24/05/2026
๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ก (Qoraaga Buugga)
Qoraaga buugga, Maxamed Xaashi Cabdi Carrabey, waxa uu si weyn ugu mahadcelinaya Xildhibaan Nuur Axmed Diriye oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee laga soo doorto Gobolka Gedo, ka dib markii uu Jaamacadda Gedo International University ugu deeqay 50 nuqul oo kamid ah buugga Dhisiddii Maamulka Gobollada Dhexe iyo Dawlad-goboleedka Galmudug ee aan dhawaan ku soo bandhigay Muqdisho.
Qoraagu wuxuu bogaadinayaa taageerada iyo dhiirrigelinta loo muujiyey waxbarashada, iyo kobcinta akhriska, waxaana uu rajaynaya in tallaabadan ay dhiirrigelin u noqoto horumarinta waxbarashada iyo sare u qaadidda aqoonta bulshada.
02/05/2026
๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ก (Qoraaga Buugga)
Qoraaga buugga โDhisiddii Maamulka Gobollada Dhexe iyo Dowlad Goboleedka Galmudugโ, Mudane Mohamed Hashi Arabey waxa uu si gaar ah ugu mahadcelinayaa Xildhibaan Qaali Cali Shire, kaalinteeda gaarsiinta nuqullo ka mid ah buuggan ee magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan Jaamacadda Gaalkacyo oo runtii ardaydu ay ka faaโiideysan doonaan taariikhda buugga ku xusan.
Sidoo kale, waxaa mahadcelin mudan Maamulka Jaamacadda Gaalkacyo (Galkayo University) oo guddoomay buuggan, si uu ugu noqdo il aqooneed oo ay ka faaโiidaystaan ardayda, cilmi-baarayaasha, iyo guud ahaan bulshada aqoonta jecel.
Waxa ay arritaan dhiirrigelin u tahay bahda akhriska iyo qoraalka, waxaana ay sidoo kale tallaabadaan xoojinaysaa horumarinta waxbarashada iyo kobcinta dhaqanka akhriska.
23/04/2026
Shalay oo ahayd Arbaca 22/04/2026, waxaan kaga qayb galay magaalada Muqdisho Nadwo (Kulan cilmiyeed) cinwaankiisu ahaa (Geedi socodka maamul dhisidda Galmudug, marxaladihii uu soo maray maamulkaa iyo xaaladda hadda uu ku suganyahay)
Nadwada oo ay soo qabanqaabiyeen Madashada SADSUD oo ay ku midaysanyihiin aqoonyahanno iyo cilmibaarayaal Soomaaliyeed.
Nadwada oo socotay sedex saacadood ayaa waxaa marti ku ahaa madaxwayne ku xigeenkii h**e ee Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) (Hon. Arabey Hashi Abdi) soo jeedintiisa ka dib waxaa ay ka doodeen aqoonyahankii ka soo qaybgalay Nadwada mowduuca, sidoo kale ka qaybgalayaasha Nadwada ayaa ka faalooday qodabadii ay ka hadleen soo jeediyayaashii Nadwada oo uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenkii h**e, waxaa kaloo jiray suโaala la waydiiyay madaxwayne ku xigeenkii h**e Mudane Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey)
Kulanka oo uu furay Ustaad Maxamed Buulle oo ku hadlaayay magaca gudoomiyaha SADSUD ayaa ka qaybgalayaasha soo dhaweeyay, dhanka kale waxaa uu xusay Mudane Buule Madasha SADSUD in la aasaasay 2000, kaddib markii la dareemay baahida weyn ee loo qabo horumarinta tacliinta, kobcinta wacyigelinta bulshada, iyo xoojinta wadahadalada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Tan iyo markaas, waxay ku guuleysatay Madasha SADSUD in ay midayso aqoonyahanno badan oo leh hal himilo oo mideysan oo ah midnimo, nabad, iyo horumar.
Intii ay socotay Nadwada waxaa uu soo bandhigay Mudane Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) dood ku saabsan buuggii dhawaan uu qoray ee uu u bixiyay (Dhisiddii maamulkii gobolada dhexe iyo Maamulgoboleedka Galmudug) waxaana uu si gaar u dul istaagay cutubyada qaarkood, ayadoo halkaa lagu iibsaday buugga.
Nadwada oo bilaabatay 04:30 PM ayaa soo gabagabowday 08:00 PM ayadoo aqoonyahankii ka soo qaybgalay Nadwada ay is dhaafsadeen dooddo wax tar ahaa.
Madasha SADSUD ayaa balanqaadday in dooddaan ku saabsan Galmudug ay ka qaban doonto hadii Allaah yiraahdo kulamo kale, waxaa kaloo ay sheegeen madasha SADSUD in mowduucya kale oo muhim ahna ay doodo iyo Nadwooyin kale ay ka qaban doonaan hadii Allaah yiraahda.