20/02/2026
Aabe hodan ah aabe saboola
Kala duwanaansho ayaa u dhaxeeya in aad sabool tahay iyo in aad gacan-marantahay. Gacan-marnaantu waa wax laga gudbo,saboolnimaduse waa abid.
Saboolka iyo dabaqadda dhexe lacagta (darteed) ayay u shaqeeyaan. Dadka Hodanka ahi waxa ay leeyihiin lacag taas oo ayaga u shaqaysa.
Saboolka iyo dabaqadda dhexe dadka ahi, lacagta ayay u shaqeeyaan Hodanka lacagtooda ayaa u shaqaysa.
Dadka in badan ayaa dhaha, anigu lacagta ma daneeyo haddana maalin iyo habeenba waa ay shaqaynayaan.
Muhiimaddu ma ahan badnaanta lacagta ku soo gasha, ee waa inta aad ka kaydin kartid lacagta kusoo gasha.
Hadii aad hodannimo doonaysid, waa in aad dhaqaalaha(lacag-samaynta) taqaanid.
Dadka hodanka ah hanti ayaa ay tacbaan. Saboolka iyo dabaqadda dhexe deyn ayaa ay tacbaan ayaga oo u qaba in uu hanti yahay.
Hanti waa waxa lacag jeebkaaga soo galiya. Kharash waa waxa jeebkaaga lacag ka saara.
Hodanku hanti lacag soo gelisa ayaa ay samaystaan, saboolka iyo dabaqadda dhexe na qarash lacag ka qaadanaya ay samaystaan.
Xusuusnoow xeerka dahabiga ah. Qofka dahab(lacag) haysta ayaa xeerka dajiya.
Cabsida ka duwanaanshaha dadka ayaa dadka intooda badan ka hor istaagta raadinta waddooyin cusub oo ay dhibtoodaku xallin karayaan.
Hodanku waxa ay diiradda saaraan hanti lacag soo gelisa halka dadka kale diiradda saaraan dhaqaalaha soo gala.
Rafaadka dhaqaale waxa uu inta badan ku yimaadaa dad noloshooda oo dhan dad kale u shaqeeya.
Haddii aad lacagta u shaqaysid(shaqaale tahay) waxa aad awoodda siinaysaa qofka aad u shaqaysid.
Haddii lacagu kuu shaqayso, adigaa awoodda leh oo wax maamula.
Dollar kasta oo aag maalgalisid waxa uu kuu noqon shaqaale hawlkar ah kaas oo kuu abuuri doona shaqaalayaal kale oo badan, cidda lehna u iibin doona porche(nooca gawaarida qaaliga kamid ah.
Dunjda dhabta ah, qofka guuleysta ma aha midka garaadka sarreeya balse waa kan geesinimada leh.
Hantida ugu wayn ee aan dhammaan wada haysano waa maskaxdeena. Hadii aynu tababarno ,hodannimo aan dhammaan ayaa ay noo keeni kartaa. Hadii aynaan tabab barinna, dayn iyo saboolnimo aan dhammaan oo jiilal u gudubta ayay inoo keeni kartaa.
Aqoonta dhaqaalo samaysantu waxa ay ka koobantahay๐
1-Aqoonta xisaabaadka.
2-Maalgashiga.
3-Fahanka suuqa.
4-Sharciga.
Meel kasta halis ayaa taalla, baro sida halista looga baxo intii aad iska ilaalin lahayd.
U shaqee in aad waxbarato ha u shaqayn lacagta.
Shaqaalayaashu waxa ay u dhabar jabaan si aan shaqada looga cayrin, halka shaqaalaysu-yeyaashuna baxshaan lacag ka ilaalinaysa in shaqaaluhu shaqada ka tagaan.
Waxaan aan wax u baranno waa in aan helno wax ka wanaagsan waxa aan haysano.
Samee waxa aad qalbigaaga ka dareentid in uu saxanyahay, markasta dadku waxbay kaa sheegi doonaan. Waa lagu maagin haddaad wax samaysid, waana lagu maagin haddaadan waxba samaynin.
Nolosheennu waxa ay sawir ka bixisaa dhaqamadeenna in ka badan inta ay sawir ka bixiso aqoonteenna.
Kala duwanaanshaha u dhaxeeya hodanka iyo saboolka waa sida ay u maareeyaan cabsida
Qof walba in uu janno galo ayuu doonayaa balse cidna in ay dhimmato ma ogola.
Sababta dadka intooda badani aysan u gaarin guul dhaqaale waa, xanuunka lacag-khasaaridda ayaa kaga daran farxadda hodan noqoshada.
Guuleystayaasha guuldarradu waa ay dhiirrigalisaa. Ma-guulaystayaasha guuldarradu waa niyad jabisaa.
Dahab ayaa meelkasta dhooban. Dadka intooda badani uma tababarna in ay arkaan.
Note Abdisalam Abdullahi Ali
29/03/2025
Ciid wanaagsan dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbood dunida ka joogtaan.
Ciid wanaagiisa Ciida.
29/03/2025
Nabadgelyo Ramadan:
Marka bisha Ramadaan dhammaadkeeda soo dhowdahay, waxaan niraahnaa, "Ramadaan wuu tegayaa!" Laakiin waa inaanan iloobin in Ramadaan uu soo laaban doono, kuwa uu Alle u qorayna ay mar kale arki doonaan. Kuwa ka hor geeriyooda Ramadaanka xiga, iyaga ayaa run ahaantii tegay.
27/03/2025
Sheekh Cabdi Rashiid Sh.Cali Suufi ayaa yiri: Ma dhicin weligeed in salaada Taraawiixda juzzki aan habeenkaas ku tujin lahaa inaan maalintii iska sii fiiriyo...
Isagoo ka sheekeynaya sida uu heerkaas ku gaaray wuxuu yiri: markii aan dugsiga dhigan jiray, waxaan aheyn walaalo badan, reerkeenna hal jeer kaliya ayaa la wada qadeyn jiray, qofki maqan sidaas ayey ku dhaaftay, haddana waxaa dhici jirtay in jacayl aan Qur'aanka u qabo dartiis in aanba qadada iska ilaawo, oo casiradii soo baraarugo... Waxaan sujuudda Alle uga baryi jiray inuu Qur'aanka i jecleysiiyo, Qur'aanka i baro...
Markii aan Qur'aanka xifdiyay, waxaan go'aansaday inaan loox dib ugu qoro, si uu qalbigeyga u galo. Bogga aan looxa ku qoray waxaan akhrin jiray afartan jeer (40), haddana marka aan tiiriyo oo uu qalalo bogga kale ayaan ku qori jiray, kii h**e inta aan haddana dhaqin waxaan dib u akhrin jiray afartan jeer, ilaa Qur'aanka oo dhami uu sida Faataxada ii noqday.
Sheekha alle ha xifdiyo, inagana Qur'aanka ha ina jeclaysiiyo.
โ๏ธ Khadar Yusuf
27/03/2025
Wuxuu ku guuldareystay inuu hooyadiis ku qanciyo diinta Islaamka muddo 17 sano ah ka dib markuu Muslim noqday, ilaa ay ku gaadhay sariirta xanuunka oo dhimashadu u soo dhowaatay.
Wuxuu yidhi: Waxaan ku dedaalayay inaan si deggan ugu sheego diinta, anigoo si tartiib tartiib ah ugu sharraxaya Islaamka. Waxaan ku idhi:
Hooyo, ma u malaynaysaa in koonka uu leeyahay abuure?
Ma u malaynaysaa in Ilaahay rasuul u soo diray dadka si ay inoo hanuuniyaan?Maalin maalmaha ka mid ah ayay hooyaday tidhi: Haa, waan aaminsanahay taas!!
Markaas ayaan aad ugu farxay, waayo ugu dambayn way rumaysay Ilaahay iyo rusushiisa. Waxaan is-idhi: Waxaa laga yaabaa inaan u helo cudurdaar, markaasna aan u duceeyo oo xitaa imaamka ku qanciyo in Muslim ahaan loo aaso.
Laakiin wiilkayga oo 14 jir ah ayaa igu yidhi: Taasi kuma filna!! Waa inay shahaadada ku dhawaaqdaa.
