๐๐ถ๐ถ๐ฑ ๐ ๐๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ธ! ๐
Isbitaalka De Martino Hospital wuxuu ku wargelinayaa bulshada Soomaaliyeed inuu qabanayo olole qaliin bilaash ah kaas oo ah Qaliimada isku furanka Dumarka, Burooyinka & Minka Waana Lacag la'aan, Waxaa fulinayaan dhakhaatiir Ajaaniib khibrad leh .
Isdiiwaan galintu wey socota
๐ Taariikhda: 11 June โ19 June
โ
Qaliinnada: Bilaash (Free)
๐ Goobta: De Martino Hospital
De Martino Public Hospital
Demartino Public Hospital is a beacon of healthcare excellence in Somalia, dedicated serving people
26/05/2026
๐๐ถ๐ถ๐ฑ ๐ ๐๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ธ! ๐
Maamulka iyo dhammaan shaqaalaha De Martino Public Hospital waxay shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa. Waxaan idiin rajeyneynaa ciid farxad, caafimaad, nabad iyo barwaaqo leh. Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan, hana idinka yeelo kuwii ku ciida bashbash iyo reynreyn.
22/05/2026
Agaasimaha Guud ee De Martino Public Hospital, Dr. Abdirahim Omar Amin, ayaa xarunta xuquuqda bukaanka ee dhowaan lagu soo kordhiyay isbitaalka ku soo dhoweeyay wafdi ka socday WHO.
Wafdiga ayaa kormeer ku sameeyay adeegyada cusub ee loogu talagalay ilaalinta iyo daryeelka xuquuqda bukaannada, iyagoo bogaadiyay horumarka iyo dadaallada lagu xoojinayo tayada adeegyada caafimaad ee isbitaalka
De Martino Public Hospital wuxuu sii wadaa horumarinta adeegyada caafimaadka iyo ilaalinta xuquuqda bukaanka si loo xaqiijiyo daryeel caafimaad oo tayo leh.
Geesiyaasha aamusan ee bulshada maalin iyo habeen waxay u taagan yihiin badbaadinta nolosha, daryeelka bukaanka, iyo rajada bulshada.
Maalinta Kalkaalisooyinka Adduunka awgeed, waxaan si weyn ugu mahadcelineynaa dhammaan nurses-ka dadaalkooda, samirkooda, iyo naxariistooda aan dhammaadka lahayn.
Waxaad tihiin laf-dhabarta adeegga caafimaadka.
Hambalyo International Nurses Day.
12/05/2026
Maalinta Kalkaalisooyinka Adduunka awgeed, waxaan qadarin iyo mahadnaq u direynaa dhammaan kalkaalisooyinka si hagar laโaan ah ugu adeegaya bulshada.
Daryeelkiinna, samirkiinna, iyo naf-hurnimadiinnu waa tiirka adeegga caafimaadka.
Hambalyo dhammaan nurses-ka geesiyaasha ah ee habeen iyo maalin u taagan badbaadinta nolosha.
11/05/2026
Bandhigga Buugga Caafimaadka Carruurta iyo Dhallaanka ayaa maanta si rasmi ah loogu qabtay Jowhara Hotel, waxaana soo bandhigay Prof. Cumar Mohamud Abiikar oo ah Madaxa Qeybta Carruurta. Buuggan ayaa diiradda saaraya horumarinta adeegyada caafimaadka carruurta iyo dhallaanka, isagoo xoojinaya muhiimadda daryeel caafimaad oo tayo leh iyo kor u qaadista wacyiga bulshada.
Munaasabadda waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud Isbitaalka Abdirahim Omar Amin, Agaasime ku xigeenka, dhakhaatiirta, iyo shaqaalaha isbitaalka, kuwaas oo si weyn u bogaadiyay dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka.
Ugu dambeyn, bandhigga waxaa si rasmi ah u soo xiray Agaasimaha Guud ee Isbitaalka, isagoo ka hadlay muhiimadda uu buuggan u leeyahay kor u qaadista aqoonta caafimaadka carruurta iyo dhallaanka, isla markaana tilmaamay in uu door weyn ka qaadan doono hagidda adeegyada caafimaad iyo wacyigelinta bulshada.
๐๐๐ซ๐๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐
Daawo muuqaalkaan oo ay kaga waramayaan bukaano ka faaโideystay ololaha qaliinka lacag laโaanta ah ee ka socda isbitaalka. Adeeggaan caafimaad wuxuu iftiin cusub u noqday dad badan oo u baahnaa gargaar caafimaad iyo daryeel tayo leh.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Ali Haji Adan, ayaa qudbad muhiim ah ka jeediyay munaasabadda xarig jarka iyo daahfurka adeegyada cusub ee laga hirgeliyay De Martino Public Hospital.
