04/05/2026
BARIGA DHEXE: CAWADA MIDIYAHA AYAA LA ISU SAHANAYAA...!!!
Xogo Sirdoon ayaa sheegaya in laga yaabo in dagaalkii Israel iyo Mareykanka oo dhinaca iyo Iran dib u billoowdo saacadaha soo aaddan
Galabta, Maraakiib Mareykan ah ayaa u dhaqaaqay dhanka Hormuz ayadoo loo badinaayo in ay ka laabteen kaddib Markii Irantu ku hanjabeen iney weerarayaan
Trump ayaa sheegay inuu Abuuray isbaheysi furaya Hormuz, oo maraakiibta xayiran Galbinaaya
Cawada Iran waxa ay weerartay UAE, ayadoo wararka qaar sheegayaan inaan weerarku Iran ka imaan
CNN ayaa isna tabinaaya in gantaalihii galabta ay celiyeen Difaacyo Israel u rakibtay Imaaraatka....!!!
19/04/2026
TRUMP OO SIDIISII WAX ISKU QASAYA
Qoraal dheer oo uu soodhigay Bartiisa Truth Social ayuu xogo badan oo isku dhafan nagula wadaagaayaa, Haddaan soo koobno
1. Iran ayuu ku eedeeyay ineey Jabisay Heshiisyadii, ayadoo rasaas ku ridday maraakiib laga leeyahay Faransiiska iyo Ingiriiska
2. Go'doominta Mareykanku ku sameeyay dekedaha Iran oo uu sheegay iney qasaaro $500 Million oo dolar ah maalinkii ku tahay Iran, Asagoo sheegay inaan Mareykan waxba ka lumeyn, taa baddalkeedana uuba Faa'iido ku qabno xirnaanta marinka
3. HANDADAAD IYO HESHIIS DALAB: Wuxuu sheegay in Wakiiladu mareykanku aadayaan Islamabad, Pakistan si loo sii wado wada xaajoodka, wuxuu sheegay asagoo GOODDDINAYA; Haddii Iran aqbali wayso "HESHIIS MACQUUL AH OO LA QAADAN KARO OO AY WADAAN" In Mareykanku burburin doono dhamaan "Warshadaha Shidaalka iyo Korontada Iran, sidoo kalena Buundooyinka ay dhulka dhigi doonaan
4. Wuxuu kale oo uu sheegay kuna faanay inuu haayo shaqo ay aheyd madaxdii madaxdii mareykanku 47-dii sano ee lasoo dhaafay iney qabtaan, taasoo ah furfuridda waxa uu ugu yeeray "MAKIINADDA DILKA" ee Iran
18/04/2026
ISGOYS HALIS AH:-
Waxaa lagu jiraa xilli aad u adag oo isha lagu wada haayo saxaafadda caalamka, ayna suurto gal tahay in mar kale iska hor imaadyadii hubeysnaa ee bariga dhexe dib u billoowdaan
Iran ayaa Xirtay marinka Hormuz, Sababtana ka dhigtay inuusan wali mareykanku ka qaadin cuno qabateyntii Dekedaha Iran
Ciidanka mareykanka ayaa sheegay in wali ay saarantahay Xayiraaddu dekedaha Iran ayna tahay iney furaan marinka Hormuz
Maraakiib ayaa maanta la xabadeeyay lagana celiyay marinka Hormuz, waxaana celiyay ciidanka badda ee Iran
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iran ayaa sheegtay in mareykanku ka baxay Ballamadii ayna macquul tahay ineysan la galin wax wada xaajood ah oo dambe
Sidoo kale waxa ay sheegeen inta aan la isu tagin iney qummantahay in waxa laga hadlayo la isla sii ogaado
18/04/2026
BALLAN KA BAX
Iran ayaa sheegtay inuu Mareykanku uga baxay Ballankii ahaa, marka ay furaan Hormuz inaan la carqaladeyn doonin maraakiibta ku jeeda ama ka yimaada Dekedaha iran
Trump wuxuu ku hanjabay inuu duqeymihii dib u billaabi doono
AMAA LOO LAABTAA DUQEYMIHII IYO DAGAALKII
18/04/2026
HORMUZ OO DIB LOO XIRAY
Iran ayaa ku dhawaaqday in marinka Hormuz xiranyahay, kaddib markii Mareykanku ka qaadi waayay go'doomintii uu soo rogay Dekedaha Iran
Iran ayaa sheegtay si marinku u ahaado mid loo wada simanyahay in mareykanku qaado cuno qabateynta saaran Dekedaha Iran, oo wali Mareykanku uu hakinayo maraakiibta u socota ama ka timid Dekedaha Iran
18/04/2026
DONALD TRUMP ayaa sheegay in "War aad u wanaagsan" uu jiri doono oo ku saabsan Iran, wuxuuna ka digay in Xabad joojintu dhamaan doonto Irana uu burburin doono Haddii aan la gaarin illaa Arbacada is waafaqid xiligeedu dheeryahay"
Trump ayaa aad ugu celcelinaya labo sheey oo ah:- Dagaalka waa ku laabaneynaa oo burburineynaa inta Iran ka hartay iyo Iran waa iney nagu soo wareejiso Uraniumta, Trump ayaa Aaminsan in Uraniumtu ay godad hoostood ku jirto oo ay duqeynta ku dumiyeen
Dhanka Kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegtay in Iran aysan ka tanaasuli doonin, wareejinna doonin Uraniumteeda, waxayna sheegtay qaab shuruucda caalamiga ahi qabto iney raaceyso
17/04/2026
KADDIB FURITAANKA HOMRUZ
Kaddib ku dhawaaqiddii Trump in marinku Furmay, iranna ay xaqiijisay, dhamaan maraakiibtu iney maraan ayaa la faray.