Waan ka cabsaday dadaalka wiilkayga igu guulay, si aanay hooyaday u adkaysan diidmadeeda Islaamka. Laakiin wiilkaygu wuxuu igu yidhi:
Ha welwelin, Aabe! Aniga ayaa la hadlaya.
Wuxuu u kacay qolkeeda, wuxuuna la joogay saacad dhan, aniguna banaanka ayaan taagnaa anigoo cabsanaya oo is-waydiinaya:
Ilaahayow, maxaa dhacay? Ma aqbashay? Mise way diiday?
Kadib wiilkayga wuu soo baxay, wuxuuna igu yidhi: Wax dhiba ah ma jiraan, way ku dhawaaqday shahaadadii.
Waxaan ku idhi: Ma Carabi ayay ugu dhawaaqday?
Wuxuu igu jawaabay: Haa, Carabi ayay ku tidhi, si sax ah oo dhamaystiran, oo dhib laโaan ah.Kadibna dhowr maalmood ka dib ayay dhimatay iyadoo Ramadaan lagu jiro โ Alxamdulillaah.
Saddex bilood ka dib geerideeda waxaan awooday inaan ugu xajiyo iyada magaceeda. Waxaan sidoo kale soo jeediyey barnaamij diineed, waxaana u duceeyay kumanaan dad ah. Qof baa iyada magaceeda masaajid ku dhisay, qaar kalena waxay sadaqo ahaan ugu bixiyeen agoomo iyada darteed. Alxamdulillaah.
Kahor Islaamkiisa, Rahim Jan wuxuu ka mid ahaa fannaaniinta ugu caansan ee muusiga, wuxuuna la shaqeeyay shirkadaha muusiga ugu waaweyn iyo heesaayaasha caanka ah caalamka. Waxa uu lahaa wax kasta oo laga helo adduunka: lacag, magac, iyo raaxo.
Laakiin mar uun ayuu akhriyay Qurโaanka, wuxuuna yidhi:
Waan ogaaday in kitaabkani si la yaab leh u garanayo waxa aan markaas u baahnaa, xilligaas iyo marxaladdaas.Kadib markii uu Muslim noqday, wuxuu la kulmay imtixaan culus โ waa inuu doortaa inta u dhaxaysa:
Lacag, magac, iyo dhalanteedka raaxada adduunka ee xaaraanta ah, Ama in Islaamnimadu ay qalbigiisa degto kuna raaxaysto qalbigiisu.
Wuxuu goโaansaday inuu doorto Islaamka, wuxuuna iska daayay muusiga, mashruuciisiina wuu ka tagay, wuxuuna guursaday gabar Muslimad ah. Ilaahay wuxuu siiyay shan carruur ah โ wiilal iyo gabdhoba โ oo uu maanta barayo sida ay ugu dhaqmi lahaayeen waxa Ilaahay faray.
Ku Salli Suubanaheena Muxamed
ุงฺูููููพูู
ูู ุตููู ููุณููููููููู
ู ููุจูุงุฑู ุนููููู ููุจููููููุง ู
ูุญูู
ูุฏู๏ทบ โจ๐
24/03/2025
Xaaska madaxweynihii xilka laga tuuray ee Suuriya Asma Al Akhras ayaa ninkeeda Bishaar asad markii 3-aad ka dalbtay in uu furo si ay uga tagto meesha ay qaxoontiga ku yihiin ee Ruushka.
Waxay taagan tahay " War inkaar qabe anigu qaxoonti kula ahaan maaye i fur dunida nolol raadsadee oo aan ciriiriga nolosha Ruushka ka raystee "
Adduunyadu waa taas !
Asma Al Akhras waa Suuriyaanad ku dhalatay, waxna ku baratay, haysatana dhalashada dalka Ingiriiska .
Waxay dawladda Ruushka ka codsatay in laga furo Bishaar Al-Asad oo ay hadda nacday ka dib markii ay ka wayday noloshii madaxnimada, raaxadii iyo ladnaantii ay ku qabtay Qasrigii madaxtooyada Dimishiq .
Waxay ku doodaysaa in aanay sii joogi karin Ruushka oo ay doonayso inay inta nolosheeda ka hartay inay ku nooaato London iyo dhulkii ay ku soo qaadatay nolosheedii caruurnimada .