Wasiirka ayaa bogaadiyay horumarka iyo casriyeynta lagu sameeyay isbitaalka, gaar ahaan adeegyada CT Scan, Blood Bank iyo qeybta sheybaarka, isagoo xusay in horumarradan ay qeyb muhiim ah ka yihiin dadaallada dowladda ee lagu tayeynayo adeegyada caafimaadka dalka iyo kor u qaadidda adeegyada ay helaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Dr. Ali Haji Adan ayaa dhiirrigeliyay maamulka, dhaqaatiirta iyo shaqaalaha De Martino Public Hospital, isaga oo adkeeyay in Wasaaradda Caafimaadku ay sii wadi doonto taageerada iyo horumarinta xarumaha caafimaadka dalka si loo xaqiijiyo adeeg caafimaad oo tayo leh, hufan, isla markaana loo siman yahay.
Agaasimaha Guud ee De Martino Public Hospital, Dr. Abdirahim Omar Amiin, ayaa qudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay munaasabadda xarig jarka iyo daahfurka adeegyada cusub ee laga hirgeliyay isbitaalka.
Agaasimaha ayaa ka hadlay horumarka ballaaran ee lagu sameeyay qeybaha kala duwan ee isbitaalka, gaar ahaan adeegyada CT Scan, Blood Bank iyo casriyeynta qeybta sheybaarka, isagoo xusay in adeegyadan cusub ay sare u qaadayaan tayada adeegyada caafimaad ee la siinayo bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Dr. Abdirahim Omar Amiin ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Caafimaadka, maamulka, dhaqaatiirta iyo shaqaalaha isbitaalka dadaalka wadajirka ah ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, isaga oo adkeeyay in De Martino Public Hospital ay sii wadi doonto bixinta adeeg caafimaad oo hufan, tayo leh, isla markaana la jaanqaadaya baahiyaha bulshada.
06/05/2026
Munaasabad ballaaran oo xarig jarka iyo daahfurka adeegyo caafimaad oo casri ah ayaa maanta si heer sare ah uga qabsoontay De Martino Public Hospital, taas oo muujineysa horumar muuqda oo laga sameeyay adeegyada caafimaadka ee isbitaalka.
Munaasabaddan ayaa lagu daahfuray adeegyo muhiim ah oo ay bulshada baahi weyn u qabeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin CT Scan casri ah oo lagu sameynayo baaritaanno sax ah, Blood Bank la casriyeeyay oo ka qeyb qaadanaya badbaadinta nolosha bukaannada, iyo sidoo kale dib-u-habeyn iyo tayeyn lagu sameeyay qeybta sheybaarka si loo hubiyo adeegyo baaritaan oo degdeg ah oo la isku halayn karo.
Xarig jarka munaasabaddan qiimaha leh waxaa si rasmi ah u sameeyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Ali Haji Adan, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Agaasimaha Isbitaalka Dr. Abdirahim Omar Amiin, ku xigeenkiisa, madaxda qeybaha kala duwan iyo shaqaalaha isbitaalka.
Agaasimaha Isbitaalka, Dr. Abdirahim Omar Amiin, ayaa si rasmi ah u daahfuray qeybahan cusub, isagoo si qoto dheer uga hadlay horumarka ballaaran ee isbitaalka, qorshayaasha mustaqbalka, iyo sida adeegyadan cusub ay u xoojinayaan awoodda isbitaalka ee bixinta daryeel caafimaad oo tayo leh, degdeg ah, isla markaana la jaanqaadaya baahiyaha bulshada.
Wuxuu sidoo kale xusay in casriyeenta lagu sameeyay qeybaha CT Scan, Blood Bank iyo sheybaarka ay sare u qaadi doonto kalsoonida bulshada iyo tayada adeegyada caafimaad ee la siiyo bukaannada, isla markaana yareyn doonto baahida loo qabo in bukaannadu u safraan dibadda.
Ugu dambeyn, munaasabadda waxaa soo xiray Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Ali Haji Adan, oo si weyn u bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha De Martino Public Hospital dadaalka joogtada ah ee ay ku horumarinayaan adeegyada caafimaad. Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda ay ka goโan tahay xoojinta kaabeyaasha caafimaadka dalka, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada ay siiso isbitaallada si loo hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeeg caafimaad oo casri ah, tayo leh, lana gaarsiiyo qof walba.
Munaasabaddan ayaa ku soo gabagabowday jawi farxad leh iyo rajo cusub oo ku aaddan horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka, gaar ahaan De Martino Public Hospital oo door muuqda ka qaadanaya daryeelka bulshada.
05/05/2026
Maanta waa World Midwife Day
Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan umulisooyinka naftooda u huray badbaadinta hooyooyinka iyo dhallaanka. Doorkiinnu waa mid qiimo badan oo aan la ilaawi karin.
โUmmuliso ma aha shaqo oo kaliya, waa wicitaan iyo naxariis.โ
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Via Londra Road, Hamar Jajab
Mogadisho
