25/06/2026
WAR-SAXAAFADEED
Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Degmada Luuq Oo Ka Qayb-galay Daahfurka Mashruuca Bulsho
Kismaayo, 25 Juun 2026: Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Degmada Luuq, Mudane Hon Abdiaziz Sugow Salad , ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda daahfurka Mashruuca Bulsho, oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam .
Munaasabadda daahfurka mashruucan ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Jubaland, masuuliyiin heer gobol iyo degmo, madaxda hay’adaha dowladda, wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo bahwadaagta horumarinta, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyay muhiimadda mashruucan u leeyahay horumarinta bulshada iyo xoojinta dowladaha hoose.
Mashruuca Bulsho waa hindise horumarineed oo loogu talagalay xoojinta awoodda dowladaha hoose, kor u qaadista ka-qaybgalka bulshada, iyo dhisidda iskaashi waara oo u dhexeeya dowladda iyo shacabka. Mashruucan ayaa sidoo kale diiradda saaraya horumarinta adeegyada aasaasiga ah, kobcinta wadajirka bulshada, iyo taageeridda dadaallada lagu gaarayo horumar waara.
Guddoomiye Cabdicasiis Sugow Salaad ayaa sheegay in mashruucani uu yahay tallaabo muhiim ah oo wax weyn ka tari doonta horumarka degmooyinka Jubaland, gaar ahaan degmada Luuq. Wuxuu xusay in ka-qaybgalka bulshada iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ay laf-dhabar u yihiin guusha mashaariicda horumarineed iyo adeegyada bulshada.
Sidoo kale, masuuliyiintii munaasabadda ka hadashay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada lagu dhiirrigeliyo ka-qaybgalka arrimaha horumarinta, si loo helo bulsho awood leh, isku duuban, kana qayb qaadata go’aan-qaadashada iyo hirgelinta mashaariicda wax ku oolka ah.
Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Degmada Luuq ayaa uga mahadceliyay Dowladda Jubaland, wasaaradaha ay khusayso, iyo dhammaan bahwadaagta taageeray hirgelinta Mashruuca Bulsho, isagoo tilmaamay in mashruucani uu fure u noqon doono horumar waara, xoojinta dowladnimada iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.
— DHAMMAAD —
Xafiiska Arrimaha Bulshada Degmada Luuq
Jubaland – Soomaaliya