04/04/2026
Waa Maahmaah ku habboon xiligan wadanka xaaladdiisa.
“Qabri qodayaashu qabri qode ayay iyana leeyihiin”
Member of Somalia Federal Parliament | Fmr NISA Chief of Staff & Villa Somalia Dep. Chief of Staff
04/04/2026
Waa Maahmaah ku habboon xiligan wadanka xaaladdiisa.
“Qabri qodayaashu qabri qode ayay iyana leeyihiin”
Madaxwaynuhu asagaa horay noogu sharraxay doorashada maanta dhacday!
Madaxwaynuhu intaan uu asagu sheegayo miyuuna asagu hadda sameyn?
"اقرء كتا بك كفا بنفسك اليوم عليك حسيبا"
صدق الله العظيم
28/03/2026
Hambalyo Madaxwayne Laftagareen.
Waxaan ka rajeynaynaa Madaxda Dowladaha kale ee Mudda dhaafka ah inay Doorashada qabtaan!
25/03/2026
BAYAAN
Waxa aan si adag u cambaareynayaa xarigga iyo afduubka lagu sameeyay Sarreeeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo muddo dheer usoo adeegay Qaranka waqtigiisa ugu badanna galiyey dhismaha hey’addaha amniga gaar ahaan ciidanka Asluubta Soonaaliyeed.
Tallaabadan waxa ay muujinaysaa ku tubasho sharciga, waxayna wadanka ku furaysaa wadda qaldan. Waxaa gef ku ah dawladnimada dalkeenna in Sarkaal aan wali xilkii laga wareegin si sharci daro ah xabsi loogu taxaabo isaga oo weli Qarankiisa usii adeegaya.
Madaxweynuhu waxa uu muddooyinkii dambe ku kacayay falal lagu xirxirayo qof walba oo ka aragti duwan, balse tallaabada uu caawa qaaday ee lagu afduubtay Taliye Mahad waxa ay ka tarjumaysa aragtisiisa gurracan iyo ku tumashada sharciga iyo awoodda dowladnimada oo si khaldan loo isticmaalayo.
Hoggaanka dowladda waxaan ugu baaqayaa in la ixtiraamo sharciga dalka oo si degdeg ah xorriyadiisa loogu soo celiyo Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo ah sarkaal abaal weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed.
Aayaddaan Qur’aanka ah ayaa kuu cadeyneysa, rafashada hadda Villa Soomaaliya ka socota.
Eebbe marka uu xukunka ku dhaafinayo, waa lagaa soo siibayaa xukunka sida nafta marka lagaa qaadayo oo kale.
قُلِ اللَّهُمَّ مَالِكَ الْمُلْكِ تُؤْتِي الْمُلْكَ مَنْ تَشَاءُ وَتَنْزِعُ الْمُلْكَ
مِمَّنْ تَشَاءُ وَتُعِزُّ مَنْ تَشَاءُ وَتُذِلُّ مَنْ تَشَاءُ بِيَدِكَ الْخَيْرُ إِنَّكَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ .
19/03/2026
Ciid wanaagsan Muslimiiinta iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan dal iyo dibad. Eebbe hanaga aqbalo soonkii barakeysnaa iyo acmaashiisa wanaagsaneyd.
Bismillah.
Hogaamiyaha daacadda ah waxaa la gudboon in eedihii iyo khaladaadkii dhacay mudadii uu xilka hayey inuu si geesinimo leh uu u qirto kana gaarabo. Madaxweynihii h**e Farmaajo waxaa ka muuqata inuu caado ka dhigtay hadba eeddii loo qabsado inuu u leexiyo qof kale oo ka darajo hooseeya.
Madaxwayne Waare, Amisom, iyo UN dalka Soomaaliya looma dhaarinin, inaad eedda iska leexiso waxaa ka haboon inaad ka garaabto.
Waa nasiib darro in Madaxeeynihii sheegan jiray wadaniyadda uu af buuxa ku leeyahay dowladda Soomaaliya ma xukumin garoonka Baladweyne, taasoo ah gaf weyn oo qaranka laga galayo, ayna ku haboon tahay in Madaxweyne Farmaajo uu cudurdaar ka bixiyo hadalkaas.
Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo ee gaalabta wuxuu ku celceliyey in Madaxweyne Xasan uu masuul buuxa ka yahay wax kasta oo dalka ka hallaaba, taas waxaa la mid in Madaxweyne walba uusan ka dhuumanin wixii khaladaad ah ee dhacay intuu ku jiray mudda xileedkiisa.
Waxa adduunka dagaal ka socda waxaa ugu liita midka Xildhibaanada lagu soo celshay.
17/02/2026
Ramadaan Kariim,
Waxaan ummadda Islaamka ah gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu bishaareynayaa dhalashada Bisha Barakaysan ee Soon.
Soonkan wuxuu kusoo aaday xili dalka intiisa badan abaaro haleeleen, sidaas daraadeed waxaan bulshada Soomaaliyeed ee khayrka jecel ugu baaqayaa inay u gurmadaan dadka abaaruhu saameeyeen, isna gacan qabtaan oo isku gurmadaan.
Soonqaad wanaagsan.
29/01/2026
Marka Cadaaladda loo isticmaalo awood lagu maquuniyo siyaasiyiinta kale ee kaa aragti duwan waxay kusoo dhamaataa fashil.
Waxaa kaliya oo ka dhalanaya in nadaamka cadaaladda wadanka laga aamin baxo.
Nasiib darro!
Hoos ka eeg labada amar ee Cadaaladda lagu burburiyey.