Fahamka Sharciga

Fahamka Sharciga

Share

kusoo dhawow pejkeena aan kusoo gudbino maclumad ku saabsan dhanka sharciga iyo wax an facayo bulshadena soomaaliyeed
صلوا على النبي محمد صلى الله عليه وسلم🥰

17/10/2025
09/10/2025

Really

16/07/2025

QEYBTII LABAAD

3: addii ay u cadaato xafiiska xeerka ilaalinta:
1) in aan la galin danbi.
2) in danbiga uusan gelin eeddaysanuhu.
3) in eedaysanuhu aanu ahayn eed qaad/ mid qaadi karaya masuuliyad danbi:
a) uu yahay qof qaba xanuun maxkaxeed ayna maqantahay kartidiisi garashada, qodobka 50 XC.
b) Qofku aanu ahayn marka uu danbiga galay mid da'diisu gaadhay 14 sano, qodobka 59aad ee XC.
4) In Danbigu Baaba'ay:
a) Eedaysanaha oo geediyooday awgii, Qodobka 143aad ee XC.
b) Eedaysanaha oo la Cafiyay awg, Qodobka 145aad ee XC.
c) Dhibanaha oo ashkatadila laabtay.
d) Dhibanaha oo isagoo aan ashkato soo gudbin geeriyooday.
e) Khilaafaadkii la dhameeyay si waafaqsan qodobka 146XC.
5) In aan dacwad lagu oogi karin eedaysanaha, sababtoo ah:
a) Danbiga taagani uu yahay mid lagu oogo cabashada dhibanaha cabashadiina aan la samaynin.
b) Isla dhacdadan/danbigan in si k**a danbays ah loogu xukumay, ama loogu waayay, ama si sharci ah loogu ooday.
c) Ogolaanshihii lagama maarmaanka u ahaa oogitaanka dacwadda, oo aan la bixin amase ladiiday.

15/07/2025

Hawlaha ka Horeeya Dhegaysiga Dacwadda Ciqaabeed,

Shaqada Xeer ilaalinta ka hor dhegaysiga Dacwadda:

Qodobka 70aad ee XHC.
Marka xafiiska xeer ilaaliyuhu helo warbixinta booliiska iyo gungaadhkisa goortaa waxaa la gudboon sadex arimood mid inuu yeelo:
1. Haddiay ula muuqato in dambi dhacay Uuna galay eedaysanuhu, lana hayo marag muujin maxk**ad lagu hor keeni karo, wuxuu goorta:
A. Qorayaa xaashida ama warqadda eedaynta, sida ku xusan qodobka 71aad ee XHC.
B. uu hordhigayaa eedda maxk**adda awoodda u leh.
C. a codsanayaa Maxk**adda inay cayinto taariikhda dhegaysiga dacwada iyo in ay qaado talaabooyinka lama-huraanka u ah dhegaysiga dacwada.
2: Haddii ay ula muuqato xafiiska xeer ilaalinta in marag muujinta lasoo ururiyay aysan ahayn mid ku filan oo eedaysanaha maxk**ad lagu horgeyn karo ama uusan ahayn eedaysunuhu qofka danbiga galay, waxaa markaa xafiiska xeer ilaalinta u furan oo awood u leeyahay laba arimood midood:
A. In uu amro in baadhis kale la sameeyo, hadduu filayo in baadhitaanadaasi ay keeni doonaan cadaymo hor leh oo wax iftiminaya.
B. nh uu xidho gal dacwadeedka oo dacwadda oodo sida ku tilmaaman qodobka 72aad ee XHC,



20/04/2025

ننظر إلى صفة المدعي

ننظر إلى صفة المدعي
Waxaa la eegaa cidda dacwada
gudbineysa:
إذا كان المدعي شخصأ مدنيأ
Aan ganacsade ahayn
له الخيار
Wuxuu dooran karaa in uu dacwadda
geeyo:
Maxk**adda Ganacsiga
Ama Maxk**adda Madaniga ah (sharciga
ah)
Sababta:
Waxaa la siinayaa xuquuq gaar ah si loola
tacaalo ganacsadaha oo leh khibrad
awood iyo faa'iido sharciyeed.
إذا كان المدعي تاجرأ
(ganacsade)
فلا خيار له
Waa khasab in uu dacwadda geeyo
المحكمه الشرعية ( ah madaniga maxk**adda

Ma heli karo ikhtiyaar - sharcigu
wuxuu difaacayaa dhinaca dadka aan
ganacsatada ahayn
ميثال حقيقي
(Tusaale Dhab ah):
Ganacsade ayaa alaab ka,iibiyay Qof Rayid
ah (Aan Ganacsade Ahayn) laakiin qof
Rayid ahaa (Aan ganacsadaha ahayn) ma
bixin lacagtii Abaabta, Haddii ganacsaduhu.
rabo in uu dacweeyo, waa khasab in uu
tago maxk**adda madaniga ah.

Laakiin haddii qofka caadiga ah uu rabo in
uu dacweeyo ganacsadaha, wuxuu dooran
karaa labada maxk**adood midkood.
Gunaanad
Maxk**adda la aadi karo waxay ku xiran
tahay cidda dacwadda gudbineysa.
Sharcigu wuxuu si gaar ah u ilaaliyaa dadka
aan ganacsatada ahayn si ay u helaan
garsoor dhexdhexaad ah.

09/03/2025

Fadliga Ramadaanka iyo qiimahiisa oo xadiisku sheegay.

* In marka Ramadaan soo galo la furo Albaabada janada taas oo

macnaheedu yahay khayrka janada lagu gelayo oo badanaya.

* In la xidho albaabada Naarta taas oo macnaheedu yahay in camalka

naarta lagu galaa yaraanayo.

* In la xidhxidho shaydaanada, shaydaanku bisha ramdaan sidii uu

muslimiinta ugu awooda badnaa uguma awood badna, kiisa

waaweyn ee dunuubta dadka ku ridana waa la xidhaa oo shar kuma

ridi karo, Riwaayadaha qaar waxay sheegeen in shaydaanka kiisa

madaxa adag la xidhxidho, taas oo laga fahmi karo in aan dhamaan

shaydaanku xidhxidhnayn ee kiisa yaryari fasaxna yahay.

3. In ilaahay u denbi dhaafo qofka sooma bisha isagoo rumaysan,

ilaahayna ajri kaga doonaya, Sidaa waxa inoo sheegay Nebigeena

NNKH wuxu yidhi: " Qofkii sooma Ramadaanka isagoo rumaysan

ilaahayna ajri kaga doonaya waxa loo dhaafaa denbigiisii h**e."
Waxa weriyey Bukhaari iyo muslim

07/03/2025

بسم الله الرحمن الرحيم
Soonka Alle hanaga aqblo
Inta aan ku jurno Bisha barakeysan ee ramadaan aan badino ducada iyo baryada Alle aan badino i.n

06/03/2025

Soonka Waa Sir ka dhaxeeysa Ilaaheey iyo Adoonkiisa.
Allah ayaana abaalmarinaya Ruuxa Sooman.

05/03/2025

Afur wanagsan
Ninka hadii iyadoo maalin soon ah la joogo uu xaaskiisa kulan la sameeyo soonkiisa maxuu naqonayaa ?

Jawaab
1, waxaa buraya ama jabaya soonkiisii
2, waxaa laga rabaa in malintaa inta ka dhiman uu afhaysta
3, waxaa laga rabaa in uu kafaaro gud layimaado , in uu soomo laba bilood oo xariir ah
> hadii uu kari waayo waa in uu lixdin masaakiin quudiyaa ,

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Mogadishu