Arrinkan sidoo kale waxa dabada ka riixaysa hooyadeed oo qayb ka ah qorshaha ay ku doonayso inay iska furto madaxweynaha qaxoontiga noqday.
Soddohdu waxay qudheedu leedahay gabadhayda nin qaxoonti noqday ma sii qabi karo ee madaxdeeda halloo fasaxo!
Waxay xoguhu tibaaxayaan in dawladda Ruushku aad u diiddan tahay in la kala furo Bishaar iyo Asma .
Sababta uu Ruushku u diiddan yahay in labadan qof la kala furo ayaa ah cabsi laga qabo in ay hadhow afka furato oo ay bixiso sir badan oo Asad ku saabsan.
Waayo qofta markay dhalaalkii iyo ladnaantii Adduunyo wayday furrriin dalbatay sir ma sii hayn doonto.
Sidaas oo ay tahay Asma waxa saaran cuna qabtayn ay Midowga Yurub iyo Ingiriiskuba ku soo rogeen balse haddii la soo furo oo ay Garoob noqoto waa mid meesha ka bixi lahayd. Macnaha waa layska cafinayaa .
Dumarow in ragga xiliga baraaraha laysku dhejiyo marka la waayana laga cararaa maaha xaajo wacane bal halkaas dib ugu laabta LOL.
Adduunyadu waa taas ! .
By - Cabdullahi xasan .
21/03/2025
Dhakhtarad Sacuudiyad ah ayaa waxay tiri; Waxaa ii yimid nin 30 jir ah oo magaciisa iigu sheegay Muxamed, wuxuu waday hooyadiis oo uu xanaaneynayay wuxuuna ka cabsanayay iney ka cararto.
Hooyadiis waxay ila ekayd qof dhimirka ka xanuunsan waayo khamaarka (masarka xijaabka) ayay mararka qaar iska tuureysay asna dib ayuu ugu celinaayay, gacanta ayay ka qaniineysay asna wuu u dhoola cadeynaayay, wajiga ayay candhuuf kaga tufeysay asna wuu iska tiraayay.
Waxaan weydiiyay qofka ay tahay wuxuu ii sheegay in Hooyadiis tahay, markaa ayaan weydiiyay waxa ku dhacay? Wuxuuna igu yiri; Ayadoo caqligeeda nusqaan yahay ayay dhalatay.
Waxaan weydiiyay sidee macquul ku noqotay in ayadoo xaalad nuucaas ku jirto in asiga dhasho?
Wuxuu iigu jawaabay; Awoowgey ayaa aabahey ku daray waa intaasoo guurka kadib xaalkeeda isbadalaaye.
Balse bilooyin kadib aabahey wuu furay Hooyo wuuna xamili waayay, Hooyana waqtigaas waxay laheyd uurkeyga wey i dhashay balse markaan 10 jir noqday ilaa haatan anigaa u adeego ayada oo cuntada u kariyo, dharka u dhaqo, howl walbana u qabto, markaan rabo inaan seexdo lugteeda iyo lugteyda ayaan isku xiraa anigoo ka cabsi qabo intaan hurdo iney orodo kadibna aan waayo.
Markaas ayaan ku dhahay; Hooyadaa adiga maku taqaanaa ugu yaraan ma ogtahay inaad wiilkeeda tahay?
Wuxuu ugu jawaabay; Maya walaahi ma oga inaan wiilkeeda ahay, balse Allihii na abuuray wuu ogyahay iney hooyadey tahay.
Dhakhataradii waxay tiri; Baarinimada wax badan ayaan maqlay laakiin maanta waxaan arkaa wiil dhalinyaro ah oo hooyadiisa aysan aqoonin balse noloshiisa oo dhan hoosgeeyay ayada, wuxuu go'aansaday inuu u khidmeeyo ilaa iyo inta ay geerida kala geyneyso, wuu awooday inuu geeyo goobaha dadka waalan lagu xanaaneeyo, balse wuxuu doonay inuu u turo una naxariisto hooyadiis si albaabka janada uu marwalba ugu furnaado noloshiisa.
W/Q Hudaifa