Ministry of Petroleum and Mineral Resources, Somalia

Ministry of Petroleum and Mineral Resources, Somalia

Share

This is the official page of the Ministry of Petroleum and Mineral Resources , Somalia.

Photos from Ministry of Petroleum and Mineral Resources, Somalia's post 07/05/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta DFS Mudane Maxamed Xaashi Carabeey ayaa shir guddoomiyay shirka Agaasimayaasha Wasaaradda, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha hortabinta u leh Wasaaradda, xoojinta wada shaqeynta, iyo kor u qaadidda waxqabadka guud ee hay’adda.

Mudane Agaasimaha Guud ayaa Agaasimayaasha ku adkeeyay in la labanlaabo dadaallada shaqo, lana dardargeliyo fulinta qorshayaasha Wasaaradda si bulshada loogu adeego si hufan oo waxtar leh.

Intii uu socday kulanka, waxaa lagu soo bandhigay warbixinta waxqabadka saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan, iyo sidoo kale qorshaha shaqo ee saddexda bilood ee soo socota. Warbixinnada ayaa looga dooday waax waax, iyadoo si qoto dheer loo falanqeeyay waxqabadka, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha u degsan waax kasta si loo gaaro himilooyinka Wasaaradda.

Photos from Ministry of Petroleum and Mineral Resources, Somalia's post 02/05/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta, Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa ka qeyb galay munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka (1-da May) oo lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda shaqaalaha iyo horumarinta xirfadaha, iyadoo la qaadanayo hal-ku-dhegga: Xoojinta shaqaalaha Soomaaliyeed iyada oo loo marayo shaqo hufan iyo kor u qaadidda xirfadaha.

Mudane Carabeey ayaa xusay in iskaashi dhexmara dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay uu muhiim u yahay horumarinta shaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo, gaar ahaan qeybaha batroolka iyo macdanta.

Photos from Ministry of Petroleum and Mineral Resources, Somalia's post 30/04/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta XFS, Mudane Maxamed Xaashi Carabey, ayaa ka qeyb galay munaasabadda xuska 10-guurada Kuliyadda Culuumta Dhulka iyo Deegaanka ee Jaamacadda Benadir.

Munaasabadda waxaa ka hadlay mas’uuliyiin iyo marti sharaf, iyagoo xusay doorka kuliyaddu ku leedahay horumarinta aqoonta iyo diyaarinta xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ku takhasusay kheyraadka dabiiciga ah iyo ilaalinta deegaanka.

Agaasimaha Guud ayaa bogaadiyay guulaha kuliyadda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda Waaxda Petroleum Engineering oo muhiim u ah mustaqbalka sahminta iyo soo saarista shidaalka dalka.

12/04/2026

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Dabiiciga ah, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa wareysi uu bixiyay ku xaqiijiyay in ceelka shidaalka ee Curad-1 uu ku yaal badda Soomaaliya, gaar ahaan xeebaha Dowlad Goboleedka Galmudug, inta u dhexeysa magaalooyinka Mareeg iyo Xarardheere.

Wasiirku wuxuu xusay in ceelkan uu ku yaal meel ka fog xeebta, qiyaastii 275 km gudaha badda, taas oo ka dhigeysa mashruuc qodis oo heer caalami ah.

Mashruucan ayaa ah mid taariikhi ah, maadaama uu yahay qodistii ugu horreysay ee shidaal badeed ah (offshore) ee Soomaaliya, waxaana la filayaa inuu door weyn ka qaato horumarinta dhaqaalaha dalka iyo kobcinta khayraadka dabiiciga ah.

10/04/2026

Madaxweyne Xasan Sheekh "Kheyraadka dalkeenna oo shidaalku ka mid yahay ma noqon doono mid dadkeenna isku dira, ee waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya oo dowladnimadeenna kor u qaada.”

10/04/2026

Madaxweyne Xasan Sheekh “Shacabka Soomaaliyeedow, waxaan idiin caddeynayaa in ay DFS ka go’an tahay in kheyraadka dalkani si hufan oo caddaalad ah loo maamulo.”

10/04/2026

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud “Malyan sano ka badan ayuu shidaalka dhawaan la soo saari doono ku jiray dalkeenna, mana jirto cid ka faa’iideysatay, innagana dadkeenna waxay u dhimanayaan baahi.”

Photos from Ministry of Petroleum and Mineral Resources, Somalia's post 10/04/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaysoo dhaweynta Markabka ÇAĞRI BEY oo bilaabaya Qodista Shidaalka Soomaaliya.

10/04/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud: “Isku dayga sahanka shidaalka waxaan soo bilownay 2013, maantana waxaan joognaa guul weyn, balse waxaan kasoo gudubnay caqabado iyo kuwa diiddan in kheyraadkeena aan soo saarno.”

10/04/2026

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre: “Guusha maanta la gaaray waxay ku timid go’aan adag iyo talo-saarasho Alle, waxaana ka guureynaa amni-darradii iyo dhaqaale-xumadii.”

10/04/2026

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee dalka Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilaabashada Qodista Shidaalka Soomaaliya.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadish?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Ex Baarlamaan
Mogadish

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00