Mohamed Said Abdilahi

Mohamed Said Abdilahi

Share

former Member of Somali Federal Parliament & former Deputy Minister of Health and Socialcare

02/11/2025

Somalis are known to adapt easily with the other societies especially for those who have entrepreneur mentalities. While others describe Somalis as risk takers and successful in many fields, they are still learning how to maneuver this western sophisticated system.

Therefore, to avoid unnecessary system's hazards and hardships they need people who have the skills to navigate and lead them to achieve their potential.

Communities in Minnesota need to rally behind the young politicians who are seeking public office to represent them, on the other hand, for those who understand the needs of the community should work easing their struggle to overcome any shortcomings.

31/10/2025

Governor Walz orders to pause all payments for DHS medicaid services until the audit is complete will bankrupt the small and business starters in this field.

Therefore, the minority owned businesses who are already struggling to maneuver the system will be the scapegoat for this process.

The state should not stop the payments while the audit is going to better serve the vulnerable communities that receive such important services.

The only beneficiaries in this process will be the “ mega” , the long term service providers who will again re-gain their previous market share.

30/10/2025

The Minnesota Governor's order for third-party audit at DHS medical billing of yesterday should be welcomed with alertness.

The minority small businesses anxiety about the audit should be a launching-pad or a platform
for better business practices not as some view a punishment for those who are new to the field.

Any business starter should consider partnering or hiring business consultants, lawyers and accounts to avoid such anxiety when the day of accountability knocks the door.

The mega interest groups should not influence the state to eliminate the small and newly joined businesses for monopoly.

The minority Minnesota business communities should work together finding associations that can advocate for their interests.

29/07/2025

Markuu Eebe fursad kuu siiyo inaad ummad hogaamiso, amaanadda laguu dhiibeyna ey tahay inaad ilaalineysid waa inaad iska ilaalisaa eexdda, tuugadda, munaafiqiinta iyo dhamaan waxa la hal maala.

Natiijada waxey noqotaa ummad hogaan hami leh, baqin, sinaan iyo cadaalad ka shaqeya aakhiranna wuxuu Rabi la hortago leh.

Markaad ka shaqeysid mabaadi'i intaan soo xusuey lid ku ah waxey natiijada noqotaa–ummad hami iyo aragti fog laheyn horumar ineey gaartaan iskaba daa, aduun iyo aakhiranna beeshey.

28/02/2025

Eebe Subaxaanahu wa-tacaali Qur'aankiisa wuxuu noogu sheegay waqtiyadda iyo cibaadooyinka—micnaha ku jira waa inaan ilaalino waana wax danteena ku jira.

Markuu shanta salaad dukashadeeda uu waajib nooga dhigey xikmad ku jirta waa inaan marwaliba xasuusano abuureheena taladdana saarano wax walboo aan qabaneeyno, sidoo kale soonka iyo cibaadooyinka kale.

Wuxuu na leeyahay aniga ayaa ku abuurey oo og dantaada meesha ku jirta ee raac buuggan aan ku soo raaciyey—hadeynaan amaradiisa u hogaansamin wixii nagu dhaco waa waxaan aniga isu keeney, hadaan raacnanan asiga waxb uma dhimeeyso.

Aadano walbo dantiisa Aduunyo iyo Aakhiro waxey ku jirtaa raacista iyo fahamka Eebe wuxuu ugu danleeyahay.

Mar haduu xaalka sidaas yahay sow nalama haboona inaan u hogaansano oo aan talada asiga saarano oo aan fiirino cibaadooyink uu na amrey meel ey naga tuuri doonaan.

Qofwaliba markuu fahmo micnaha ka danbeeya salaadaha, soonka iyo cibaadooyink soo raaco ayuu noolaan karaa nolosha Eebe noogu tala galey.

24/02/2025

Shacab fahmsan wuxuu rabo ayaa iska soo saara ama kasoo dhex bixi kara hogaan himiladiisa xaqiijiya.

Ummadu waa iney fahamsantahay micnaha dowladnimadda, adeega ey bixiso, waajibka saaran iyo sidey horumarinteeeda uga shaqeyn lahaayeen.

Mar hadii shacabku aanu ogeyn waxa ey dowladnimadda u baahantahay si ey lugaheeda ugu istaagto ha u diyaar garoowaan kuwa marwaliba bar-barad ah, dantooda ka hormariya oona ilaahey kaga baqeyn amaannadda Ilaahey u dhiibey.

04/02/2025

Mar hadaa ogtahay in Eebe uu xukunka bixiyo uuna siiyo qofka uu rabo, sow ma haboona ineynaan wado kale ku raadin—xukun lacag, qori, qabill lagu raadiyey natiijadiisu waa aragnaa.

