Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Waqooyi-Bari

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Waqooyi-Bari

Share

Ministry of Education, Culture And Higher Education North-Eastern State

09/05/2026

Muqaal Guud Wasaradda waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Goboleedka Waqooyi-Bari ayaa maanta kormeer shaqo ku tagtay dugsiga sare Ee Muuse Yuusuf Degmada Laascaanood

Photos from Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Waqooyi-Bari's post 09/05/2026

Tar: 9 may 2026

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Goboleedka Waqooyi-Bari Mudane Daahir Cabdirisaaq Ingeydh, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Sool Daahir Maxamed Axmed, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Dugsiga Sare ee Muuse Yuusuf.

Wasiirka waxaa halkaas ku soo dhaweeyey maamulka, macallimiinta iyo qeybaha kala duwan ee dugsiga, kuwaas oo warbixin guud ka siiyey xaaladda waxbarasho ee iskuulka iyo heerka diyaar-garowga ardayda ee imtixaanaadka shahaadiga ah.

Wasiirka ayaa fasal fasal u maray qaybaha kala duwan ee dugsiga, isaga oo ardayda kula dardaarmay inay si buuxda ugu diyaar garoobaan imtixaanaadka shahaadiga ah, dadaal dheeri ahna muujiyaan si ay u gaaraan guulo wax ku ool ah.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ardayda uga warbixiyey muhiimadda ay leedahay in ardaygu yeesho jadwal iyo qorshe waxbarasho oo joogto ah, si ay uga faa’iideystaan waqtiga una gaaraan natiijooyin wanaagsan. Waxa uu sidoo kale la wadaagay talooyin iyo habab wax ku ool ah oo ardaydu uga faa’iideysan karaan diyaar-garowga imtixaanka.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa maamulka iyo macallimiinta dugsiga faray inay labanlaabaan dadaalka ay ku bixinayaan tayeynta waxbarashada, isla markaana ardayda la siiyo waqtiyo dheeri ah iyo fahamsiin ku saabsan casharrada iyo su’aalaha inta badan soo noqnoqda ee imtixaanaadka.

----DHAMAAD----
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare
Email:[email protected]

