝗈𝗈 𝗀𝖺𝖺𝗋𝗈 y𝗈𝗈𝗅𝖺sha ay hiigsanayso 𝖣a𝗐𝗅𝖺d𝖽a 𝖶𝖺𝗊𝗈𝗈𝗒𝗂 𝖡𝖺𝗋𝗂 Soomaaliya.
________________
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha ee WBWHR Waqooyi Bari.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga Dawladda Waqooyi Bari oo ka qaybgalay Munaasabadda soo dhoweynta markabka casriga ah ee qodista shidaalka ee Çağrı Bey, kaasi oo si rasmi ah u billaabaya howlaha sahminta iyo qodista shidaalka Soomaaliya.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Laascaanood
00000
