19/03/2026
Eid Mubarak
Gudoomiyaha degmada garasbaaley iyo maamulkiisa waxay hambalyo diirran u dirayaan dhammaan Ummadda Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed gaar ahaan dhacabka degmada garasbaaley, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga.
"Waxaana Alle ka baryaynaa inuu naga aqbalo cibaadada, nagana dhigo dhamaanteen kuwo farxad ku ciida insha alkah,
15/03/2026
Taariikh: 15/03/2026
Waxaa maanta xarunta degmada garasbaaley ka qabsoomay shirkii isbuuclaha ahaa ee looga hadlaayay amniga degmada garasbaaley oo uu shirgudoominayay kusimaha gudoomiyaha degmada ahna gudoomiye kuxigeenka siyaasada degmada garasbaaley, Abrisak abdi bille shirkaas oo aay ka soo qaybgaleen, taliye kuxigeenka qaybta Galbeed, taliyaha cusub ee saldhiga, & saraakisha boolis melataro, konsalka degmada waxaana lagu lafaguray Amniga degmada Nalaynta wadoyinka & guryaha hortooda. Jarista geedaha Nadaafada, la dagaalanka nabaddiidka iyo muqaadaraadka,
17/11/2025
Sawirro: 17/11/025
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) Iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa booqasho ku tagay Degmada garasbaaley iyo xarunta shirkadda Gaalooge, Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa soo dhaweeyay maamulka degmada garadbaaley oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Degmada Garasbaaleey iyo madaxda shirkadda Gaalooge.
02/11/2025
Sawirro: 02, 11, 2025:
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, oo aay wehliyaan maamulka degmada garasbaaley oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmada ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Isbitaal cusub oo caalami ah oo degmada Garasbaaleey laga dhisaayo.
Isbitaalkaan waxaa iska kaashanaya maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adda Qatar, waxaana uu noqon doonaa isbitaal dan guud ah oo lacag la’aan ah, iyadoo loogu talagalay in looga faa’iideeyo shacabka degmada iyo dadka Barakacayaasha ah ee ku nool degmada garasbaaley
Sidoo kale dhagax dhiga isbitaalkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay odayaasha wax garadka dhalinyarada iyo haweenka degmada garasbaaley,
16/10/2025
SAWIRRO: Maamulka Dagmada garasbaaley Oo Kulan Casho sharaf usameeyay Xidigaha Kumatalaayo Tartanka Kubada Cagta Dagmooyinka Gobolka Banaadir.
07/10/2025
Sawirro: Maamulka Degmada garasbaaley oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha degamada ayaa ciyaartoyda degmamda garasbaaley u sameeyay abaal marin dhiiri galineed oo isugu jirta hambalyeeyn bogaadin iyo mid lacageed, ayagoona maamulku u balan qaaday abaal marino iyo dhiirigalino kale,
05/10/2025
Sawrro: Xidigahaa koooxda degmada garasbaaley ayaa guul muhiim ah ka gaaray dhigooda degmada hodan iyadooo aay degmada garasbaaley xaqiiqsatay usoo bixitaanka wareega 16ka
21/08/2025
Sawirro: Maamulka degmada garasbaaley ayaa maanta soo bandhigay ciyaatoy cusub oo ku matali doona tartanka degmooyinka gobolka banaadir,
19/08/2025
Dagmada Garasbaley Oo Soo Dhaweysay Laacibka Cusub ee Abdirahman jabtiil (Xeyraan) Oo Qeyb Ka Noqon Doona Xidigaha kumatali Doona Tartanka Kubada Cagta Dagmooyinka Gobolka Banaadir.
19/08/2025
Sawirro: Maamulka degmada garasbaaley oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmaga ayaa kulan dhiirigalin iyo soo bandhigid ciyaartoy u sameeyay ciyaartoyda degmada garasbaaley ku matali doonta tartanka degmooyinka gobolka banaadir
03/08/2025
Sawirro: Maamulka sportiga degmada garasbaaley oo garab iyo dhiirigalin ka helaaya maamulka degmada garasbaaley oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmada ayaa koob loo qabtay macalimiinta schoolada degmada garasbaaley ka daah furay waaxda 5aad ee tabeelaha sheekh ibraahin degmada garasbaaley (Garoonka kunciil stadium)