12/03/2020
Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku soo bandhigtay ciidamo millateri ah si gaar ah u tababaran, kuwaas oo loo bixiyey Galaydh.
Sidoo kale dhawaan Taliyaha Booliska ayaa sheegey in ay sameeyeen ciidamo Booliis ah oo iyana la dhoho Shabeel.
Dowladda Soomaaliya ayaa leh ciidamo la dhoho Gor-gor, Harimcad iyo qaar kale.
Xigasho : Mohamed Salh
06/03/2020
Mataa geer santahay
Nabad iyo NoloL haa ama maya Nagu soo biir page kana likegaree
05/03/2020
MADAXWEYNAHA KENYA OO KHADKA TELEFOONKA KA SOO WACAY MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA.
MadaxweynE Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa khadka telefoonka ku wada hadlay kadib wicitaan ka yimi Madaxweynaha Kenya.
Labada Madaxweyne ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya.