Akademiyadda Horumarinta Afka Soomaaliga iyo Hiddaha Ee WW&S JSL

Akademiyadda Horumarinta Afka Soomaaliga iyo Hiddaha Ee WW&S JSL

Share

Ku xidhnow bogga rasmiga ah ee Akademiyada horumarinta afka soomaaliga iyo Hiddaha ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL.

22/09/2022

Arday sharxaya alool oo ka mid ah ahabka hiddaha
Iyo dhaqanka reer Soomaalilaand.

22/09/2022

Salaamu calaykum mudanayaal iyo marwooyin,
Miyaanay wacnayn in la arko afka hooyo (Somaali) oo dadkiisu u hiiliyaan o ay kaga maarmaan jacburka iyo butuluqsida luqadeed ee haysata ummadda Soomaliyeed.

H**e ayaa loo yidhi "gacmahaaga ayaa biyaha lagaga dhergaa". Odhaahdaasi waa dhab. Af aa ad lahayn si kasta oo aad u barato waa hubaal in aadan ku ciil baxayn. Laakiin afkaaga hooyo waad ku ciil baxaysaa xaalad kasta oo aad ku sugan tahay.

Waxaan cid walba ku boorinayaa in aynu xoojino adeegsiga afka hooyo meel kasta oo aad joogtaan.
Waxaan si gaar ah idiinkula dardaarmayaa Soomaalida qurbaha ku sugan in ay ubadkooda kula hadlaan oo ku barbaariyaan adeegsiga afka Soomaaliga.

Jaamackk

05/06/2022

Halkudhiggeenu maanta waa "gacmahaaga ayaab iyo lagaga dhgergaa". Muwaadin afkaaga hooyo horumari oo adeegsado maalin kasta, meel kasta iyo goor kasta.

Jaamackk
Hormuudka

29/03/2022

Gacaliye iyo gacaliso, mudane iyo Marwo, meel kasta oo aad joogtaba salaamu calaykum.

Marna ha dheyelsan qiimaha afka hooyo iyo sida ay lama huraanka u tahay in aan afafka shisheeye iyo jacburku duugin afka hooyo. Nolee afkaaga hooyo adiga oo xoojinaya adeegsiga iyo horumarinta Afsoomaaliga .

Jaamackk
Hormuudka

Photos from Akademiyadda Horumarinta Afka Soomaaliga iyo Hiddaha Ee WW&S JSL's post 24/03/2022

Qabashada wejiga saddexaad ee tababarka shaqaalaha. Akadamiyadda horumarinta Afsoomaaliga iyo Hiddaha waxay fulisey in ay shaqalaaheeda iyo xubno ka socday waaxaha kale ee WWS barashada kombiyuutarka gaar ahaan adeegsiga excel sheet.
tababarku wuxuu soconayaa mudo 10 cisho ah

Photos from Akademiyadda Horumarinta Afka Soomaaliga iyo Hiddaha Ee WW&S JSL's post 05/02/2022

Hawl wadeenada Akadamiyadda Af soomaaliga iyo Hiddaha oo saaka oo Sabtiya ka shiraya qabanqaabada xafladda maalinta Afka hooyo 21 Feebarwari

25/01/2022

Wacan oo wanaagsan meel aad joogtaanba.

Afkeenna hooyo Hiilka iyo tabantaabadiinna ayaanu marna ka maarmayn. Afsoomaaliga u adeegsada wada xidhiidhkiinna iyo isdhaafsiga aqoonta iyo fikradaha habboon. Qof walowba ogow afka hooyo xil baa kaa saaran ee ha gabin.

21/01/2022

Summadaha soomaalidu ay ku dhigan jirtay amaba ay ku suntadaan xoolohooda.
Adigu ma ku dari kartaa summad aad taqaano oo aan kuwan ku jirin ?!.

19/01/2022

Afkii hooyo (luqaddii Afsoomaaligu) wuxuu ku socdaa Halkii lo'da loogu heesay "Cidina uma maqna ceel uma qodna". Waxay akadamiyaddu si xushmad iyo qaddarin leh uga codsanaysaa qof kasta oo Soomaali ah in uu ka soo taliyo siyaabaha ugu habboon ee loo horumarin karo afka hooyo.

Maxaad odhan lahayd hala sameeyo ama ha lagu tallaabsado si loo xoojiyo adeegsiga afka hooyo iyo si loo xaqiijiyo in aan afku ku baabi'in adeegsiga afafka qalaad iyo jacburka hadda lagu hadlo.

Mahad Alle ayaa leh.
Hormuudka Ahah
Jkk

19/01/2022

Gacaliyeyaal iyo gacalisooyin, sidee ayeynu eraybixin ku habboon ugu helnaa aaladaha bulashada ee casriga ah sida facebook, whatsapp iwm.

Ma magacyadooda ayeynu sidooda u qaadannaa?
Mise waxaynu u samaysannaa eraybixin afsoomaali ah?

Fikradihiinna noogu deeqa oo afka hooyo nala dhisa.

Hormuudka
Jkk

19/01/2022

Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan bahda waxbarashada in ay soo gudbiyaan wixii suugaan ah,eray bixinta casriga ah iyo macluumaad kasta oo lagu xoojinayo afka hooyo.

Want your business to be the top-listed Government Service?

Telephone

Website