Dowladda Hoose ee Caasimadda Dusamareb

Dowladda Hoose ee Caasimadda Dusamareb

Share

The Official Page of the Dusamareb(Dhuusamareeb) Local Government, the Capital City of the Galmudug State of Somalia.

24/05/2026

Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb, ahna Duqa Caasimadda, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda Qorow), oo ay wehliyaan agaasimayaal ka tirsan Dowladda Hoose, ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha waddada Kaamka Barwaaqo oo laga hirgeliyay duleedka galbeed ee Caasimadda Dhuusamareeb.

21/05/2026

Guddoomiyaha Degmada ahna Duqa Caasimadda mudane Abdirahmaan Cali Maxamed Geedaqoroow, oo ka qayb galay munaasabad xilka loogu kala wareejinayay agaasimihii h**e ee Isbitaalka Gobolka Galgaduud iyo agaasimaha cusub, ayaa ka warbixiyay marxaladihii uu soo maray Isbitaalka Gobolka Galgaduud.

30/04/2026

DHUUSAMAREEB: MAGACAABISTA GUDOMIYA DEGAANKA MAREERGUR

Maamulka caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa si rasmi ah u magacaabay Gudoomiyaha Degaanka Mareergur ee gobolka Galgaduud,Magacaabistan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Hoose ee Degmada Dhuusamareeb ku xoojineyso,maamulka iyo Adeegyada dowladda deegaannada Hoos yimaada caasimadda

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Bulshada
Dowladda Hoose ee Degmada Dhuusamareeb
📧 Email: [email protected]
📘 FaDowladda Hoose ee Caasimadda Dusamarebd=wwXIfr
🌐 Website: www.dusamareb.gm.so
📱 TikTok: https://www.tiktok.com/?_t=ZM-909uPIf78mW&_r=1

29/04/2026

𝗧𝗔𝗖𝗦𝗜 𝗧𝗜𝗜𝗥𝗔𝗔𝗡𝗬𝗢 𝗟𝗘𝗛
“إِنَّا لِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ”

Guud ahaan Maamulka Caasimadda, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada ahna Duqa Caasimadda, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Mudane Abdisalaam Aabi Aadan, Xoghayaha Maamulka Caasimadda, oo aabbihiis Aabi Aadan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Bahda Maamulka Caasimaddu waxay Alle uga baryayaan marxuumka in uu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelka iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku:

29/04/2026

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud
galmudug Mudane Mahad Xasan Yuusuf, waxaan ku faraxsanahay mashruucii ugu weynay soomaliya
In laga hirgeliyo Galmudug tan iyo burburkii dalka.

29/04/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Galmudug, Maxamed Cabdi Cilmi

29/04/2026

Mohamed Nuur Diini, Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha bulshada, waxaa laga rabaa shacabka caasimadda sidii ay ula shaqeeyeen mashruucii h**e ee guuleystay inay si lamid ah uga qeyb qaataan mashaariicda cusub ee horumarineed ee ka socda waddada Qarandhi iyo Dhuusamareeb.

29/04/2026

Eng Mohamud Abdinur Aden, Maareeyaha Guud ee Mashruuca Dhismaha Waddada Dhuusamareeb–Qaradhi (60 km) Galmudug, Soomaaliya.

29/04/2026

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka caasimadda, Cabdisamad,salaad Aadan sanweyne ayaa ka qayb galay Kulanka wacyigelinta iyo ka qaybgalka bulshada dhismaha waddada xiriirisa Dhuusamareeb iyo Qaradhi,

26/04/2026

Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda Qorow), ayaa shalay kusoo dhoweeyay Xarunta Maamulka Caasimadda wafdi sare oo ka socday hay’adaha Islamic Help iyo Simply Aid UK, kuwaas oo xarumo ku leh dalalka Turkiga iyo Ingiriiska.

Wafdigan ayaa u yimid caasimadda u kuurgalidda xaaladaha bani’aadamnimo iyo xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Dowladda Hoose ee Dhuusamareeb, iyagoo kulamo la qaatay maamulka degmada kana wada hadlay fursadaha horumarineed iyo mashaariicda mudnaanta leh ee la hirgelin karo.

Guddoomiyaha Degmada ayaa sidoo kale wafdiga ku wehliyay booqasho ay ku tageen qaar kamid ah goobaha muhiimka ah ee magaalada, si ay ugu kuurgalaan baahiyaha jira iyo xaaladda nololeed ee bulshada.

Photos from Dowladda Hoose ee Caasimadda Dusamareb's post 26/04/2026

DHUUSAMAREEB, 25 ABRIIL 2026

Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda Qorow), ayaa shalay kusoo dhoweeyay Xarunta Maamulka Caasimadda wafdi sare oo ka socday hay’adaha Islamic Help iyo Simply Aid UK, kuwaas oo xarumo ku leh dalalka Turkiga iyo Ingiriiska.

Wafdigan ayaa u yimid caasimadda u kuurgalidda xaaladaha bani’aadamnimo iyo xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Dowladda Hoose ee Dhuusamareeb, iyagoo kulamo la qaatay maamulka degmada kana wada hadlay fursadaha horumarineed iyo mashaariicda mudnaanta leh ee la hirgelin karo.

Guddoomiyaha Degmada ayaa sidoo kale wafdiga ku wehliyay booqasho ay ku tageen qaar kamid ah goobaha muhiimka ah ee magaalada, si ay ugu kuurgalaan baahiyaha jira iyo xaaladda nololeed ee bulshada.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa habeennimadii xalay u sameeyay wafdiga munaasabad sagootin ah, isaga oo uga mahadceliyay booqashadooda iyo dadaallada ay ku taageerayaan bulshada, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay xoojinta iskaashi miro-dhal ah iyo in si wadajir ah loo hirgeliyo mashaariic wax ku ool ah.

—DHAMMAAD—
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Bulshada
Dowladda Hoose ee Degmada Dhuusamareeb

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Dhusamareb
Mogadishu
0000