26/05/2026
𝐂𝐢𝐢𝐝𝐮𝐥 𝐀𝐝𝐱𝐚 𝐌𝐮𝐛𝐚𝐫𝐚𝐤 🌙🐏
Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxa awgeed, waxan hambalyo iyo bogaadin u direynaa guud ahaan Muslimiinta, dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Gobolka Banaadir, Waxaan Alle SWT ka baryayaa inuu naga aqbalo cibaada iyo acmaasha suuban sidookale waxaan Alle waydiisanayaa in ciiddan ciida xigta nagu gaarsiiyo caafimaad, nabad iyo horumar.
Ciid Wanaagsan.
Maxkamadda Gobolka Banaadir.
23/05/2026
Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay baafinaysaa kuna wargalinaysaa Eedaysaneyaasha kala ah:-
𝟭. 𝗗𝗮𝗮𝗵𝗶𝗿 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 (Maqane ah)
𝟮. 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗫𝘂𝘀𝗲𝗲𝗻 𝗫𝗶𝗿𝘀𝗶 (Maqane ah)
𝟯. 𝗫𝗮𝗯𝗶𝗶𝗯𝗼 𝗖𝘂𝗺𝗮𝗿 𝗪𝗵𝗹𝗶𝘆𝗲 (Maqane ah)
𝟰. 𝗙𝗮𝗹𝗶𝘀 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 (Maqane ah). kuwaasoo dacwad cigaab ah oo ay dinac ka yihiin ka furantahay Maxkamadda Gobolka Banaadir,
Haddaba, Maxkamaddu waxay faraysaa inay ku hor-yimaadaan Maxkamadda Muddo Soddon (30) maalmood gudahood, oo ka bilaabanaysa maanta oo Sabti ah, taariikhduna tahay 23/05/2026, kuna eg Tr: 22/06/2026, oo maalin Isniin ah, saacaduna tahay: (10:00 Am) Subaxnimo, si aad is-kaga difaacdaan eedda uu idinku soo eedeeyay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka.
21/05/2026
Maxakamadda Gobolka Banaadir waxay baafinaysaa kuna wargalinaysaa Eedeysane 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 oo ay dacwad ciqaab ah uu dhinac ka yahay ka furan
tahay Maxkamadda Gobolka Banaadir, waxay Maxkamaddu faraysaa in uu ku hor yimaado Makamadda Muddo Soddon (30) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa maalinta Sabtida ah oo ay taariikhdu tahay Tr: 16/05/2026 kuna eg Tr. 15/06/2026, oo ah maalin Isniin ah, saacaduna tahay 10:00 AM, si aad iskaga difaacdo eedda uu kugu soo eedeeyay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
21/05/2026
𝗨𝗝𝗘𝗘𝗗𝗗𝗢: 𝗔𝗠𝗔𝗥 𝗨 𝗬𝗘𝗘𝗥𝗜𝗧𝗔𝗔𝗡 𝗠𝗔𝗫𝗞𝗔𝗠𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗
Maxkamadda Gobolka Banadir waxaay fareysaa dacweysanaha magaciisa sare ku xusan yahay in uu ku hor yimaado Maxkamadda muddo 80 Maalmood gudahood ah oo ka bilaabaneysa maalinta Khamiista ah oo ay taariikhdu tahay 21/05/2026, saacaduna tahay 08:30 AM ee Subaxnimo, kuna eg maalinta Axadda ah oo ay taariikhdu tahay 09/08/2026, saacaduna tahay 03:00 PM ee Galabnimo.
20/05/2026
Maxakamadda Gobolka Banaadir waxay baafinaysaa kuna wargalinaysaa Eedeysane 𝗡𝘂𝘂𝗿 𝗬𝘂𝘂𝘀𝘂𝗳 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 (𝗚𝗮𝗿𝘄𝗮𝘆𝗻𝗲) kaas oo ay dacwad Ciqaaba oo uu dhinac ka yahay ka furan tahay Maxkamadda Gobolka Banaadir, waxay Maxkamaddu faraysaa in uu ku hor yimaado Maxkamadda Muddo Soddon (30) maalmood gudahood ah, oo ka bilaabanaysa Maalinta ay taariikhdu tahay Tr: 19/05/2026 kuna eg Tr: 18/06/2026, oo ah maalin Khamiis ah, saacaduna tahay: (11:00-Am) Subaxnimo, si aad iska difaacdo eedda laguu heesto.
20/05/2026
Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay ku wargalineysaa dacwaysanad 𝗕𝗶𝘀𝗵𝗮𝗮𝗿𝗼 𝗗𝗮𝗮𝗵𝗶𝗿 𝗡𝘂𝘂𝗿 in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ka taalo dacwad madani ah oo ay qeyb ka tahay.
Sidaas darteed, Maxkamaddu waxay faraysaa dacwaysanada sare ku xusan in ay ku hor-timaado
Maxkamadda muddo 30 Maalmood gudahood ah, oo ka bilaabaneyso Maalinta Arbacada ah oo ay taariikhdu tahay 20/05/2026, kuna eg Maalinta Sabtida ah ee taariikdu tahay 20/06/2026.