01/04/2026
🕊️ INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee degmada Luuq ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Nabadoon Aadan Xareed, oo ku geeriyooday degmada Balad Xaawo.
Marxuum Nabadoon Aadan Xareed wuxuu ahaa haldoor bulshada dhexdeeda ka muuqday, door weynna ka qaatay nabadaynta, xalinta khilaafaadka, iyo mideynta shacabka. Wuxuu si joogto ah uga shaqeyn jiray wanaagga bulshada, isagoo had iyo jeer hormuud u ahaa isu soo dhawaanshaha iyo nabadda.
Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada wuxuu si gaar ah tacsi ugu dirayaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku.
Ugu dambeyn, waxaan Alle uga baryeynaa inuu marxuumka ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, dambigiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo, ehelkiisana iyo guud ahaan bulshada uu ka baxayna ka siiyo samir iyo iimaan.
🤲 Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun
19/03/2026
HAMBALYO CIIDUL FITRI
Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Degmada Luuq, Mudane, Hon Abdiaziz Sugow Salad , wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Ummadda Muslimka ah meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
Munaasabaddan barakeysan ee Ciidul Fitriga waxay astaan u tahay farxad, midnimo iyo is jaceyl bulsho. Waa xilli lagu xoojiyo walaaltinimada, la is cafiyo, lana garab istaago dadka danyarta ah.
Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu naga aqbalo soonkii, salaaddii iyo dhammaan camalkii wanaagsanaa ee aan soo gudanay bishii barakeysanayd ee Ramadaan.
Ciid Mubaarak, Ciid Wanaagsan!
Allaha nagu gaarsiiyo ciiddaan teeda kale annagoo nabad, caafimaad iyo barwaaqo ku nool.
Cabdicasiis Sugoow Salaad
Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada
Degmada Luuq
17/02/2026
Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Degmada Luuq, Mudane Cabdiaziz Sugoow Salaad, wuxuu hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan Ummadda Muslimka ah meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed, munaasabadda dhalashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan 1447 Hijriyada, kuna beegan sanadka 2026 Miilaadiga.
Ramadaan waa bil cibaado, naxariis, dulqaad, iyo is gargaar. Waa fursad qaali ah oo qalbiyadeena lagu nadiifiyo, camalkeena lagu wanaajiyo, laguna xoojiyo xiriirka Alle iyo bulshada dhexdeeda.
Waxaan shacabka Degmada Luuq ku boorinayaa:
✅ In la is cafiyo oo la iska iloobo khaladaadkii h**e
✅ In la caawiyo dadka baahan, agoonta iyo qoysaska danyarta ah
✅ In la muujiyo walaaltinimo iyo isku naxariisasho
✅ In la dhowro nabadda, nadaafadda iyo wada noolaanshaha degmada
✅ In la badiyo cibaadada, akhriska Qur’aanka, sadaqada iyo ducada
Ha iloobin in Ramadaan aysan kaliya ahayn soon iyo salaad, balse ay sidoo kale tahay bil isku garab istaag, wadajir iyo isku naxariisasho. Fursadan qaali ah aan ka faa’iideysano si aan bulshadeena ugu horumarino nabad, wadajir iyo kheyr.
Waxaan Alle SWT ka baryeynaa inuu naga aqbalo camalka suuban, naga dhigo kuwo ka faa’iideysta fadliga Ramadaan, kana dhigo degmada Luuq mid nabad iyo barako ku jirto.
Ramadaan Kariim dhammaan shacabka Degmada Luuq iyo Ummadda Muslimka ah! 🌙✨
29/12/2025
انالله وانا اليه راجعون
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun 😭
Madaxa Arrimaha Bulshada ee Degmada Luuq Hon Abdiaziz Sugow Salad waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, Baarlamaanka, shacabka Jubaland iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Xildhibaan Shaacib Ibraahim Faarax (Coloow) oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Jubaland, kana geeriyooday caawa magaalada Muqdisho.
Marxuumku waxa uu door muuqda ka qaatay xoojinta nabadgelyada, nabadoonimada, iyo dowlad-dhiska ummadda Soomaaliyeed, isaga oo mar walba u taagnaa midnimada, wadajirka, iyo horumarinta bulshada.
Waxaan Alle uga baryeynaa Marxuumka in uu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, eheladiisa, qaraabadiisa, Baarlamaanka, shacabka Jubaland iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.
Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo, samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo. Aamiin.