09/05/2026

SHAACINTA DEEQ WAXBARASHO OO DIBEDDA AH.
============

Laascaanod - Waqooyi bari - Soomaaliya
Tar: 9 May 2026

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Waqooyi Bari ,Waxay Shaacinaysaa Deeq Waxbarsho oo 12 Boos ah, oo inaga soo gaadhay Waddamada Marooko iyo Aljeeriya (Morocco & Algeria) ayna inoo soo gudbisay Wasaaradda Waxabarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Federalka Soomaaliya taas oo kala ah Heerarka (5 Bachelor Degree, 5 Master Degree & 2 PH.D) kala duwan ee Jaamacadeed. Deeqdani waxay ka koobantahay 9 Kulliyadood oo kala ah:
1. ENGINEERING: Civil Engineering, Electrical Engineering, Petroleum Engineering Iyo Geology
2. CIMIGA KAMPUTERKA (I.T)
3. CILMIGA BEERAHA
4. XANAANADA XOOLAHA
5. CILMIGA BADDA
6. CILMIGA DHAQAALAHA IYO MAAMULKA
7. WAXBARASHADA
8. CILMIGA CAAFIMAAD
9. SHARCIGA (LAW )
Soo xaraynta Araajidu waxay ku egtahay 24, 5, 2026, 12:00am waxaana codsadayaasha shuruudaha buuxiya lagu kala saari doonaa sida Shahaadooyinkoodu u kala Darajo (Grade) sareeyaan waxaana natiijada guulaystayaasha la shaacin doonaa 26, 5, 2026, 4:00pm. Wixii shuruudo ah ka eeg lifaaqa hoose.
SHURUUDAHA
1. In uu ardaygu haysto shahaadada dugsi sare oo ay wasaaraddu aqoonsantahay kana tastiiqsan labada wasaaradood, (Waxbarashadda iyo tan Arimaha dibadda) haddii uu Bajullaar yahay.
2. In uu ardaygu haysto shahaadada Bajullaarka iyo dugsi sare oo ay wasaaraddu aqoonsantahay kana tastiiqsan labada wasaaradood, (Waxbarashadda iyo tan Arimaha dibadda) haddii uu Mastarayd yahay.
3. In uu haysto shahaadada dugsi sare, Bajullaarka iyo Mastarka oo ay wasaaraddu aqoonsantahay kana tastiiqsan labada wasaaradood (Waxbarashadda iyo tan Arimaha dibadda) haddii uu PH.D yahay.
4. In aysan darajadiisu tahay 70% iyo wixii ka sareeya haddii uu takhasuskiisu yahay Arts, ama 85% iyo wixii ka sareeya haddii uu takhasuskiisu yahay Saynis.
5. In uu caafimaad qabo, oo uu haysto warqad cadayn caafimaad ah.
6. In uu haysto warqadda denbi la’aanta CID.
7. In uu haYsto kaadhka NIIRO ama shahaadada ku sugista kaadhka.
8. In uu hasto passport shaqeynaayo mudo laba sano ah.
9. In uu haysto warqadda asluub wanaagga.
10. In uu keeno dammiin lagala xisaabtamo haddii uu waxbarashada dhamaysanwaayo.
11. In uu Damiinku saxiixo warqad ay ku caddahay in uu bixindoono qarashaadka waxbarashada haddii uu ardaygu waxbarashada ku dhaco ama uu isaga tago ama uu keeno darajo ka yar 70% haddii uu takhasuskiisu Arts yahay ama 85% haddii uu takhasuskiisu Saynis yahay.
12. In uu soo gudbiyo warqad uu codsanayo sadex kulliyadood, oo ka mid ah kuwa ay wasaaraddu hayso.
13. In uu ku soo laabto dalka oo uu ka shaqeeyo ugu yaraan labo sano.

Kala Xidhiidh:
252905485522, iyo 252 907 851 785
Email: [email protected]


----DHAMAAD----

Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare
Email:[email protected]

06/05/2026

Muqaal Guud Wasaradda waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Goboleedka Waqooyi-Bari ayaa maanta kormeer shaqo ku tagtay dugsiyada sare Ee Gateway iyo Ilays Ee Degmada Laascaanood

Photos from Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Waqooyi-Bari's post 06/05/2026

Tar: 6 may 2026

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Goboleedka Waqooyi-Bari, Mudane Daahir Cabdirisaaq Ingeydh, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Sool, Mudane Daahir Maxamed Axmed, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay dugsiyada sare ee Gateway iyo Ilays Ee MagaaladaLaascaanood.

Wasiirka waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey maamulka iyo macallimiinta dugsiyada, kuwaas oo ka warbixiyey xaaladda guud ee waxbarashada,

Intii uu kormeerku socday, Wasiirka ayaa mid mid u booqday fasallada, isagoo si toos ah ula hadlay ardayda, ugana xog warramay dadaallada ay Wasaaraddu ku bixinayso horumarinta waxbarashada iyo kor u qaadista tayada aqoonta ardayda.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ardayda ku booriyey inay si dhab ah ugu diyaar garoobaan imtixaanaadka shahaadiga ah ee dhawaan la geli doono, isla markaana si hufan uga faa’iidaystaan waqtiga u haray.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa u mahadceliyey maamulka iyo macallimiinta dugsiyada, isagoo ku adkeeyey inay laban laabaan dadaalkooda, kana shaqeeyaan kor u qaadista heerka waxbarasho ee ardayda, si loo helo jiil aqoon leh oo kaalin muuqata ka qaata horumarka bulshada.

----DHAMAAD----
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare
Email:[email protected]

05/05/2026

Tar: 5 may 2026

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Waqooyi-Bari Mudane Abdiqaadir Axmed Awcali (Firdhiye) ayaa u magacaabay Mudane Mukhtaar Mohamed Culujoog xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Goboleedka Waqooyi-Bari.

----DHAMAAD----
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare
Email:[email protected]

04/05/2026

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Waqooyi Bari waxay soo saartay wareegto lagu xoojinayo nidaamka galitaanka Jaamacadaha.

