11/06/2026
Laascaanood, 11/06/2026
Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Dawladda Hoose ee Degmada Laascaanood, Mudane Deeq Cabdi Warsame, ayaa shir-guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee Guddiyada Fulinta Waaxaha Caasimadda Laascaanood.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha horumarinta bulshada iyo bilicda magaalada, iyadoo si gaar ah looga dooday qodobbo muhiim u ah nolosha iyo caafimaadka shacabka.
Ajandayaasha kulanka waxaa ka mid ahaa:
Iftiiminta magaalada iyo kor u qaadista nalaynta wajahadaha guryaha iyo goobaha muhiimka ah.
Cagaarinta magaalada iyo xoojinta ololayaasha dhir-beerista.
Banaynta waddooyinka xiran si loo fududeeyo isu-socodka gaadiidka iyo dadka.
Wacyigelinta bulshada ee ka hortagga cudurka Dengue Fever ee ay faafiso kaneecadu, iyadoo xoogga la saarayo nadaafadda deegaanka iyo ciribtirka goobaha ay kaneecadu ku tarmo.
Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada, Mudane Deeq Cabdi Warsame, ayaa xubnaha guddiyada ku adkeeyey inay si dhow ula shaqeeyaan bulshada, isla markaana ay ka qayb qaataan hirgelinta qorshayaasha lagu horumarinayo bilicda, caafimaadka iyo nabadgelyada magaalada Laascaanood.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku aaddan in si wadajir ah loo fuliyo qodobadii lagu heshiiyey, si loo xaqiijiyo magaalo nadiif ah, cagaaran, iftiin leh, kana badbaadsan cudurrada ka dhasha wasakhowga deegaanka.
— Dhammaad —

14/01/2026
12/01/2026
03/09/2025
07/07/2025