25/12/2025
WAR-SAXAAFADEED
Baladxaawo – Gobolka Gedo
Taariikh: 24/12/2025
Madaxa Arrimaha Bulshada Degmada Luuq, Mudane Hon Abdiaziz Sugow Salad , ayaa maanta kulan shaqo oo muhiim ah la yeeshay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gedo, ahna Madaxa Maaliyadda Gobolka Gedo, Mudane Xuseen askar maxamud Kulankan ayaa si rasmi ah ugu qabsoomay Degmada Baladxaawo, Gobolka Gedo.
Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta xiriirka wada-shaqeyneed ee u dhexeeya maamulka heer degmo iyo heer gobol, gaar ahaan dhinacyada horumarinta arrimaha bulshada, maamulka maaliyadda, iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. Mas’uuliyiintu waxay si qoto dheer uga wada hadleen caqabadaha jira iyo fursadaha horumarineed ee ka jira Degmada Luuq iyo guud ahaan Gobolka Gedo.
Intii uu kulanku socday, Madaxa Arrimaha Bulshada Degmada Luuq ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda arrimaha bulshada, baahiyaha mudnaanta leh, iyo qorshayaasha horumarineed ee Degmada Luuq. Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gedo, ahna Madaxa Maaliyadda, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay maamulka hufan, wada-shaqeyn dhow, iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada.
Labada mas’uul ayaa isla qaatay in la xoojiyo wada-tashiga joogtada ah, la dardargeliyo barnaamijyada horumarinta bulshada, isla markaana la sameeyo qorsheyaal wadajir ah oo wax ka qabta baahiyaha bulshada, gaar ahaan dhinacyada adeegyada bulshada iyo horumarinta maamulka.
Ugu dambeyn, mas’uuliyiintu waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado iskaashi miro-dhal ah oo u adeegaya danaha bulshada, isla markaana horseeda horumar waara iyo xasillooni bulsho oo laga hirgeliyo Degmada Luuq iyo guud ahaan gobolka
Xafiiska Arrimaha Bulshada Degmada Luuq
13/12/2025
Maamulka Degmada Luuq oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada Luuq, Mudane Dahir Mohumud Nur (Caato), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray waddada aada xaafadda Xerokoobaad, oo ku taalla dhinaca galbeed ee magaalada Luuq. Waddadani waxay ka mid tahay mashaariicda horumarineed ee mudnaanta u leh Maamulka Degmada, kuwaas oo diiradda lagu saarayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo fududeynta isu-socodka bulshada.
Mashruucan muhiimka ah waxaa maalgeliyey Bangiga Adduunka (World Bank), waxaana si wadajir ah u hirgeliyey Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland, iyadoo ay door muuqda ka qaateen kooxda mashruuca SCRP iyo Wasaaradda Howlaha Guud ee Jubaland.
Waddadani waxay wax weyn ka tari doontaa horumarinta ganacsiga, fududeynta isu-socodka dadka iyo gaadiidka, iyo kor u qaadista helitaanka adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga. Waxayna si toos ah uga faa’iideyn doontaa shacabka ku nool degmada Luuq iyo deegaanada ku xeeran.
Maamulka Degmada Luuq, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada Mudane Dahir Mohumud Nur (Caato), wuxuu si weyn ugu mahadcelinayaa Bangiga Adduunka, hay’adaha dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubaland, iyo dhammaan bah-wadaagta ka qeyb qaadatay hirgelinta mashruucan. Sidoo kale, maamulka wuxuu bogaadinayaa iskaashiga iyo dulqaadka ay muujiyeen bulshada xaafadda Xerokoobaad inta uu socday dhismaha waddadan.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Luuq Mudane Dahir Mohumud Nur (Caato) ayaa adkeeyay in Maamulka Degmada uu ka go’an yahay sii wadidda dadaallada horumarineed ee lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, laguna tayeynayo adeegyada loo fidiyo shacabka, si loo gaaro horumar waara oo ay bulshada wada gaarto.
Luuq – Gobolka Gedo
06/12/2025
WAR-SAXAAFADEED
Madaxa Arrimaha Bulshada ee Degmada Luuq, Mudane Abdiaziz Sugow Salad, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Xarunta Ciidamada Daraawiishta Jubaland ee ku taalla duleedka Degmada Belet Xaawo.
Booqashada waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Taliye Xareed Abdiqadir, oo ah Taliye Ku-xigeenka Qeybta Booliska Degmada Belet Xaawo. Taliye Xareed ayaa Madaxa Arrimaha Bulshada uga warbixiyay xaaladda amniga, shaqada ciidamada iyo dadaalka ay wadaan ee lagu adkeynayo nabadgelyada bulshada.