Kuwa badan oo waxaa jira raali ka noqoneyn hadii maanta qofka Eebe nooga cabsi badan, xikmad iyo caqli wax ku hogaamiyo siiyey xukunka loo dhiibo.

Miisaanka aan wax ku cabirno inta uu qaldanyahay wax hagaagaya ma jiraan, waqtiga aan iska lumineeyno waxaa ka daran kan aan jiilasho soo socda ka lumineeyno.

03/02/2025

Bulshaddu hadeey la'heyn jiheeye waa sida xoolo aan qowsaar la'heyn, jiheeyuhuna haduu laheyn aragti iyo hadaf ummadaha ayuu habaabiyaa, sida qowsaarka xooluhu haduu biyo iyo cunno meel ku ogeyn ey u la'daan oo kale.

Soomaaliya maanta meesha ey taagantahay waxaa joojiyey jiheeye aan jiha uu u socda garaneyn isla markaana tallo ka qaadannaya kuwa danahooda ka dhex arka jahwareerkiisa.

Hadii jiheeyuhu ahaan lahaa mid lagu shaqaaleeyey faham, khibrad, aqoon iyo xariifnimo maanta halkan meeynaan taagnaan laheyn.

Waqtiga ummaduhu looma xisaabiyo sida caadiga oo kale—ummaddi hadey hesho hogaan toosan oo leh aragti iyo hadaf waxey si dhaqsi ah ku gaartaa ummadaha horu-marey. Nasiib daro Soomalia waxey ku socotaa taahii 40 ka sano ee reer banu' Israel ey ku lunsaneyd saxarha siinna da Masar ku taal.

30/01/2025

Marka aad garowsato in garta marwaliba adiga un kuu go'eyn, in fekerka iyo aragtida oo lagu kala duwanaado xikmad Eebe ey ku jirto oo aadna aqbasho tahay, dhibka ama dheeftana midkoodna abid waareyn, awood ama xoog walbood isbedaana xad un ey leedahay!

Sow ma haboona in geedka aad saarantahy si caqli ku jira uga soo degatid inta aan jiridkiis oo la siibey fadhi lagaaga dhigin.

08/01/2025

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee fekerkooda gaarka ah raba iney ku dirqiyaan ummadda Soomaaliyeed waa iney ka fekeraan saameynta fog ee jiilalka soo socda ay ku jeelaneyso.

Dhaqaale sokeeye ama mid kuwa kale ka yimid waa mid si ku meel gaar ah fekerkaaga kaga iibin karto calooshood u shaqeystayaa, l balse ma noqonaayo xal waara oo mustaqbalka ummadda lagu jiheeya.

Kuwa qoriga wax ku maquunin kara ama dhaqaale wax ku burburin kara waa iney marna ilaawin in wadanka lawada leeyahay oo meel lagu gaari karo un heshiis.

Ummada masaakiinta ah ee lagu dul loolamaya Eebe halooga baqo, hadii aan jirin wax kaloo ku clin kara.

18/12/2024

Xowliga ama xawaaraha aduunka uu ku socdo waxaad moodaa inaan aad uga danbeyno oo aan ka dhacsannahay sababtunna waa kala shakiga aan dhamaaneyn iyo hogaan aan aragti cad oo qarannimo ku dhisan laheyn.

Waxaa dhab ah inaan arrimo badan aan isku maan-dhaafsannahay oo ay ka mid yihiin siyaasadda iyo kaabaheeda, laakiinse waa iney annagoo dhan na curyaamin.

Waxaad moodaa kan waxbarshadda ku jira, shaqeynaaya iyo kuwa kaloo badanba iney cimriga ku dhameeysanayaan sugid ama rajo ah iney marka h**e siyaasadda iyo hogaanka toosaan.

Curyaan-nimaddan k**a bixi doono inta iridkan furmi la' aan garaacisto ku heyno oo aan daaqad kaga boodno ka heleyno waxana loo baahantahay feker iyo caqli midkaan ka duwan.

25/11/2024

Markaa tahay siyaasi dabeel-raac waxa raadisaa geed adag oo aad ku dhegtid intey dabeeshu kacsantahay.

Geedka aad ku tiirsaneyso hadaadan jirirdkiisa ama inta uu ku heyn/celin karo ageynna khatartiisa ma yara.

Inta badan siyaasiyeenta Soomaaliyeed khatarraas ayeey ku jiraayaan mar hadeyn mabd'a dhab ah oo ey u taagan yihiin jirin

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Mogadishu