Xisbiga dhiirrigelinta dhalinyarada
Youth are the power of the nation
Dib uxureenta deegaanada Hirshabeelle waa mid laba geesood ah kow cadawga tooska ah waa al shabaabe labo cadawga aan tooska aheen ee maamul isku sheega ah dhiiga iyo dheecaankane ka miirtay shacabka Hirshabeelle waa cali guudlaawe iyo team kiisee intaan markaan fahano ayaan dagaal jihaadiya geli karnaa waana xaq waajib cad ah
23/07/2025
dowladda Federaalka oo war ka soo saartay Afduubka Markabka Sea World.
Xisbiga Dhiirrigelinta Dhalinyarada
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Xisbiga Dhiirrigelinta Dhalinyarada waxa uu aad uga xun yahay xaaladda amni ee ka taagan Gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Baladxaawo, halkaas oo uu ka dhacay dagaal sababay dhimasho, dhaawac, barakac, cabsi iyo burbur hantiyadeed oo baaxad leh.
Waxaan ognahay in shacabka ku nool gobolka Gedo ay muddo dheer la daalaa dhacayeen xaalado amni darro, dhaqaale xumo, iyo colaado soo noqnoqday oo ay sabab u yihiin is mariwaaga u dhexeeya Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Arrintani waxay dhaawacday kalsoonidii shacabka, waxayna carqalad ku noqotay horumarkii nololeed, waxbarasho, caafimaad iyo ganacsi ee gobolka.
Waxaa xusid mudan in dhalinyarada gobolka ay yihiin kuwa ugu badan ee saameynta tooska ah ku leh dagaallada noocan ah, iyagoo ku waaya noloshooda, mustaqbalkooda waxbarasho, fursadahooda shaqo iyo riyooyinkii ay ka lahaayeen nolosha.
Xisbiga Dhiirrigelinta Dhalinyarada wuxuu aaminsan yahay xalka gobolka Gedo inuu ku imaan karo oo keliya:
1. Wadahadal dhab ah oo dhex mara Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
2. In laga fogaado adeegsiga xoogga militariga iyo siyaasadda cadaadiska ah, lana beddelo wada shaqeyn iyo xal nabadeed.
3. In shacabka lagu ixtiraamo deegaankooda iyo go’aankooda, iyadoo la hubinayo in adeegyada dowladda lagu gaarsiiyo si siman.
4. In dhalinyarada gobolka loo abuuro fursado shaqo, barnaamijyo xirfadeed iyo taageero nabadeed oo ay ka qeyb qaataan.
---
Baaq
Ugu dambeyntii, Xisbiga Dhiirrigelinta Dhalinyarada wuxuu ugu baaqayaa:
✅ Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland in ay joojiyaan colaadaha shacabka lagu hoobto.
✅ Madaxda Soomaaliyeed oo dhan in ay danta guud ka hormariyaan damacooda siyaasadeed.
✅ Waxgaradka, odayaasha dhaqanka, culimada iyo dhalinyarada gobolka Gedo in ay ka shaqeeyaan nabadda oo aysan ku milmin colaadaha.
✅ Beesha caalamka iyo hay’adaha gargaarka in ay si degdeg ah u gaaraan dadka barakacay iyo kuwa ku waxyeelloobay dagaallada.
Xisbiga Dhiirrigelinta Dhalinyarada waxa uu mar walba garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada oo ah laf dhabarta dalka, wuxuuna diyaar u yahay ka shaqeynta xal waara oo ay ku dhismaan nabad, caddaalad iyo horumar.
DHAMMAAD
Sheekh Suudaani ah ayaa hal khudbo oo isku mid ah sanado badan masjidka xaafaddiisa Jimacaha ka aqrinayey, maalinkii danbe ayuu markii uu Minbarkii koray wuxuu yiri; qof cusub miyaa nagu jira? Maya ayaa loogu jawaabay, qof aan khudbada xifdisanayn miyaa idinku jira? Kuligeen waan xafidsanhay ayey ugu jawaabeen, Salaadda hala aqimo ayuu yiri.
Keliya maaha in rajiimka Madaxweyne Xasan Sheekh uu koobiyeynayo dhaqanka kuwii ka horreeyey, xitaa shakhsiyaadka la adeegsanayo waa isla iyagii.
Madaxweynow haddii aadan aragti, hal abuur iyo karti waxqabad lahayn, intii aad koobi ahaan lahayd, sow ma haboona in aad sida Sheekha Suudaaniga ah oo kale naga xishooto oo aad aqinka doorashada naga soo dedejiso.