Trump ayaa ku kaftamay NATO "Markii aan soo gabagabeeyay Xaalka Hormuz, waxaa isoo wacay madaxda NATO, ayagoo leh maku caawinnaa, waxaan u sheegey iney faraha ila soo galin, Kaliya Shidaalkiima rarta ee Marsiista, Markii loo baahnaa lama helin, SHABEEL WARQAD KU SAWIRAN" (Yacnii waxba ma galaan)
WAXAA MUUQATA IN DAGAALKII BARIGA DHEXE SOO DHAMAADAY, AYADA OO RAGNA GUULEYSTAY RAGNA DHULKA LAGU JIIDAY, KUWANA LA HILMAAMAY
17/04/2026
SAAKA IYO TRUMP
"Waxa macquula iney u noqoto maalin taariikhi ah Lubnaan, waxyaabo wanaagsan ayaa dhacay" Trump
Ayadoo Trump ku dhawaaqay xabad joojin lubnaan ah, ciidanka Lubnaan ayaa soo tabinaya xad gudubyo badan oo Israel ku sameysay xabad joojinta (waa lagu yaqaan, waa arrinkii G*za ay ka sameysay oo ayadoo leh xabad joojin aa jirta ay dadka leyneysay)
Marka dhibaato aad abuurtay joojiso aadna ku tilmaanto Taariikhi WAA CAJIIB
Waxa kale oo Trump sheegay:-
1. In Ciidanki badda ka burburiyeen Iran
2. Wuxuu qiray iney Iran tahay dal Muruq iyo ahaan iyo caqli ahaanba xoogan
3. Iney bubur ku dhawdahay Iran oo labo bil kaliya ay u baahantahay in lasoo afjaro
4. Maraakiibta Mareykanka midkood in 111 Gangaal lagu soo riday uuna dhamaan soo riday
5. Dagaal ma rabo, laakiin waa In Iran Wax walba oo Nuclear ku saabsan meesha ka saarto
16/04/2026
XABBAD JOOJIN AMAR AH
Donald Trump ayaa ku dhawaaqay Xabbad Joojin Lubnaan ah, ayada oo aan Israel talo badan ku leheyn
Kulan Golayaasha Israel qaar ka biyo diideen Xabad joojinta ayaa Qabsoomay, oo Wasiirro badan ayaa diiddan xabbad joojinta
Arrinka Lubnaan ayaa kamid ah Shuruudda Iran, Sidoo kale maanta ayuu Ttump ku dhawaaqay inuu Hoggaamiyayaasha Libnaan iyo Israel kulan fool ka fool ah u qaban doono
16/04/2026
LONGEST DEPLOYMENT RECORD: (HOWL-GAL KU MAQNAAN AMA HEEGAN KU JIRID TII UGU DHEEREED VIETNAM KADDIB)
Markabka USS Gerald R. Ford ayaa noqonayaa Kaddib Dagaalkii Vietman Markabkii waqtiga ugu dheer ku jira Howlgal, Howlgal waxaa lagu qeexaa howl Ciidan oo loo baxay, oo aan wali Markabkaas loo helin nasiino lagu damiyo oo shaqooyin looga qabto ama lagu nasiyo
IRAN IGU SOO OROD MAAHAN
Xariifkaan wuxuu qeyb ka ahaa soo qabashadii Nicolas Maduro oo ayada dhanba saacado lagu soo gaba gabeeyay, Iran ayaa lasoo kala tuuraa ee xaga tagaa la dhahay, Wali waxaa socda howlgalkii
16/04/2026
ILO AMNI OO PAKISTAN AH: Madaxa Ciidanka Qalabka Sida ee Pakistan Field Marshal Asim Munir ayaa la filayaa inuu Barri oo Jumco ah gaaro Washington, Safarka ayaa qeyb ka ah howsha dhexdhexaadinta ah ee ay ka dhex wadaan Iran iyo Mareykanka
Asim ayaa shalay Gaaray Tehran, ayadoo la filayo Jawaabta uu kala soo kulmay Dhanka Iran inuu la aadi doono Washington
SU'AAL: Tolow Ciidanka Somalidu m leeyihiin Darajada Field Marshal?