Dowladda Hoose ee Caasimadda Dusamareb

Call Website Contact the organization

Dowladda Hoose ee Caasimadda Dusamareb The Official Page of the Dusamareb(Dhuusamareeb) Local Government, the Capital City of the Galmudug State of Somalia.

Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb, ahna Duqa Caasimadda Dowladda Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-Qorow)...
22/10/2026

Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb, ahna Duqa Caasimadda Dowladda Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-Qorow), ayaa caawa ka qaybgalay munaasabadda lagu soo dhaweynayo Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cabdiweli Ibraahim Gar-yare, kuwaas oo maanta ay doorteen Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlada Galmudug.

Munaasabadda ayaa soo dhaweyn iyo taageero loogu muujiyay hoggaanka cusub ee Dowladda Galmudug waxaa ka soo qaybgalay xildhibaanno, wasiirro ka tirsan Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Dhuusamareeb, Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Dowladda Hoose iyo qaybaha kala duwan ee bulshada caasimadda Dhuusamareeb.

22/10/2026

Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb, ahna Duqa Caasimadda Dowladda Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-Qorow), ayaa caawa ka qaybgalay munaasabadda lagu soo dhaweynayo Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cabdiweli Ibraahim Gar-yare, kuwaas oo maanta ay doorteen Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug.

HAMBALYO IYO BOGAADINGudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb, ahna Duqa Caasimadda Dowladda Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Cali ...
22/10/2026

HAMBALYO IYO BOGAADIN

Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb, ahna Duqa Caasimadda Dowladda Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-Qorow), ayaa Hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cabdiweli Ibraahim Gar-yare, oo maanta ay doorteen Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiye Geeda-Qorow ayaa hoggaanka cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo doortay, isaga oo Alle uga baryay inuu u fududeeyo gudashada waajibaadkooda shaqo, kuna guuleystaan xoojinta nabadda, midnimada, dowlad-wanaagga iyo Horumarinta Dowladda Galmudug.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa hoggaanka cusub u rajeeyay guul iyo horumar, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in ay ka shaqeeyaan danta guud, horumarinta adeegyada bulshada iyo xaqiijinta himilooyinka shacabka reer Galmudug.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA BULSHADA
DOWLADDA HOOSE EE DEGMADA DHUUSAMAREEB

07/10/2026

Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda Galmudug, Mudane Cabdirahmaan Cali Maxamed Geeda-Qorow, oo ay weheliyaan Taliyaha Booliska Caasimadda, Nuur Cilmi Maxamed, Taliyaha NISA ee Dhuusamareeb, Axmed Cismaan Dhagatare, Agaasimaha Waaxda Howlaha Guud iyo Dhul-bixinta Dowladda Hoose, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Ogaal, iyo Injineerka Dowladda Hoose, Cabdullaahi Cabdulle Raage, ayaa caawa kormeer ku sameeyay goobaha ganacsiga ee bartamaha Caasimadda.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd dardar-gelinta fulinta Amarkii 19-ka Agoosto 2026 ee Dowladda Hoose, kaas oo ku saabsanaa hagaajinta, nadiifinta iyo qurxinta bilicda Caasimadda.

Gudoomiye Geeda-Qorow ayaa shacabka caasimada uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay uga jawaabeen amarka Dowladda Hoose ayaa ku dhiirrigeliyay ganacsatada inay sii wadaan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda Caasimadda Galmudug, gaar ahaan qurxinta hareeraha waddooyinka saaran
interlock-si loo xoojiyo bilicda magaalada.

04/10/2026

Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb, ahna Duqa Caasimadda, Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-Qorow, ayaa caawa ka qayb-galay munaasabadda lagu iclaaminayay daahfurka Dowradda Axadiista Nabigeenna NNKH, taas oo caawa laga daahfuray Masjidka Sheekh Cabdi Maxamuud ee magaalada Dhuusamareeb.

Gudoomiye geeda Qroow ayaa u mahadceliyay culimadii soo qabanqaabisay Dowradda,ayaa ballanqaaday inuu qayb ka qaadan doono kharashaadka ku baxaya Dowrada

30/09/2026

Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-Qorow, ayaa ka qaybgalay doorashada qof iyo cod oo saakay si nabad ah looga dareeray degmooyinka iyo deegaannada Galmudug.
Qaybaha kala duwan bulshada caasimadda ayaa u dareeray goobaha codbixinta, si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada golaha wakiilada iyo golaha degaanka

30/09/2026

Dhuusamareeb ayaa saakay looga dareeray doorashada qof iyo cod, iyadoo boqolaal kamid ah bulshada ay u dareereen goobaha codbixinta si ay codkooda uga dhiibtaan doora

29/09/2026

Liibaan Ahmed Hersi, Field Manager-ka NRC ee Galmudug, ayaa ka warbixiyay kormeerkii maanta ay ku tageen Biyo-xireenka Caasimadda Galmudug iyo kanaallada magaalada, ujeedka ayaa ahayd Qiimeynta xaaladda biyo-mareennada iyo diyaar-garowga xilliga roobaadka oo lafilayo fatahaado :

29/09/2026

Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-Qorow, oo ay weheliyaan Liban Ahmed Hersi, Field Manager-ka NRC ee Galmudug, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adda NRC, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay kanaallada iyo biyo-xireenka Caasimadda Dhuusamareeb.

Kormeerka ayaa lagu qiimeynayay xaaladda kanaallada iyo biyo-xireenka, iyadoo la tixgelinayo xilliga roobabka iyo suuragalnimada in magaalada ay ka da’aan roobab xooggan oo sababi kara fatahaado.

27/09/2026

Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb, ahna Duqa Caasimadda Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-Qorow), ayaa caawa ka qaybgalay munaasabadda xiritaanka ololaha doorashada qof iyo codka, oo ay soo qabanqaabisay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), taas oo lagu qabtay barxadda Caasimadda Galmudug, Dhuusamareeb.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Xisbiga JSP iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Caasimadda.

Address

Dhusamareb
Mogadishu
0000

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dowladda Hoose ee Caasimadda Dusamareb posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dowladda Hoose ee Caasimadda Dusamareb:

Shortcuts

Share