Taariikhda Soomaalida
Qeybtii 5aad
Diiwaanka Taariikhda
Waa bog ka hadla dhacdooyinka sooyaalkii tagay ee umadda iyo odoroska waxa soo socda
Habeen Wanaagsan Asxaabta guud ahaan.
Galab Wanaagsan asxaabta. Diiwaanka Taariikhda mar walba wuxuu heegan u yahay inuu idiin soo gudbiyo macluumaad taariikhi oo la xariira siyaasada, tacliinta, arimaha bulshada iyo horumarka.
Ku taxnow bogaan oo hel akhbaar sugan.
01/07/2022
Farqiga u Dhaxeeya 26, June iyo 1st july 1960.
〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️〰️
Maalmo ku taariikheysan helista gobonnimo iyo xoriyad, helista neecaawda xornimada iyo yegleelida qaran Somaaliyeed iyo ka mid noqoshada aduun weynaha. Mahadi haka gaarto halgamayaashii dhaliyay xorriyada.
Aan u soo daadago dulucda faalladayda oo ah inaan iftiimiyo maalmahaan xoriyadeed iyo mid walba waxa ay ku astaysantahay si loo kala fahmo.
26 June, 1960 waa maalintii ay gobollada waqooyi ee Somalia (Somaliland Protoctraite)
ay xurriyada ka qaateen gumaystihii Britishka 🇬🇧 ee dhulkaas xukumayay. Waa maalintii ugu horeysay ee calan soomaaliyeed 🇸🇴 laga taagay dhul soomaaliyeed oo xor ah, waxaana laga taagay beerta xorriyada Hargeysa.
Reer waqooyigu waxay talo ku goosteen in ay walaalahooda koonfurta la midoobaan oo iyagana la asteeyay in xoriyadda qaataan 1da Lulyo, 1960.
1da Lulyo, 1960 waa maalintii ay gobollada koonfureed ee Somalia ay xurriyada ka qaateen gumeystihii Italy 🇮🇹 (Italian Trustsheep) ee xukumayay koonfurta. Sidoo kale waa maalintii israaca iyo midnimada gobollada waqooyi iyo kuwa koonfureed. Waxaana halkaasi ka dhashay Jamhuuriyadii Soomaaliya 🇸🇴 (Somali Republic).
W/Q Abdullahi Hassan Sharif
Falanqeeye Arrimaha Taariikhda ah
Barnaamijka Taxanaha Taariikhda Soomaalida
Qeybta 2aad
Qeybta 1aad
Taariikhda Somalida
Wareysi kooban oo ku saabsan Taariikhda Aasaaskii iyo Halgankii Ururkii Gobonimadoonkii 15 May, 1943.
Waxaa falanqeeynaya Ustaad Cabdullaahi Xassan Oo darsa arimaha taariikhda.
Source: Radio Himilo
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Wadnaha
Mogadisho
252
