19/03/2026
Ciid Wanaagsan Dhamaan Umada islaamka ah gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed Farxad iyo Nabad ku Ciida.
Member Of Parliamant, Deputy Minister of Finance of the Federal Republic Of 🇸🇴Somalia Official Page
19/03/2026
Ciid Wanaagsan Dhamaan Umada islaamka ah gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed Farxad iyo Nabad ku Ciida.
Ramadan Mubarak
Hadal jeedintaydii Cutubka 10aad ee dhamaystirka dastuurka JFS
Waxaan kulan la yeelanay Madax ka socota Hay’adda Impact Fund Denmark (IFU), oo ah hay’adda qaran ee Dalka Denmark u qaabilsan Maalgalinta Mashaariicda horumarineed, Kulan kaan ayaan uga wada hadalnay xoojinta iskaashiga maalgashiga dhinacyada gaarka loo leeyahay ee la jaanqaadaya Qorshaha Horumarinta Qaranka (NTP) ee Soomaaliya.
Magaalada Galdogob waxaan kula Casriyeynay qeybaha kala duwan ee bulshada
Magaalada Galdogob iyo ka qayb-galka Caana Shubka Ugaas Cabdiraxman Ugaas Maxamed.
08/02/2026
Waxaan ka qayb galay munaasabad Caana-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed, taas oo muujisay qiimaha dhaqanka, wadajirka iyo sooyaalka ummadda Soomaaliyeed, Hambalyo iyo duco ayaan u dirayaa Ugaaska Cabdiraxmaaan Allaha ku asturo masuuliyadaas.
08/02/2026
Waxaan soo gaarnay magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug, annagoo ka qayb galayna xafladda Caana Shubka Ugaas Cabdiraxman, Waa munaasabad dhaqan iyo sharaf leh oo muujinaysa midnimo, ixtiraam iyo soo jireenka dhaqanka Soomaaliyeed.
03/02/2026
Waxaan Xafiiskayga ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso Marwo Patricia Danzi Agaasimaha Guud ee Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland (SDC) oo uu wehlinayo Mirko Giulietti Safiirka Dowladda Switzerland ee Soomaaliya, Kulanka waxaannu diiradda ku saarnay xoojinta iskaashiga horumarineed, taageerada mashaariicda mudnaanta leh iyo adkaynta xiriirka wada-shaqeyneed ee labada dhinac.
17/01/2026
Waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa Madaxweynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo maanta si rasmi ah loogu caleema saaray magaalada Laascaanood, Waxaan Alle uga baryayaa inuu ku garab galo masuuliyadda culus ee loo igmaday, kana dhigo kuwo ku hogaamiya deegaanka caddaalad, midnimo, horumar iyo nabad waarta.
31/12/2025
Waxaan magaalada Dhuusamareeb uga qayb-galnay Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage, oo sanadkan ay martigelinayso Dowlad-goboleedka Galmudug.
Madasha waxaan ku biirinnay aragtideenna ku aaddan khatarta amni iyo siyaasadeed ee ka dhalan karta aqoonsi beenaadka Israa’iil, kaas oo si cad u halis gelinaya midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo ay cadayn utahay sida Dowladaha aduunka iyo Saaxibada Golaha Amaanka ay u hor’istaageen Aqoonsi beenaadkas.
Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka, waxay astaan u tahay horumar, dimuqraadiyad iyo ka-qaybgalka dadweynaha ee hoggaaminta dalkooda, oo mudo badan ay sugayeen