Mudane Abdiaziz Sugow Salad ayaa uga mahadceliyay Taliye Xareed soo dhaweynta uu u sameeyay iyo hawl-karnaanta ciidamada Booliska iyo Daraawiishta Jubaland, isagoo xusay muhiimadda wada-shaqeynta amnimo ee u dhexeysa degmooyinka gobolka Gedo.
Ugu dambeyn booqashadu waxay kusoo dhammaatay is-faham, wada-tashi iyo adkeynta xiriirka shaqo ee ka dhexeeya labada dhinac.
05/12/2025
Dr. Ali Nur Airport
Maamulka Degmada Luuq ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada, Mudane Dahir Mohamed Nuur, ayaa maanta ku dhawaaqay go’aan taariikhi ah oo lagu magacaabayo Garoonka Diyaaradaha Degmada Luuq kaas oo rasmi ahaan loogu magac daray “Dr. Ali Nur Airport”.
Go’aankan ayaa ka tarjumaya tixgelinta maamulka degmada ee dhanka caafimaadka iyo adeegyada bulshada, gaar ahaan dhiirrigelinta shaqsiyaadkii door muuqda ka qaatay horumarinta adeegyadan. Dr. Ali Nur waxa uu ka mid ahaa haldoorkii sida hagar la’aanta ah ugu adeegi jiray bulshada, isagoo door mug leh ka qaatay sare u qaadista adeegyada caafimaadka ee gobolka Gedo.
Guddoomiyaha Degmada Luuq, Mudane Dahir Mohamed Nuur, ayaa sheegay in magacaabistan ay tahay:
“Aqoonsi rasmi ah oo loo sameynayo shaqsi bulshada u soo halgamey, uguna adeegay si daacadnimo iyo xirfad leh. Waa magac si rasmi ah u matali doona qiimihii, shaqadii iyo saamayntii Dr. Ali Nur ee bulshada gobolka.”
Maamulka Degmada Luuq waxa uu tilmaamay in talaabadan ay qayb ka tahay dadaallada socda ee lagu horumarinayo kaabayaasha bulshada, lana xoojinaayo dhismaha adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo isku xirka bulshada.
Ugu dambayn, Maamulka Degmada Luuq waxa uu shacabka ugu baaqayaa inay garab istaagaan qorshayaasha horumarineed ee socda, isla markaana ay sii xoojiyaan wadajirka iyo ka qayb qaadashada dhismaha adeegyada bulshada.
DHAMMAAD
28/11/2025
إِنَّا لِلَّـهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُون
Xafiiska Arrimaha Bulshada wuxuu ka tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Guddoomiyihii h**e ee Degmada Luuq, Bishar Adan Cabdikariin (Afjabey) oo xalay ku geeriyooday gudaha Degmada Luuq.
Marxuumku wuxuu ahaa masuul hawlkar ah, bulshada si dhab ah ugu soo adeegay, sidoo kalena door weyn ka qaatay nabadeynta, midnimada bulshada iyo horumarinta adeegyada degmada.
Geeridiisu waa khasaaro weyn oo ku dhacay bulshada Degmada Luuq, gaar ahaan qoyskiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan dadka uu u soo shaqeeyay.
Xafiiska Arrimaha Bulshada wuxuu Alle uga baryayaa inuu u naxariisto, dambigiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo. Sidoo kale waxaan samir iyo iimaan u rajeynaynaa qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Degmada Luuq.
Aamiin.in.
21/11/2025
XUSKA MAALINTA MACALIMIINTA SOOMAALIYEED 🎉📚
Maanta waa maalin aan u dabbaal-deggayno una mahadcelinayno macalimiinta Soomaaliyeed ee nolosheena kaalin muuqata ka qaata. Waa geesiyaal dhisaya jiillal, iftiimiya aqoon, una adeegga bulshada si daacadnimo iyo dulqaad ku dheehan tahay.
Anigoo ku hadlaya magaca Maamulka Degmada Luuq, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan macalimiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala Degmada Luuq.
Waxaan idiin rajeynayaa caafimaad, xasillooni, iyo horumar shaqo. Dadaalkiinna iyo go’aan-adeegiina waa tiirka ay ku taallo korriimada bulshada.
Mahadsanidiin Macalimiin Sharafta Mudan!
Madaxa Arimaha Bulshada Degmada Luuq:
Hon Abdiaziz Sugow Salad