07/12/2025
Waxay yiraahdeen Daahir Culusow ayaa YouTube ka xaday gabar la yiraahdo Sundus Ayaanle oo reer Puntland/Majeerteen ah!!
Haddiiba warkaasi run yahay gabadhaasi ha akhrisato qoraalkan.
Marka h**e waxaa jiro foom YouTube-ka oo lagu talagalay accounts hacked.... [1]
๐ช๐บ Madama qofka la tuhunsan inuu jabsaday cinwaanka (Daahir Culusow) ku nool yahay qaarada Yurub, waa dembi culus (cybercrime).. Waxaad dacwad u gudbin kartaa booliska dalka u ku nool yahay
Balse waa inaad keenta cadaymaha loo baahan yahay ka hor dacwada. [2]
Midowga Yurub waxaa jira sharciyo cad oo ka dhan ah: Hacking, identity theft, Online fraud, unauthorized access to accounts. [3]
๐ณ๐ฑ Daahir Culusow wuxuu ku nool yahay Netherlands, dabcan waa arrin sahlan in dacwad ay u gudbiso gabadha cinwaankeeda la jabsaday booliska dalka. Haddii ay aqoon halka ay ka gudbinayso waxay guujin karta: ๐https://www.politie.nl/eenheid/landelijk/cybercrime.html waxaana ay samayn karta
*Aangifte (formal report)
*Melding (informal report)
Dabcan waa aqbalaan dacwooyinka caalamiga ah haddii falka uu ka yimid qof ku nool Netherlands... Iyadoo tuulo Garoowe joogta ayay dacwadeeda soo gudbin karta xaqeedana heli karta. Oohin iyo baryootan la'aan. [4]
Inta waxaa dheer cayda iyo aflagaaddada ninkaasi Online-ka uga geysto xiita halkaan ayay ka gudbin karta dacwadooda ๐https://www.eokm.nl [5]
๐ Haddaba markaad dacwada u gudbineyso booliska Netherlands diyaarso, waxay ku weydiin doonaan:
* Email-kaaga
* Screenshot-ka Google login activity (haddii aad heshay)
* Markii la jabsaday
* Link-ga YouTube-kaaga
* Caddaynta in adigu tahay milkiilaha account-ka
* Haddii hacker-ku wax beddelay (email, password, videos, magac, iwm) [6]
"Wax wax ku siiya in badan baad aragtaa, wax wax kuu sheegase in yar".

11/07/2022
08/07/2022
20/06/2022