Wareegtadani waxay si cad u qeexaysaa in shahaadooyinka laga bixiyo Macaahidda (Colleges) aan si tooska ah loogu gali karin jaamacadaha iyo in Ardayda haysata shahaadada dugsiga sare iyo tan macaahidda aan loo samayn karin wax kor-uqaadis (upgrade) ah ayna waxbarashadooda jaamacadeed ka bilaaban doonaan sannadka asaasiga ah (Foundation year).

Go’aankan waxa uu qayb ka yahay dadaallada Wasaaraddu ugu jirto hormarinta nadaamka iyo tayada tacliinta sare ee Dawladd Goboleedka Waqooyi Bari.

Photos from Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Waqooyi-Bari's post 04/05/2026

Laascaanood:Waqooyi Bari
Tar: 4 may 2026

Gudidda Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Dowladda Goboleedka Waqooyi-Bari ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Goboleedka Waqooyi-Bari.

Xarunta Wasaaradda waxaa ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Daahir Cabdirisaaq Ingeydh.

Gudidda ayaa Wasaaradda ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha shaqo ee ay wado, iyadoo Wasiirku si faahfaahsan uga warbixiyey xaaladda waxbarasho ee deegaannada Waqooyi-Bari.

Wasiirka ayaa Gudidda la wadaagay qorshayaasha muhiimka ah ee Wasaaradda iyo dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada degaanka.

Ugu dambeyn, Gudidda Arrimaha Bulshada ayaa Wasaaradda ku ammaanay dadaalka muuqda ee ay wado, iyagoo ku boorriyey in la sii laba jibbaaro howlaha horumarinta waxbarashada.

----DHAMAAD----
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare
Email:[email protected]

29/04/2026

Muqaal Guud wasaradda waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Goboleedka Waqooyi-Bari ayaa maanta kormeer ku tagtay dugsiyada Gambadhe higlada iyo god'qaboobe

Photos from Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Waqooyi-Bari's post 29/04/2026

Tar: 29 Apr 2026

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Goboleedka Waqooyi-Bari, Mudane Daahir Cabdirisaaq Ingeydh, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Sool, Daahir maxamed Axmed ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay dugsiyada Ganbadhe Higlada iyo God-qaboobe.

Kormeerkan ayaa ahaa mid muhiim ah oo lagu qiimeynayay heerka waxbarasho ee deegaannadaas, laguna hubinayay tayada iyo hufnaanta waxbarashada ka socota dugsiyada.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa si diirran halkaas ugu soo dhaweeyay maamulka, macallimiinta iyo ardayda dugsiyada, kuwaas oo si faahfaahsan uga warbixiyay xaaladda waxbarasho, baahiyaha jira, iyo dadaallada ay ku bixinayaan horumarinta aqoonta ardayda.

Wasiirka ayaa ka warbixiyay safarka kormeer ee uu ku marayo dugsiyada kala duwan, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay horumarka bulshada, isla markaana tilmaamay dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Waxbarashadu ku bixineyso tayeynta waxbarashada iyo ballaarinteeda.

Wasiirka ayaa macallimiinta ku boorriyay inay kordhiyaan dadaalkooda, kana faa’iideeyaan waqtiga si ay ardayda u siiyaan waxbarasho tayo leh, isla markaana ay xoojiyaan la socodka iyo hagidda ardayda.

Sidoo kale, wuxuu ardayda kula dardaarmay inay laba jibbaaraan dadaalkooda waxbarasho, ka faa’iideystaan fursadaha ay haystaan, isla markaana noqdaan jiil aqoon leh oo kaalin muuqata ka qaata horumarka dalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ku ammaanay maamulka iyo macallimiinta dugsiyada shaqada ay hayaan, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba-laabaan dadaalkooda si loo gaaro waxbarasho tayo sare leh oo gaarta heerar horumarineed.

----DHAMAAD----
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare
Email:[email protected]

29/04/2026

Muqaal Guud Boqashadii Wasaradda waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Goboleedka Waqooyi-Bari iskoolka Imaamu Shaafici laascaanood

Want your business to be the top-listed Government Service in Laascaanood?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Laascaanood