ABDIRAHMAN ABDI SHAKUUR WARSAME
20/07/2025
Bayaanka Xisbiga Dhiirrigelinta Dhalinyarada ee ku aaddan xarigga dhalinyarada fikirkooda cabiray:
1. Xoriyadda Hadalka iyo Cabirka Fikradda: Dastuurka Soomaaliya, hirshabelle iyo sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha waxay si cad u oggol yihiin in muwaadin kasta xor u yahay inuu fikirkiisa si nabad ah u cabiri karo.
2. In la xiro muwaadiniin dhalinyaro ah oo aan rabshad gelin, kaliya fikirkooda muujiyay, waa mid baal marsan sharciga iyo xeerarka dowladnimo. Waxaa muhiim ah in aan dhalinyarada laga dhigin dambiileyaal marka ay codkooda ku muujinayaan dariiq nabadeed.
3. Dhalinyaradu Waa Lafdhabarta Bulshada: Dhalinyarada waa hoggaan mustaqbalka. Haddii la cabburiyo codkooda maanta, berrito lama heli doono. Xisbiga dhiirrigelinta dhalinyarada wuxuu u taagan yahay difaaca xuquuqda muwaadiniinta soomaaliyeed gaar' ahaan dhalinyarada.
4. Xisbiga wuxuu ugu baaqayaa hay’adaha garsoorka iyo ammaanka dowlada hirshabeele inay si degdeg ah xorriyadiisa ugu soo celiyaan maxamed muuse oo wiil dhalin yaro ah oo fikirkiisa cabirayay, maadaama uusan wax dambi ah galin, ee uu kaliya isticmaalay xaq dastuuri ah.
5. Xarigga noocaan ah wuxuu dhalinyarada kale ku beeri karaa cabsi iyo in ay ka gaabsadaan ka hadalka arrimaha bulshada. Taasina waxay keenaysaa in bulshadeennu ka xayirmaan horumar iyo isbeddel.
6 Xisbigu wuxuu la wadaagayaa hay’adaha xuquuqda aadanaha inay indha-indheeyaan arrintaan lana difaaco muwaadinka xaqiisa.
7. Xisbiga dhiirrigelinta dhalinyarada wuxuu u taagan yahay in uu kor u qaado codka dhalinyarada, si nabad ahna u horumariyo doorkooda siyaasadeed, bulsho iyo dhaqanba.
---
Gunaanad:
Xisbiga wuxuu mar walba garab taagan yahay dhalinyarada xaqooda ku raadinaya dariiqa sharciga iyo nabadda. Waa in la joojiyaa xarigga sharci darrada ah, loona oggolaadaa dhalinyarada inay si xor ah uga hadlaan waxa ay aaminsan yihiin.
Xisbiga Dhiirrigelinta Dhalinyarada
War-Saxaafadeed
Xisbiga Dhiirrigelinta Dhalinyarada oo ka mid ah Madasha Samata Bixinta Soomaaliyeed waxa uu si weyn u soo dhaweynayaa shirka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Samata Bixinta iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu gorfeynayo arrimaha masiiriga ah ee dalka, laguna doonayo xasillooni siyaasadeed, midnimo qaran iyo xal waara oo laga gaaro xaaladaha cakiran ee dalka.
Xisbiga wuxuu aaminsan yahay in is-afgarad iyo wada hadal ay yihiin tubta keliya ee lagu gaari karo horumar, dowladnimo hufan, iyo xasilooni siyaasadeed oo waarta. Waxaan bogaadinaynaa dadaallada ay wadaan madaxda madasha iyo dowladda federaalka, anagoo ku baaqeyna in la ilaaliyo danta guud, cadaaladda, iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.
Xisbiga Dhiirrigelinta Dhalinyarada wuxuu mar walba garab taagan yahay geeddi-socod kasta oo u adeegaya danaha shacabka, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah mustaqbalka dalka.
Wa Bilaahi Towfiiq.
Xisbiga Dhiirrigelinta Dhalinyarada
Madasha Samata Bixinta Soomaaliyeed
Cabdulle iyo dadka cali guudlaawe taageeraayo maxaa kala qabsaday
: Sidan ayaa loo qaybsaday ergooyinka dhammaystirka & dhismaha maamulka ay wadaagi doonaan SSCKH iyo Maakhir.
1- Dhulbahante: 138 ergay
2- Maxamuud Harti: 135 ergay
3- Fiqishini: 19 ergay
4- Siwaaqroob: 4 ergay
5- Ugaaslabe: 4 ergay
6- Dir: 1 ergay
7: Kaskiiqabe: 2 ergay
8: Geri: 3 ergay
9: Axmed Harti: 2 ergay
10: Madhigaan: 2 ergay
Wadarta ergada 301.
Maxay kula tahay.?
Maxkamada Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa dib ugu celisay Buubaal Maxamuud beyele,oo guri xoog looga heystay muddo 20-sanno ah waxana go’aanka maxkamadda fuliyey Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Mahadaay Kabtan Suleymaan Cowseey.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Address
Miir Toqwo
