Dawladda Hoose Ee Degmada Matabaan - Hirshabeelle.

Call Website Contact the organization

Dawladda Hoose Ee Degmada Matabaan - Hirshabeelle. Bogga Rasmigaa ee Degmadda Matabaan ee Maamulka Hirshabeelle

Waxaan guud ahaan shacabka Hirshabeelle ugu hambalyeynayaa sannad-guurada 10-aad ee aasaaska Dowladda Hirshabeelle. 5-ta...
06/10/2026

Waxaan guud ahaan shacabka Hirshabeelle ugu hambalyeynayaa sannad-guurada 10-aad ee aasaaska Dowladda Hirshabeelle. 5-ta Oktoobar waa maalin weyn oo taariikhi ah, mudanna in la xuso, maadaama ay ku beegan tahay maalintii dhidibbada loo taagay Dowladda Hirshabeelle.

Qeyb Kamida Sawirada dorashadii Degmada mataban ee gobolka hiiran.
01/10/2026

Qeyb Kamida Sawirada dorashadii Degmada mataban ee gobolka hiiran.

28/09/2026

Guddoomiyaha degmada Matabaan Maxamed Sheekh Maxamuud Dhoboy: “Haddii aan guuleysanno, waxaan dhisi doonnaa laamiga dhex mara Matabaan.”

28/09/2026

Nabadoon Maxamuud Dhabar Xarar: “Maanta waa maalin weyn, waxaan rabnaa inaan codkeenna ku ciil baxno oo dooranno JSP.”

28/09/2026

Musharrax Xildhibaan Golaha Wakiillada Hirshabeelle, Maxamed Axmed Faarax: “Waxaan rabnaa inaad maalinta doorashada u codeysaan Shinbirta iyo 15-ka oo ah astaanta JSP.”

Xubno ka tirsan Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa olole siyaasadeed ka sameeyay degmada Matabaan...
27/09/2026

Xubno ka tirsan Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa olole siyaasadeed ka sameeyay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Ololaha waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Matabaan, Maxamed Sheekh Maxamuud Dhoboy, wasiirro ka tirsan Dowladda-goboleedka Hirshabelle iyo xubno kale oo ka tirsan Ururka JSP, kuwaas oo bulshada la wadaagay farriimaha ururka iyo doorashada qof iyo codka ah.

Ololahan ayaa ururka uga gol lahaa dardar-gelinta iyo diyaar-garowga doorashada la filayo inay dhacdo 30-ka bishan.

26/09/2026

Mas’uuliyiin ka tirsan Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa xarigga ka jaray xarunta cusub ee ururku ka furtay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa xarigga ka jaray xarunta cusub ee ururku ...
26/09/2026

Mas’uuliyiin ka tirsan Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa xarigga ka jaray xarunta cusub ee ururku ka furtay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Mataban,Saturday, 26-Sep-2026 Munaasabadda xarigga looga jarayay xaruntan cusub ayaa waxaa ka qeyb galay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP, Hussein Mohamed Nor, Xoghayaha Siyaasadda iyo Arrimaha Gudaha, Senator Abdihakim Malin, Gudomiyaha Ahna duqa Degmada mataban, Mohamed Sheikh Mohamud Mohamed Dhoobeey, xildhibaano, wasiiro katirsan dowladda hirshabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada mataban.

Mataban, Sunday, 13-September-2026 Maamulka Degmada mataban iyo Boqolaal kamida shacabka degmada Matabaan ee gobolka Hii...
13/09/2026

Mataban, Sunday, 13-September-2026 Maamulka Degmada mataban iyo Boqolaal kamida shacabka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa isugu soo baxay munaasabad lagu taageerayay doorashada qof iyo codka, iyo in mar kale dib loo doorto Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Isu-soo-baxa waxaa ka qeyb galay maamulka degmada Matabaan, qeybaha Kala duwan ee bulshada Degmada mataban iyo marti sharaf kale.

Wixii Faah-Faahin Ah Kala Xariir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada
Dowladda Hoose ee Degmada Matabaan– Hirshabelle.

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO QAABILAY ARDEYDA KAALMAHA KA GASHAY IMTIXAANKA DUGSIGA SARE EE KASOO JEEDO HIRSHAB...
20/08/2026

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO QAABILAY ARDEYDA KAALMAHA KA GASHAY IMTIXAANKA DUGSIGA SARE EE KASOO JEEDO HIRSHABEELLE

Muqdisho: 20-August-2026: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo uu wehliyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Hirshabeelle Saciid Hagar Camalow ayaa maanta qaabilay

1. Axmed Maxamed Axmed oo wax-ku-bartay iskuulka Al-Ma’muun galayna kaalinta 5-aad ee imtixaanka dugsiyada sare ee dalka oo dhan iyo

2. ⁠Naxwa Xasan Cabdullaahi oo dhigatay iskuulka Ugaas Nuur oo iyana gashay kaalinta 10-aad ee imtixaanka dugsiyada sare ee dalka oo idil.

Labada iskuul ay ka qallin-beddesheen ayaa ku yaalo degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

Madaxweynaha Ayaa ardadaan, macalimiintii soo waxbartay iyo waalidiintoodba ugu hampalyeeyay dadaalkii, dulqaadkii iyo samirkii ay soo sameeyeen mudadii ay soo wadeen waxbarashada dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray Wasiirka Waxbarashada Hirshabeelle in ardeydaasi helaan deeqihii waxbarasho oo dalka dibaddiisa ah si ay u wataan aqoontooda.

Wixii Faah-Faahin Ah Kala Xariir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada
Dowladda Hoose ee Degmada Matabaan– Hirshabelle.

Address

Matabaan
Matabaan
0000

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dawladda Hoose Ee Degmada Matabaan - Hirshabeelle. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dawladda Hoose Ee Degmada Matabaan - Hirshabeelle.:

Shortcuts

Share