Vice President Office North-Eastern State of Somalia

Vice President Office North-Eastern State of Somalia

Share

Xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

12/04/2026

‎Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya H.E Abdirashid Yusuf Jibril Ayaa hambalyo u diray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo u dabbaal degaya sannad-guuradoodii 66-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay 12-kii April 1960.

‎"Munaasabadda 12 April 1960 awgeed waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa sarreeyayaasha, saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifllayaasha dablayaasha iyo qoysaskooda ciidanka Xoogga dalka"

‎"Waxaan si gaar ah salaan iyo hambalyo ugu dirayaa Ciidanka Difaaca iyo Daraawiishta Waqooyi Bari oo iyagu ah geesiyaal, halggamayaal iyo xaq-u-dirir ku suntan sugida xuduudaha DWS, dadka reer Waqooyi Bari ay ku seexdaan kalsoonida ay ciidankooda nafta-uhuraya ay ku qabaan"


‎ -Dhammaad-
‎Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Photos from Vice President Office North-Eastern State of Somalia's post 04/04/2026

‎Madaxweynaha Dowladda Waqooyi Bari H.E Abdikadir Ahmed Aw Ali iyo Madaxweyne ku xigeenka Dawladda H.E Abdirashid Yusuf Jibril ayaa shacabka kula qaxweeyay goobaha bulshada caasimadu isugu timaado.

‎ -Dhammaad-
‎Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Photos from Vice President Office North-Eastern State of Somalia's post 04/04/2026

‎Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya H.E Abdikadir Ahmed Aw Ali iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda H.E Abdirashid Yusuf Jibril ayaa si rasmi u furay kalfadhiga 2aad ee Golaha Baarlamaanka DWS.

‎ -Dhammaad-
‎Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Photos from Vice President Office North-Eastern State of Somalia's post 03/04/2026

‎MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA WAQOOYI BARI OO SALAADA JIMCAHA KULA TUKADAY BULSHADA MASJID JAAMACA .

‎Laascanood:-03/04/2026:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Mud. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu weheliyo Gudoomiyaha Barlamaanka DWS Aadan Cabdulaahi Aw-xasan ayaa salaada jimcaha kula tukaday shacabka masjid jaamaca caasimada Laascanood.

‎Madaxweyne ku-xigeenka ayaa salaada kadib waqti kula qaatay shacabka caasimada goobaha bulshadu isugu timaado .

‎ -Dhammaad-
‎Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

02/04/2026

:- Muuqaalka guud ee soo dhaweynta Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Mud. Abdirashid Yusuf Jibril oo safar ugu maqnaa Dalka dibadiisa

Photos from Vice President Office North-Eastern State of Somalia's post 02/04/2026

‎MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA WAQOOYI BARI OO LAGU SOO DHAWEEYAY CAASIMADA DWS

‎Laascanood:-02/04/2026:- Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Mud. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta lagu soo dhaweeyay caasimada dowladda Waqooyi Bari oo uu safar shaqo kaga maqnaa.

‎Madaxweyne ku-xigeenka waxa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Xildhibaano ,Wasiiro ,Saraakiisha ciidamada,Maayirka caasimada iyo Madax dhaqameed

‎ -Dhammaad-
‎Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

19/03/2026

‎MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DAWLADDA WAQOOYI BARI AYAA SHACABKA SOOMALIYEED UGU HAMBALYEEYEY MUNAASIBADDA CIIDUL FIDRIGA

‎“Dhammaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Dowladda Waqooyi Bari waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda barakaysan ee Fidriga, inagoo Alle weydiisanayna in uu naga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee aynu soo samaynay bishii bakaysanayd ee Ramadaan”

‎Ugu danbeyntii Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari ayaa ALLE uga baryay inuu abaarta kasoo jabiyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed.

‎ALLAAH MAHAD LEH.

‎ -Dhammaad-
‎Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

17/02/2026

‎MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA WAQOOYI BARI OO SHACABKA DWS UGU HAMBALYEEYAY CURASHADA BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN

‎"Waxaan Ummadda Islaamka ah, Shacab weynaha Soomaaliyeed iyo gaar ahaan Shacabweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya ugu Hambalyeynayaa Bilashada Bisha Baraykaysan ee Ramadaan,

‎waxaan I’llaahay inooga baryayaa madar khayr qaba iyo inuu abaarta Illaahay inaga dulqaado,

‎waxaan kaloo Illaahay Subxaana Watacaalaa inooga baryayaa in sanadkan sanadkiisa kale uu inagu gaadhsiiyo nabadgelyo, caafimaad, bash-bash iyo barwaaqo Insha Allaah, aamiin yaa rabi.

‎RAMADAAN MUBAARAK

‎ALLAAH MAHAD LEH.

‎ -Dhammaad-
‎Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

01/02/2026

Muuqaalka guud :- Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Mud. Abdirashid Yusuf Jibril oo safar ugu baxay magaalada Nairobi.

Photos from Vice President Office North-Eastern State of Somalia's post 01/02/2026

‎MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA WAQOOYI BARI OO SAFAR SHAQO UGU BAXAY DALKA KENYA .

‎Laascanood:-01/02/2026:- Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Mud. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa safar ugu ambabaxay Magaalada Nairobi.

‎Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari waxa garoonka diyaaradaha kusii sogootiyay Xildhibaano ,Wasiiro ,Saraakiisha ciidamada iyo Madax dhaqameed .

‎ -Dhammaad-
‎Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

31/01/2026

‎Hadaljeedinta Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Mud. Abdirashid Yusuf Jibril oo daahfuray qaadhaan uruurinta gurmadka abaaraha DWS.

Photos from Vice President Office North-Eastern State of Somalia's post 31/01/2026

‎MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA WAQOOYI BARI AYAA DAAHFURAY QAADHAAN URUURINTA GURMADKA ABAARAHA DWS.

‎Laascanood 31/01/2026:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Mud. Abdirashid Yusuf Jibril ayaa daahfuray qaadhaan uruurinta gurmadka abaaraha Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya .

‎Munaasibada lagu daahfurayay qaadhaan uruurinta gurmadka abaaraha waxa kasoo qayb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari, Wasiiro Ka tirsan Gudida abaaraha Dowladda Waqooyi Bari, Xildhibaano , Ganacsato iyo Culimo .

‎Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari ayaa daahfuray Akoonada (Accounts) loogu talagalay in lagu uruuriyo qaadhaanka Gurmadka Abaaraha DWS.

‎Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari ayaa ku dheeraday ahmiyada ay leedahay in la garab istaago dadka iyo duunyada u baahan garab istaaga ee ay saameeyeen abaaruhu , lagana hor tago dhibaatooyinka baaxada leh ee ka dhasha abaaraha .


‎ -Dhammaad-
‎Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Want your business to be the top-listed Government Service in Laascaanood?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


VP Office Northeastern State
Laascaanood