10/05/2026
Waxaan maanta sharaf weyn ii ahayd inaan qeyb ka noqdo shacabka Caasimadda Gobolka Shabeellaha Hoose ee Marka Cadey, anigoo codkeyga dhiibtay markii iigu horreysay. Waa dareen farxad iyo masuuliyad leh inaan ka qeyb qaato geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo doorashooyinka dalkeenna.
Muwaadin, codkaagu waa awooddaada. Ka qeyb qaado doorashooyinka, una codee hoggaan horseeda nabad, horumar iyo barwaaqo waarta. Aynu gacmaha is qabsanno si aan u gaarno mustaqbal ifaya iyo Koonfur Galbeed barwaaqo ah.
Ballanteennu waa 15-ka Shimbirta Cagaaran.
30/04/2026
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudane Abdullahi Hussein Ali Abdalla oo loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka.
Magacaabistan waxay muujinaysaa kalsoonida iyo qaddarinta lagu aaminay kartidiisa, khibraddiisa, iyo hoggaamintiisa bisil.
Mudane Cabdalla waa siyaasi leh waayo-aragnimo iyo aragti fog, waxaana la filayaa inuu door muuqda ka qaato xoojinta nabadda, dib-u-heshiisiinta, iyo midnimada bulshada.
Waxaan u rajaynayaa guul, garab iyo gacan Eebbe, si uu si hufan ugu guto mas’uuliyaddan culus ee loo igmaday
26/04/2026
Dad gobol leh oo degmo leh ayaa iska leh madaxweyne kuxigeenka KGS✅️
25/04/2026
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, oo maanta si sharaf iyo maamuus leh loogu caleema-saaray magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Caleema-saarkani waa dhacdo taariikhi ah oo xambaarsan sharaf, dhaqan iyo midnimo, kuna suntan kaalinta mugga leh ee hoggaanka dhaqanku ku leeyahay nabadda, wadajirka iyo xasilloonida bulshada.
Waxaan Alle SWT uga baryayaa Ugaaska in uu ku asturo caafimaad, cimri dheeri, caddaalad iyo hikmad, kana dhigo hoggaan ku suntan garasho, samir iyo damiir wanaagsan, si uu si hufan ugu guto mas’uuliyadda culus ee maanta loo igmaday.
Waxaan sidoo kale Eebbe uga rajeynayaa in xilkan cusub uu uga dhigo mid khayr, barwaaqo iyo guul u horseeda shacabka, kana yeelo hoggaan horseeda nabad, isku duubni iyo horumar waara.
Hambalyo, hambalyo mar kale Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde. Ilaahey ha kuu barakeeyo xilka, hana kuu fududeeyo gudashadiisa
01/04/2026
Hambalyo Mudane Madaxweyne Hon. Jibril Abdirashid HajiXilka Laguu Igmaday Allaha Kula Garab Galo
01/04/2026
Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Waxaa si murugo leh ii soo gaartay geerida naxdinta leh ee Nabadoon Shuute, oo si xaqdarro ah loogu dilay Tuulada Fida Muuse. Ilaahay ha u naxariisto, jannatul Fardowsana haka waraabiyo.
Nabadoonku wuxuu ka mid ahaa odayaasha ka shaqeeya nabadda iyo xasilloonida, gaar ahaan deegaanada Nabar50 ilaa iyo Deeganka Muuri, isagoo door weyn ka qaatay isu soo dhawaanshaha bulshada.
Waxaan sidoo kale bogaadinayaa Maamulka iyo laamaha amniga ee Deeganka Nabar50, kuwaas oo gacanta kusoo dhigay eedeysaneyaasha falkaas foosha xun geystay. Waxaa la rajeynayaa in cadaaladda la horkeeno, sharcigana lagu qaado.
Ilaahay samir iyo iimaan haka siiyo ehelkii iyo guud ahaan ummadda uu ka baxay